President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad |
| Monday, 19 July 2010 10:04 |
|
Hargeysa (Up) War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Siciid Cadaani Mooge, ayaa u qornaa isaga oo dhamays tiran sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda safaaradda Dawladda Britian ku leedahay Magaaladda Addis ee dalka Itoobiya.
Wefdigaasi oo ka koobnaa, Safiir ku xigeenka Safaaradda Britian ee Addis ababa John Marshal iyo Haweenayda la yidhaahdo Emma Moley oo madax ka ah xafiiska kaalmadda iyo horumarinta caalamiga ah oo fadhigeedu yahay magaaladda Nayroobi, waxa ay ugu horeyntii u mahad naqeen Xukuumadda iyo shacbiga Somalilandba sidii fiicnayd ee loogu soo dhaweeyay intii ay dalka joogeen Xukuumad iyo shacbiba, gaar ahaan waxa ay Madaxweynaha ugu mahad naqeen kaalintii uu ka qaatay sii xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda UK. Wefdigu waxa kale oo ay Madaxweynaha u sheegeen in ay kulamo kala duwan la yeesheen intii ay joogeen Somaliland, Madaxweynaha la doortay, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxda kale ee asxaabta qaranka, waxana Madaxweynaha la doortay, Mudane Siilaanyo uu wefdiga u sheegay in tan iyo hadda ku qanacsan yahay in ay si fiican u socoto xil wareejinta uu kula wareegi doono hogaanka dalka. Wefdigu waxa ay Xukuumad iyo shacbiga Somalilandba ay ku hambalyeeyeen sidii nabad gelyada iyo xasiloonida ahayd ee ay u qabsoomeen doorashooyinkii Madaxtooyada ee 26 juun dalka ka qabsoomay, taas oo si weyn u soo jiidatay caalamka, wax weyna ka tari doonta taageerada Somaliland ay ka hesho caalamka intiisa kale, iyadoo dawladda UK-na ay ballan qaaday in ay sii kordhin doonto iskaashiga iyo wax wada qabsiga Somaliland ay la leedahay caalamka intiisa kale. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu wefdiga u sheegay in uu ku faraxsan yahay in doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ay si nabad ah iyo xasilooni ah u dhaceen, iyadoo warar badan oo been abuur ah ummada reer Somaliland iyo adduunkaba laga dhaadhiciyay in nabad gelyo darro ay dhici doonto, hase yeeshee waxa uu mar walba ummada reer Somaliland ku dardaarayay in si nabad gelyo ah ay codkooda u dhiibtaan. Gabo-gabadii waxa Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu wefdiga u sheegay in uu diyaar u yahay si xushmad iyo sharaf leh uu xilka ugu wareejin doono Madaxweynaha la doortay, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo bishan 27-keeda, isaga oo ka codsaday Dawladda UK iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ahba in ay sii kordhiyaan taageerada ay siiyaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha. Waxa kale oo kulankaasi goob joog ka ahaa, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale”. |
| Last Updated on Monday, 19 July 2010 10:08 |

