President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
Sunday, 20 June 2010 08:43

Hargeysa (Up) Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Siciid  Sulub Maxamed ayaa ku eedeeyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye inuu  samaystay Ciidamo Maleeshiyo Beeleed ah.  Sidaa waxa uu ka sheegay Wasiirku mar uu Shalay  kala hadlayay Fagaaraha Khayryada  Magaalada Burco Kumanaan ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Talada haye ee UDUB isagoo Wasiirku ka mid ah Wafti balaadhan oo uu hor kacayo Madaxwayne ku Xigeenka Somaaliland,

 

 

 

Wasiir Sulub waxa uu intaasi raaciyay in ciidamo Beeleedyada uu Xisbiga Kulmiye Qortay  ay yihiin kuwo khalkhal ku keeni kara amaanka  Dalka, oo hadii aan wax laga qaban arrintaasi Xaalada amni iyo ta Siyaadeed ee Dalkaba ay dhaawaci karto,  taas oo wax u dhimaysa Hananka Dimuqradiyada iyo Nabadgalyada oo ahayd waxa kaliye ee ay Somaliland ku faani jirtay ee ay kaga duwanayd Somaliya inteeda kale.

 

Ciidamadan Maleeshiyo Beeleedka ah ee uu Wasiirku sheegay in Xisbiga Kulmiye qortay ayaa waxa ka mid ah rag hore uga Tirsanaan jiray Sirdoonka Somalilalnd, kuwaaso baryahan danbaba Dhaqdhaqaaqooda laga dareemayay Goobaha Fagaarayaasha ah ee ay Madaxda Xisiga Kulmiye kala hadlayeen Taageerayaashooda, iyadoo Dhaqdhaqaaq Ciidankan si gaar ah looga Dareemayay Malintii uu Gudoomiyaga Xisbiga Kulmiye Axmed Siilanyo uu ku sugnaa Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco,Cidamadan ayaan iyagu ahayn Cidamada ay Dawladu ugu talo gashay Sugida Amniga Goobaha uu Ololahu ka socdo.

 

  

Hadaba waxa is waydiintu tahay ma Maleeshiyo beelaadkanbuu kulmiye ku doonayaa Isbedel mise xeelad Siyaasadeed ayuu wax ku bedelayaa waa su’aasha ay is waydiinayayeen dadwaynuhu intii ay arkayeen maleeshiyadan uu hubeeyey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Siilaanyo. Waxa wax lala yaabo noqotay markii uu Gudoomiye siilaanyo samaystay ciidan ka soo jeeda beesha uu ka dhashay misena aamini wayay Ciidankii Qaranka Somaliland oo iyagu u heegana Difaaca dalka iyo Siyaasiyiintooda dhexna u ah Asxaabta ku loolamaaya Siyaasada Dalka

Last Updated on Sunday, 20 June 2010 08:50
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email