President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu |
| Wednesday, 30 June 2010 09:49 |
|
Hargeysa (Up) Goob-jogayaashiii local ahaa ee ka hawlgalaayey doorashadii madaxtooyada ee somaliland ka Qabsoontey 26juun 2010ka ay Warsaaxafeed Ay Maanta Soosaareen Waxay Kaga hadleen Habkiiiyo Hanaankii ay Uqabsoontey Doorashadii Madaxtooyada Ee Somaliland Kaqabsoon Tay 26juun 2010..
Shirjaraaid oo ay warsaxaafadoodkoodan kushaacinaayeen ayaa ay maanta ku qabteen Hotelka Maansoo Ee magaalda Hargeysa. Ugu Horeyn Agaasimaha Hayada Wadaniga Ah Ee SonSaf Maxamed Axmed Maxamuud{Barwaani} Oo Shir Saaxadeedkaasi Kahadley ayaa sheegey in hayada Sonsaf ay door laxaadleh ay kaciyaareen Doorashadii dhawaan dalka kaqabsoontey waxaanu intaasi kudarey in goobjoogayaal ay kulahaayeen inkabadan 800 Goobood oo kmid ah goobihii ay doorashadu kadhacdey..
Mustafe Sacad Dhimbiil Oo Katirsan Masuuliyiinta Sarsare Ee Hayadda Wadaniga Ah Ee SonSaf Ayaa isagu waxaa uumahadnaq balaadhan uu usoo jeediyey Dhamaan Shacbi Weynaha Somaliland sidii wacneyd ee ay ugu soo baxeen oo ay codkooda uga dhiibteen Doorashadii 26juun 2010 dalka ka dhacdey waxaa kalle oo uuhalbalyo usoo jeediyey komishanka doorashooyinka qaranka somaliland oo Hirgaliyey doorasho Xor Oo Xalaal ah taasi oo qaadatrey sidii ay udhici lahayd muddo dhawrsanadooda taasina ya soo afjareen komishanka qaranka somaliland ee haatan jira oo mudda dii yarayd ee ay xilka hayeen muujiyey Dadaal iyo Firfircooni waxaa kalle oo uu Mustafe Sacad Dhinbiil Hambalyo Balaadhan uu ujeediyey Ciidamada qaranka somaliland kaalintii ay kaqaateen ilaalinta amniga somaliland.
Maxamed Cali Oo Kasocdy Hayada SONSAF Ayaa Halkaasi Ka Akhriyey Warbixn Dheer Oo Kahdley Doorka Ay goobjoogayasha Caalamiga Ahi Ka Ciyaareen Doorshadii dhawaan dalka kaqabsoontey gaar ahaan goobjoogayashii Matalaayey hayada Jilayaasha Aan Dawliga Aheyn ee Somaliland...
Ismaaciil Ciise Abraar Oo Kasocdey Madasha Nabada iyo Maamul Wanaaga Ee Fopag Ayaa waxaa uu ugu horeyn tilmaan kabixiyey sabata ay gobolka sool dad codkooda dhiibtey ay uyaraadeen waxaa uu xusey in dadka kudhaqan gobolka sool ay waaydii ugu dambeysey ay kadahcaayeen qaraxyo ay kudhinteen dad kalle duwan oo ay kujiraan sarakiil katirsanaa cidianaka qaranka somaliland Sidaasi daraadeed ay jirtey Cabasi Laga Qabay In Ay Soonoqdaan Weeraradaasi.
Haaruun oo Katirsanaa gudidii lashaqeyneysey komishanka doorashooyinka qaranka ee matalaayey ururada bulshada Ayaa Isna Halkaasi ka hadley waxaa uu ku dheeraadey sidii wacnayd ee ay Doorashadu udhacdey.Ugu Dambeyntii Martisharaftii Iyo Warbaahintii kasoo qaybgashey shirsaxaafadeedkaasi Ayaa waxay Su,aalo Kalla Duwan Halkaasi waxay kuweydiiyeen mnasuuliyiintii kasocotey Ururada Bulshada ee Shirsaxafadeedkan goobjooga ka ahayd waxaanay kaga jawaabeen Si Faafaahsan dhamaan su,aalihiimadashaasi lagu weydiiyey. Halkan Ka Akhri Oo Siwacan Uga Bogo Doorka Ay Hayada SonSaf Ay Ka Qaadatey Doorshadii 26juun 2010 Somaliland Ka Qabsoontey.. SONSAF waxay dalka oo dhan ka hawl gelisay goobjoogayaal ka socda bulshada rayidka ah oo dhexdhaxaad ah kana soo warbixiya in doorashadii madaxtooyada ee bisha June 26,2010 ka dhacday guud ahaan dalkoo dhan. Doorashadaasi waxay u qabsoontay si nabad ah oo lagu qanci karo.Goobjoogayaasha SONSAF waxay rumeysan yihiin inay doorashadu ahayd mid xor iyo xalaal ah kuna salaysan ixtiraamidda danaha iyo rabitanka dadka reer Somaliland. SONSAF waxay ka hirgelisay Somaliland oo dhan isku duwid dhexdhexaad ah ee goobjoognimada doorashada madaxtooyada ee bishii Juun 26-da. SONSAF waxay heshay 1000 warbixinood, kana yimi in ka badan 700 oo goobjoogayaal loo tababray lana geeyey in ka badan 900 goob oo codbixineed oo ku baahsan 6da gobol ee Somaliland. In ka badan 40% ee goobjoogayaashu waxay ahaayeen haween. SONSAF waxay adeegsatey foomam goobjoognimo oo isku mida kuwaas oo caddaynaya hab raaca furaha u ah codaynta oo ay ka mid yihiin furida goobta codbixinta, codaynta xidhista goobta iyo tirinta codadka.
