President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
Saturday, 19 June 2010 10:08

Mudaneyaal/Marwooyin, 26 June 2010 hadii ilahay Aqbalo,Waxay ku beegan tahay Doorashadda Maddaxtooyadda Somaliland ee Shanta Sano ee soo socota. Waxaan akhriyay Qoraalo badan oo ay Qoreen Muwadiniin Somalilander ah, siiba Xeeldheereyaal iyo Aqoon Yahano ama Taageereyaal Xisbi. Qoraaladdaas badankooda Kuma cada tilmaan daacad ah ee Xisbi ama Hogaamiyaha laga yaabo inuu Madaxtinimadda ku Haboon yahay, marka loo eego Xaaladan Somaliland iyo Xulkan Musharixiinta ama Xisbiyadda. Qoraaladda Qaarkood

 

waxaa Halku dhig u ah Codkaaga ku Ciilbax(Ahmed Arwo). Kelmadaasi way ka reeban tahay Codbixinta, oo waxaa la yiraa:- waa guul daradda ugu wayn ee soo gaadha Dimoqraadiyadda, marka Shacabku si cadho ku jirto codkiisa u dhiibo, mana raagto oo horumar ma keento Dawladda hab Cadho ama Qabyaalad ku timaada. Saaxiibayaal cidna kama qarsoona, inay jirto Wax qabadan baddan ama Wax wali u dhiman Dawladda uu Hogaaminaya Muddane Daahir Rayaale iyo Axmed Yousuf, siiba Hab Xisaabeedka Hayadaha Dakhliga iyo guud ahaan Hawlo baddan oo u baahan in dib loo Xardho ama la Xariireeyo. Inkasta oo Madaxtooyadu u Dabranayd Golaha Sharcidajinta oo Mucaaridku iska maamulanayeen ama isku xeereen, Hadana Waa Xaqiiq in Mudadii Daahir/Axmed yuusuf la doortay Somalilnadna ay soo gaadhay meel Aduunka oo dhami Amaanay.
 
 
Hadii ay sidaasi Dhabtahay, uma baahnin inaan Hogaanka Bedelo ee waxaan u baahanahay inaan Hogaanka toosino,Somalilanderku waxay ku Tiraabaan Midho geed saaran, midho Guntiga kuugu jira looma Daadasho ama Kabaha Wasakhadda ayaa laga tirtaa ee looma tuuro. Xisbiyadda Mucaaridku siiba Kulmiye, waxay Cananaanta Ka bilaabeen, Xaaladda Goboladda Sool iyo Sanaag, oo ahayd Halkii uu Daahir Hogaaminta ka bilaabay, isla markaana aan wadda ognahay siduu Gacan degan iyo Garaad Suuban ugu Maamulay. Xisbiga Kulmiye waxuu had iyo jeer doonayay inuu Xaaladaha maamulo ee marna kama dhiiban Xal siyaaso iyo mid Dhaqantoona.


 
Xisbiyadda Mucaaridka, Waxay Tijaabiyeen Aqoondara ama u war hayn la,aanta Maamulka Waddanka, waayo waa Qurbajoog, dhamaan dibadda ka mushahar qaata, waxay Xujo ka abuureen In Magaaladda Burcu Lacagta Laga bedelo Somali Shilinkii Siyaad Barre, ayagoon hoos u dhugan, Khatarta Dhaqaale ee ay Ganacsatadeena iyo Dawladeena u leedahay Lacagtaas Labedelkeedu iyo Inta ay legegtahay Lacagta la Bedelayo ee Somalia Gudaheeda ku aasan ama ku Bakhaaraysan, xataa ma oga inta ay Daabacaadaasi Dhamayd ilayn Lacgtii Somalia Gudaheeda ayay ku Aasantahay ama Bakhaaro ku jirtaa From Burco ilaa Libooye/Kenya. Dhowaan waxaan Maqlay waxay ahayd 1.000.000.000.000(Kun Bilyan ee Shilin Somaliga ah.


 
Had iyo jeer Waxay ku eedeeyaan Daahir inuu Dibadda Guryo ka dhistay, Ilaa Maanta ma jirto cid Cadaysay Guri Daahir leeyahay oo ku yaal meel ka baxsan Xeebaha Somaliland, Mar mar waxay soo qaadaan Guri yar oo Daahir Rayaale ka dhistay Magaaladda Borame, waana Guri Caadi ah, sida kuwa Muwadiniinta kale, waxaan la dhisay ka hor intaanu Madaxwayne noqon Daahir Rayaale.


 
Xisbiga Kulmiye waxuu si caddan ah ugu dhiiradaa inuu Xukunka xaq u leeyahay, waayo waxuu ka kooban yahay Garab ka mid ah Beelahii SNM, Arintaasna waxaa laga dhadhaminayaa inuu Xisbigu Dabool uga dhigayo Siyaadasiisa Beelaysan ee Kulmiye Dhadhaarayo. Saraakiisha Xisbigga waxay iska indhatiraan, Xaqa uu muwaadion kastaa u leeyahay inuu ka qayb galo Maamulka waddanka, taasina waa Sabab ku filan inaan Kalsooni wayn lagu qabin inuu Xisbiga kulmiye Maamulka u bisilyahay, Maamulayaasha Xisbigga Kulmiye waxay ku noolaayeen muddo dheer Dibadda Somaliland, waxayna Lumiyeen Habkii Dhaqan iyo Dhaqaale ee Dawladnimadda Somaliland.

 


Ilaa markii uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye la kulmay Uqaybsanha Gudihoosaarka Berlamaanka Maraykan ee Somalia, waxaad moodaa in La tijaabinayo in Xisbiyadeena laga dhex helo mid mayal Jilicsan marka la eego Xaaladda Gooni isu taaga Somaliland, sidii Sheikh Sharifka Mogadischu(Maxaakiintii)oo lagu Tilmaamay Muslim Casri ah. Mashruucaas oo uu Fure u yahay Dr. Mohamed Abdilahi Omar(Xidhiidhiyaha Mogadischu iyo Hargeisa).
 
 
Xidhiidhka u Dhexeeya Hogaanka Kulmiye iyo Donald Byne Mana aha arin Sahlan waxay isku afgarteen Donald Byne oo hore ugu dhaartay inuu Somaliland intuu Cunaha qabto ku dhex tuuri doono Dabka iyo Holaca ka baxay Mogadishu.
 
Wadajir baynu wax ku Qabsan karnaa
Omar A/karim Hersi(xaaxi)
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email