President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd |
| Friday, 18 June 2010 17:19 |
|
Hargeysa (Up) Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Bali-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd, Madaxweyne Rayaale, oo taageereyaasha xisbiga UDUB kala hadlay fagaaraha Khayriyada
ee Magaalada Bali Gubadle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo maro degmada Bali gubadle oo noqotay xarun Gobol, waxaanu aad ugu mahad celiyay taageereyaashii sida aan kala hadhka lahayn ugu soo baxay soo dhaweyntiisa
Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa kale, oo uu balan qaaday inuu Riigii Biyaha qodayay ee uu ka keenay dalka Imaaraadka Carabta uu u soo diri doono Gobolka Hawd, waxa kale oo uu sheegay inuu wadada isku xidha Baligubadle iyo Hargeysa samayn doono haddii uu ku guulaysto doorashada dalka ka qabsoomaysa 26-ka Bishan June.
Madaxweyne Rayaale markii uu soo gaadhay magaalada Baligubadle wuxuu socod ku soo maray illaa dugsiga dhexe ee Magaaladaasi halkaasi oo uu dadweyaha iyo taageereyaashiisa kala hadlay.
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hawd Cali Cawil Cabdi, oo Madaxweynaha uga waramay xaalada gobolkaasi ee dhinacyada kala duwan waxaanu sheegay in shacbiga gobolkaasi ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan oo ay codkooda siiyaan xisbiga UDUB. Madaxweynaha Somaliland wuxuu maanta ka hadlay fagaaraha khayriyada ee magaalada Gabilay, Wajaale, Allaybaday iyo Bali Cabane,halkaasi oo dhamaantood si weyn loogu soo dhaweeyay loona balan qaaday kalsooni buuxda in la siin doono marka la gaadho doorashada madaxtooyada. |
| Last Updated on Friday, 18 June 2010 17:26 |

