President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
Friday, 18 June 2010 16:47

Hargeysa (Up) Gudoomiyihii degmada Borama ee xisbiga KULMIYE uqaabilsanaa Maxamed Maydhane ibraahim, oo ku magacdheeraa waydka ayaa si rasmiya iskaga casilay jagadii uu ka hayay degmada Borama ee xisbiga kulmiye.

 

 Hadaba mar aan khadka telefoonka ku waraysanay sababta uu isku casilay ayaa waxaa uu yidhi "waxa jira arimo badan oo aniga ii gaar ah waxaana gartay inaan iska casilo jagadan aan u hayay Xisbiga kana baxo Kulmiye waxaanan maanta laga bilaabo ku biiray xisbiga talada Haya  ee UDUB  hormoodka  u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale kaahin"  

waxa kale oo uu sheegay in maantaba ay wada kulmeen Madaxwaynaha ayna ka wada hadleen in beelwaynta uu ka soo jeedaa ee degta degmada Borama ay si toos ah u taageersan yihiin Madaxweyne Daahir iyo xisbigiisa.

  Isku soo wada duuduuboo tani waxa ay imanaysaa xili lagu jiro saacadihii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada toban cisho wax ka yarina ay ka hadhsan tahay wakhtiga loo qabtay Doorashdu inay dhacdo ee 26 June.
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email