Goobjooyaaashu waxay ku ekaayeen goobaha codaynta maalintii oo dhan. Hase yeeshee meelaha qaarkood waxay ka wada shaqaynayeen dhawr goobood oo isku meel ku yaalla ama isu dhaw dhaw. Warbixinta waxay u soo gudbiyen habraac xidhiidhsan sida goob, degmo, gobol ilaa iyo heer qaran oo hoos imanaya isku duwidda guud ee xoghaynta SONSAF. Magaala madaxyada gobolladu waxay ahaayeen xarumaha xog ururinta xoghaynta SONSAF. Caasimada Hargeysana waa xarunta xog ururinta dhexe ee dalka oo dhan iyo xarunta lafo-gurida halkaas oo lagu caddeeyo tayada laguna lafa-guro dhexdhexaadnimada warbixinaha ee heerarka goobjoogidda doorashada aan dhinacna u xaglinayn. SONSAF waxay bogaadin iyo hambalyada ugu saraysa u gudbinaysa dhammaan mutawadiciintii wakhtigooda u huray siday u taabagelinlahaayeen sugnaanta iyo hufnaanta habraaca doorashada. SONSAF waxa kale oo u mahadnaqasaa hawlwadeenada guddida doorashooyinka qaranka (NEC) iyo daneeyeyaasha kale ee doorashada siday iskaga kaashaden geedi socodka goobjoognimada. Marka laga reebo ficillo aan aad u muuqan, SONSAF waxay qirtay in hab-socodkii maalinta doorashadu aad u degganaa oo aanay ka muuqan wax iswaydaaris ihi. Waxay ahayd mid aad loogu soo baxay codayntu gaar ahaan dumarku inkastoo hal gobol ka qaybgalkiisu aad u hooseeyay. SONSAF waxay aad uga xun tahay rabshadii ka dhacay Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool taasina ay sababtay dhimashada hal qof oo ka socday gudida doorashooyinka qaranka iyo hal qof oo ka mid ahaa ciidamada nabadgelyada. Guud ahaan, guddida doorashooyinka qaranku waxay doorashada u maamuleen si hufan oo aqoon ku dhisan, waxaanay ku guulaysteen xallinta caqabadihii dhinaca farsamada iyo saadka ee ka horyimid inkastoo gudida doorashooyinka qaranku qirtay in 34 goobo codbixineed aanay furmin xaalado nabadgelyo darro awgeed, wakiillada axsaabtuna way joogeen badiyaa goobihii codaynta ee la soo arkay.
Guud ahaan saalada siyaasadeed ee Somaliland way deggeneyd maalintii doorashada. Sidoo kale, ololihii doorashadu aad buu u nabdoonaa waxanuu waafaqsanaa xeerka anshaxa ee ay saxeexeen saddexda xisbi siyaasadeed, inkastoo guddida kormeerka doorashadu soo weriyeen gefef aan badnayn oo lagu sameeyey anshaxa: Waxa si aan xeerka anshaxa aan waafaqsanayn loo adeegsaday hantida qaranka sida gaadiidka dawlada, Telefishanka Qaranaka iyo shaqaalaha dawlada oo ku lug yeeshay ololihii.
