President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
Saturday, 03 July 2010 06:22

Hargeysa (Up) Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xalay si ramsi ah shaaca uga qaaday Natiijadii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii bishii June waxaanay ku guulaystay xisbiga KULMIYE, waxaana Madaxweyne ku guulaystay Murashaxii Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) halka Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland uu ku guulaystay Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka KULMIYE Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. 

Komishanka doorashooyinku waxay sidaasi ku sheegeen xaflad balaadhan oo ay ku qabteen Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland, Wakiilo ka socday xisbiyada iyo Boqolaal dadweyne ah oo lagu soo casuumay. Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise Xamari) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada doorashada Madaxtooyada waxaanu yidhi

"Waxaan halkan ku shaacinaynaa natiijada doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii Bishii June waxaana doorashadan ku guulaystay Murashaxiinta xisbiga KULMIYE waxa Madaxweynaha Somaliland ku guulaystay Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) halka Madaxweyne Ku Xigeenkana uu ku guulaystay Murashaxa Madaxweyne Ku  Xigeenka KULMIYE Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Xisbiga KULMIYE wuxuu doorashadii madaxtooyada dalka ka helay  266 Kun, 904 Cod,waxaanay u dhigantaa 49.59%, Xisbiga UDUB wuxuu helay 178 Kun, 881 Cod, oo u dhiganta 33.23%, halka xisbiga UCID uu helay 92 kun, 459 Cod, oo u dhiganta 17.18%.” Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku wuxuu sheegay inay hubiyeen isla markaana ay jeegareeyeen tiradii xisbiyadu ka heleen gobol kasta sidii sharciga ahayd, waxaanu murashaxiintii xisbiyada UDUB iyo UCID u soo jeediyay inay u haneeyaan murashaxiinta KULMIYE ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada.

Musharaxiinta sadexda xisbi qaran ayaan iyagu goob joog ka ahayn madashan inkasta oo ay wakiilo u joogeen goobtaasi. Waxa kale, oo hadalo dhaadheer oo dardaaran iyo tusaaleba iskugu jiray halkaasi ka soo jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi, Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Geelle, waxaana dhamaan masuuliyiintaasi ay komishanka ku ammaaneen hawsha weyn ee ay ka midho dhaliyeen waxaanay Madaxweynaha cusub ka dalbadeen inuu dalka mideeyo oo uu isu soo dhaweeyo bulshada Somaliland.

Last Updated on Saturday, 03 July 2010 06:29
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email