President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada |
| Saturday, 19 June 2010 09:13 |
|
Hargeysa (Up). Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ah musharaxa jagaga madaxwaynaha ee xisbiga UDUB ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay, isagoo taageerayaasha xisbigu ku leeyahay magaalada Gabiley kala qayb galay dabaaldagoodii maalintii lixaad ee ay u leeyihiin ololaha doorashada, khudbad dhinacyo badan taabanaysana ka jeediyay fagaaraha khayriyada ee magaalada Gabiley.
Waftiga uu madaxwaynuhu hogaaminayo oo shalay soo galay magaalo madaxda gobolka Gabiley ayaa waxaa ku wehelinayay marwada koowaad ee madaxwaynaha Huda Barkhad Aadan, Wasiirrka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filffil, Wasiiru dawlaha wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Shucayb Maxamed Muuse, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta Md Axmed Xaashi Cabdi, Xog-hayaha Guud ee madaxwaynaha Axmed Maxamed Ciise, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib), Gudoomiyaha Golaha deegaanka Gabiley Aadan Muxumed Badde, Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Sheikh Saleebaan, Odayaal, Aqoonyahan, iyo taageerayaasha reer Gabiley ee xisbiga UDUB.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo fagaaraha khayriyada magaalada Gabiley kala hadlay ayaa sheegay inay reer Gabiley ku balan sanaayeen inuu Gabiley gobolnimo siiyo dhiniciisana uu oofiyay balankiina isagoo dadka reer Gabiley ka codsaday inay abaal gud uga dhigaan codkooda oo ay maanta la garab istaagaan. Madax-waynuhu waxaa kale oo uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay meelahan oo kale kaga khudbadeeyaan inaanay dawladu waxba qaban, laakiin waxaa kale oo uu sheegay in waxqabadyada xukuumadu u qabatay gobolka Gabiley ka mid yihiin dhakhtarka Gabiley dayactirtay, biyaha, waxbarashada oo uu jaamacada xusay iyo sidoo kale nabada ay dawladu keentay adkaynteedana ka shaqayso halka ay xisbiyada mucaaradku ka mudmudaan nabad galyada.
Madaxwayne Rayaale waxaa kale oo uu ku eedeeyay xubnaha ku jira xisbiyada mucaaradku inay u badan yihiin wasiiradii kasoo shaqeeyay xukuumadii alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, iyo tan uu isagu madaxwaynaha ka yahay ee shaqadooda iyo waxqabadkoodaba lasoo wada-arkay, isagoo sheegay in markii ay gudan kari waayeen shaqooyinkoodii laga qaaday xilalkii ay hayeen dabadeedna cadhadii ay ku biireen xisbiyada mucaaradka is bedelka ay soo sidaana yahay kaasi xubnihii wasiirada ee shaqadooda lasoo arkay, isagoo kusoo gebogabeeyay inaanu garanayn isbedelka waxa ay u yaqaanaan. Abiib Xasan Filfil wasiirka wasaarada ganacsiga Somaliland ayaa isaguna taageerayaasha xisbiga udub ee iskugu soo baxay fagaaraha khayriyada ayaa sheegay inay maanta u tahay maalin farxad gaar ah u leh guud ahaan bulshada gobolka Gabiley iyo taageerayaasha xisbiga bahwaynta UDUB maadaama uu madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Huda Barkhad Aadan. Wasiirka Ganacsigu waxaa kale oo uu sheegay in isusoo baxani maantu markhaati ka yahay in bulshada reer Gabiley tahay mid abaal guda, abaalkoodana ay madaxwaynaha u gudi doonaan maalinta codbixinta oo ay uguridaan Musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.