Sharciga cusub ee diiwaangelinta iyo sharciga doorashada ee la cusboonaysiiyay waxay keeneen asaas wanaagsan iyo dib u habayn muuqata taas oo wax wayn ka tartay qabashada doorasho madaxtooyo oo noqotay mid u dhiganta heerka caalami ahaan laysla oggolaaday ee dimoqraadiyada siyaasadaha xisbiyada badan. Keenidda habka diiwaangelinta cusub ee lagu soo sameeyey liiska codbixiyeyaasha ee dalka oo dhan iyo kaadhadhka habka casriga ah ee codbixinta/dhalashada ee ay xaqa u leeyihiin muwaadiniinta Somaliland waxay muhiim ah u yihiin doorashada madaxtooyada iyo dhinacyada sharciga, hawlqabadka iyo caqabadaha maaliyadeed. Samaynta guddida doorashooyinka qaranak ee joogtada ah oo madax bannaan kana faaiidaystay waayo aragnimadii wax ku oolka ahayd ee doorashooyinkii hore ee samaynta siyaasadaha qaranka iyo heerarka maaraynta khilaafyada doorashada (sida guddida kormeerka doorashooyinka, golaha dhexdhexaadinta, kooxda kormeerka warbaahinta) iyo qaabka cusub ee xeerka anshaxa ee axsaabta siyaasadda iyo warbaahinta oo ku suntan horumarinta qaab-dhismeedka sharciyeed ee doorashada Somaliland. Sidii doorashooyinkii hore, SONSAF waxay hoosta ka xariiqaysaa in fulinta guddida kormeerka doorashadu si cad uga muuqanayso in isticmaalka hantida ka dhaxaysa dadka ee axsaabta siyaasadda iyo doorka ay shaqaalaha dawladdu ku leeyihiin ololaha waxa looga baahan yahay inay ixtiraamaan axsaabta siyaasaddu. Guud ahaan, warbaahintu waxay ka muujiyeen baahin dhexdhexaad ah dhacdooyinkii muhiimka ahaa ee ololaha axsaabta siyaasadda. Haddaba labadii toddobaad ee u horeeyey, kooxda kormeerka warbaahinta iyo guddida kormeerka doorashadu waxay ku soo warbixiyeen in telefishanka qaranka Somaliland (SLNTV) aanu ixtiraamin xeerka anshaxa waxaanay ku adkeen guddida doorashooyinka qaranku inay tallaabo ka qaadaan sida ku cad xeerka anshaxa.
Maalinta doorashada, goobjoogayaasha SONSAF waxay ku soo warbixiyeen inay codbixiyayaashu xor u ahaayeen inay meel sir ah oo qarsoodiya codkoodii ku dhiibteen, in agabka doorashada si wanaagsan loo habeeyey, taas oo suurtogelisay in hawluhu sidii loogu talogaly u uga hirgalaan inta ugu badan goobihii la soo arkay. Wejigii hore ee maalintii doorashada, tiro dad ah oo aad u badan ayaa u soo baxay waxana meelo badan ka jiray safaf dhaadheer oo si fiican u habaysan. Guud ahaan goobaha codbixintu si wanaagsan ayay isugu duba-ridnaayeen, degganayeen si habboonna loo maamulayay, waxana ka shaqaynayay shaqaale guddida doorashooyinka qaranku soo oggolaatay oo ay ilaalinayeen (dibedda goobaha codaynta) laba sarkaal oo boolis ihi oo ay weheliyaan saddex qof oo ka wakiil ah saddexda xisbi siyaasadeed.
Hadaba, meelaha qaarkood waxa ka jiray dhibaatooyin sida: caddaynta xarfaha magacyada cod bixiyayaasha iyo sida ay ugu kala aadayaan goobaha. Goobjoogayaasha SONSAF waxay soo weriyeen in goobaha la xidhay wakhtigii loogu talo galay iyadoo dad sugayey inay codeyaan loona ogolaaday. SONSAF waxay soo dhaweynaysaa isbedellada ay keeneen doorka ay axsaabta siyaasadu ku yeesheen maamulka doorashada, joogitaankooda goobaha codeynta oo guud ahaan wanaagsanayd. Goobjoogayaashu waxay soo weriyeen in tirinta goobaha codbixintu waafaqsanayd hababka inkastoo ay dheerayd. Awoodda in wakiilada axsaabta siyaasadu heleen nuqul lasoo cadeeyay oo ah natiijadii goobaha codbixinta waxay caawisay sugnaanta iyo xisaabta dhabta ah ee habkan doorashada ee xasaasiga ah iyo helitaanka kalsoonida natiijada ka soo baxda. SONSAF waxay mar dambe soo saari doontaa warbixinta kama dambaysta ah natiijooyinka iyo talooyinka. SONSAF waxay daneeyeyaasha doorashooyinka oo dhan ka codsanaysaa inay wax ka bartaan doorashadan kuna dabaqaan casharada ay ka barteen wareegan dheer ee doorashada si ay ugu fududaato hagaajinta wajiyada badan ee hababka doorashooyinka mustaqbalka, sida doorashooyinkan deeganka ee inagu soo fool leh.
SONSAF waxa lagu dhawaaqay bishii August 2008 waxaanay ka kooban tahay bulshada rayidka ah ee Somaliland, ganacsatada gaarka ah, aqoonyahano iyo haya’daha waxbarashada. Doonista ah inay habayso oo ay abaabusho goobjoogayasha gudaha ee doorashada madaxtooyada ee 2010, guddida reer Yurub iyo Safer World UK-Nairobi ku heshiiyeen inay SONSAF ku caawiyaan taageero maaliyadeed iyo mid farsamo. Bishii May 2010, SONSAF waxay qoraal isfaham la saxeexatay guddida doorashooyinka qaranka (NEC) oo wadada u xaadhay qaabka isku duwidda ee labada haya’dood wakhtigii la samaynayay hawlaha goobjoogidda gudaha ee doorashada madaxtooyada. |
| Last Updated on Wednesday, 30 June 2010 09:59 |

