President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
Tuesday, 22 June 2010 07:52

Hargeysa, (Up) Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Ayaa shalay taageereyaashii ugu badnaa ee ka tirsan xisbiga UDUB oo gaadhay kumaanaan qof khudbad uga jeediyay fagaaraha Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa Taageereyaashaasi oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Hargeysa ayaa si weyn uga soo xaadiray fagaaraha Beerta xoriyada waxaanay u soo baxeen dhoolatuska xisbiga UDUB ku soo bandhigayay

 

Cududiisa maalintiisii ugu dambaysay olalaha doorashada madaxtooyada ee Sabtida fooda inagu soo haysa ka qabsoomaysa dalka. Madaxweynaha Somaliland oo khudbad u jeediyay taageereyaahsa xisbiga UDUB wuxuu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi "Maanta waxa aynu u taaganahay maalintii ugu dambaysay ee Ololaha doorashada madaxtooyada, ee uu xisbiga UDUB u lahaa iyada oo ay doorashadii inaga xigto maalmo koobani, xisbiyada tartamaya xisbiga UDUB waa hooyadii dimuqraadiyada Somaliland, dimuqraadiyada xisbiga UDUB ayaa bilaabay, waa hooyadii nabada Somaliland. Intii uu xisbiga UDUB talada hayay ma balaayo ayaa dalka ka dhacday, nabad ayaa ka dhacday.Xisbiga UDUB waxa uu balan qaadayaa midnimo,

 

 

shacbiga Somaliland oo ul iyo diirkeed ah.Xisbiga UDUB waxa ka reeban xag jirnimo, laakiin xisbiga Kulmiye waxa ku jira rag badan oo xag jiriin ah, xagjirnimadu way noocyo badan tahay, xisbiga UDUB xisbi caadifad ku shaqeeya maaha, waa xisbi deganaansho, arrin kastana ka fiirsada. Dal waxa hagi kara hogaan talada ka fiirsada kaas ayaa meel gaadhsiin kara, ma hagi karaan niman cadhaysan oo iyaga oo aan wali xilkii qabanin waanu aarsanaynaa lihi, nimanka maanta sii hanjabaaya ee leh dadkayaga ayaanu ka aarsanaynaa, beritona maxay samaynayaan

 

 

Xisbiga UDUB intii uu talada dalka hayay waxqabad ayuu muujiyay, wixii uu qabtay wax la qarin karo maaha, waxaanay u muuqataa sida qoraxda, haddii ay tacliin tahay, hadii ay caafimaad tahay, hadii ay fidinta maamulka tahay xisbiga UDUB ayaa sameeyay, mana jirin wax dhaqaale ah oo ay xisbiyada mucaaradka ahi ma jiraan. Rag baa yidhaahda Maxjarka waanu baabiinaynaa, hadii la laabiiyo ma dan baa umada ugu jirta, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in magaalada Berbera iyo wajaale laga samayn doono laba koontiindher si ay xoolaheenu uga dhoofaan."

  

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Wasiir ku xigeenka qorshaynta Axmed Xaashi, Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta Maxamuud Cabdi Faarax (Ina Cabdi Malaw), guddoomiyaha ololaha doorashada Cismaan C/laahi Cigaal (Cismaan Hindi) iyo xildhibaan Xasan Xaydh oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa kuwaas oo dhamaantoodba taageerayaasha xisbiga UDUB kula dardaarmay in maalinta codbixinta ay codkooda ugu deeqaan xisbiga siyaasiga ah ee UDUB. Sidoo kale, waxa taageereyaasha xisbiga UDUB ay isku soo baxyo balaadhan ka sameeyeen gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

 

 

Sidoo kale xaflad aad u balaadhan ayaa tageeryaasha xisbiga UDUB ee magaalada Laascanood ay ku soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Axmed Yusuf Yaasiin iyo xogahayaha xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax. Tageerayaasha xisbiga UDUB ee magaalada Laascanood ayaa maanta buux dhaafiyay goobtii uu madaxweyne ku xigeenka iyo xogahayaha xisbiga UDUB ay kala hadlayeen, taasi oo ay u muujiyeen, tageero xoogan in ay la garab taaganyihiin xisbigiga UDUB.

  Sidoo kale isu soo baxyadani aan hore looga baran xisbiga UDUB iyo xisbiyada oo dhanba ayaa ka kala dhacay guud ahaan dalka oo dhan, Sida Boorama, Burco,Berbera, Gabiilay,Oodweyne, Saylac, Ceerigaabo, Wajaale, Allaybaday,Salaxlay,Cadaadlay iyo meelo kale oo farobadanba  kuwaasi oo si layaableh looga soo qaybgalay, kuwaaso oo ku soo dhamaaday guul iyo farxad iyada oo ay tahay maalintii ugu danbaysay ee xisbiga UUDUB, uu olole sameeyo.
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email