Wasiiru dawalaha wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo isaguna soo dhaweeyay safarka madaxwaynaha isagoo sheegay in maanta kaliya uu sheegay in maalinta lix iyo labaatanka bishan codkooda siin doonaan madaxwaynaha, sidoo kalena ku dardaarmay in maalintaasi qofkastaa tago goobtii uu kaadhka ka qaatay si uu ugu hiiliyo madaxwaynaha. Dhinaca kale wasiiru dawlaha hawlaha guud Shucayb Maxamed Muuse waxaa uu taageerayaasha xisbiga UDUB ugu baaqay inay guulaysanayaan, taageerayaashana uga mahad celiyay cadceeda ay taagan yihiin isagoo sheegay inaan abaalkooda la illaabi doonin, iyaguna ay sii libi-laabaan siyaabaha quruxda badan ee ay u muujiyaan taageeradooda ay u hayaan xisbiga.
Shucayb Maxamed Muuse waxaa uu gebogabadii dadwaynaha soo dhawaynayay madaxwaynaha oo ahaa taageerayaasha xisbiga UDUB aad u xasuusiyay isla markaana kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo nabad galyada ay maanta Somaliland haysato oo meel kasta laga hadal hayo iyadoo uu wasiir xusay inay dadka qaar ka xumi yidhaahdaan somaoliland waxay caabudaa wax la yidhaahdo nabad, kuwaasina ay yihiin dadka ka xun nabadgalyada ay Somaliland ku caano maashay, isagoo ku adkeeyay shacabka gobolka gabiley in la wada ilaaliyo dalka oo dhinac looga soo wada jeesto wax alla wixii wax u dhimaya ama kala kaxaynaya wada-jirkeena iyo jiritaanka qarankeenaasi madaxa banaan.
Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (xabiib) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa madaxwaynaha iyo wafitiga balaadhan ee uu hogaaminayo ku soo dhaweeyay gobolka Gabiley, isagoo madaxwaynaha ugu bushaareeyay inuu maanta dhex joogo gobolkiisii uu isagu lahaa ku dhawaaqistiisa, iyo dhamaystirka kaabayaashiisa dhaqaale sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha iyo waxyaabo faro badan oo kale oo uu sheegay inaanu halkan ka wada sheegi Karin.
Badhasaabku waxaa kale oo uu ka sheekeeyay waxqabadyadii dawlada intii ay xilka haysay isagoo tilmaamay doorashooyinka oo uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha u qabsoomay xukuumada.Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Gabiley Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan ayaa isaguna hadal kooban oo uu munaasibadaasi kasoo jeediyay kusoo dhaweeyay madaxwaynaha una sheegay inay reer Gabiley taageersan yihiin Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, dhinaca kalena ugu baaqay taageerayaasha inaanay hadh iyo habeen midna seexan ee ay usoo jeedaan sidii ay usoo saari lahaayeen musharaxiintooda.
Madaxwaynaha JSL md Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhex lugeeyay badhtamaha magaalada Gabiley, iyadoo ciidanka illaalada iyo taageerayaasha xisbigaasina hareero socdaan,tanina waxay farxad galisay taageerayaasha xisbiga iyo Dadka reer gabileyba oo aan hore uga baran inuu madaxwaynuhu dhex lugeeyo, isagoo marmarka uu Gabiley soo maro ku mari jiray baabuur, mararka qaarna kala hadli jiray fagaaraha khayriyada Intaa ka dib Madaxwaynuhu wuxuu u sii Gudbay Wajaale oo Siwayn loogu soo dhaweeyey waxa uu kale oo uu soo marya Degmooyinka Alaybaday, Bali Cabane, Iyo Degmooyin kale oo Dhawra.
Waxa isla maantana uu uu qado Sharaf ay ku lahaayeen madaxwayanha iyo Waftigiisu Gobolka Magaalo madaxdiisa Bali Gubadle oo ay Maanta ku nasteen laguna soo Dhaweeyey si Heer sare ah waana Gobolada uu magacaabay Madaxwaynuhu mudadii uu xilka Madaxwaynaha uu hayey Dadwaynaha Bali-gubadle ku noolina waxay madaxwaynaha ku so dhaweeyeen Sacab iyo isu soobax wayn oo aad u qiimo badan
|
| Last Updated on Saturday, 19 June 2010 09:29 |

