President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
Monday, 28 June 2010 09:33

Washington (Up) Jahliyada Iiraaniyiinta ee dalka mareykanka ayaa ka cadhooday kadib markii shirkad kuwa Basaska ah ee magaalada washington ay ku dhajiyeen basaskooda xayaysiis ah sawirka madax weynaha Iiran Axmedi Najad oo salaan taagaya ama salaamaya dadka laamiga maraya,


 
 
Shirkadan oo ah kuwa iska leh Basaska ka dhex shaqeeya magaalada Caasimada mareykanka ee Washington oo lagu magacaabo Line Miami-St.Louis ayaa ku dhajiyey basaskooda sawir ah madax weynaha dalka Iiraan isagoo gacanta taagaya sawirkaa ayaa shirkadaasi waxa ay ku qoreen qoraal ah. Iiraan maalin walba waxay sameysaa dil inaguna weynu sugaynaa,  (Iran Makes a Killing Every Day We Wait),
 
Arintan ayaa aad uga cadheysiisay dadka Iiraaniyiinta ah ee haysta dhalashada mareykanka oo tiradoodu gaadhayso Malyuun qof. Sara Nuuray oo ah gabadh jaamacada ka dhigata dalka mareykanka oo haysata dhalashada dalka mareykanka laakiin ah Iiraaniyad ayaa sheegtay in dadka laamiga maraya ee Eegaya sawirka madax weyne Axmedi najad aanay u qaadaneyn qoraalkaa in Najad yahay qof xun laakiin ay u fahmayaan in dadka Reer Iiraan ay yihiin dad xun oo Argagixiso ah iyadoo intaa ku dartay in dad badan ay su,aal ka weydiiyeen sawirkaa iyo qoraalka ku qoranba.  taasina maaha bey tidhi arin aanu qaadan karno, 
 
 
Dance Bear oo ah Khabiir siyaasada ku takhasusay oo kasoo jeeda Gobolka Virginia ayaa sheegay in laga yaabo in shirkada Xayeysiiskaa sameysay ay uga jeedo inay indhaha dadka iyo dowlada mareykanka ay ku soo jeediso khatarta ay Iiraan leedahay halisna ay tahay inay gacanta ku dhigaan hubka wax gumaada ee Nuclearka & in dowlada mareykanku ay soo saarto go,aamo cuna qabateyn lagu saarayo dalka Iiraan

 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email