President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
Friday, 18 June 2010 15:57

Ceel Afweyn (Up) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md. C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in doorashadii oo aan wali la gelin ay xisbiyada mucaaridku qaarkood ay isa-siiyeen guushii doorashada madaxtooyada Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo shabakada wararka

 

ee Hadhwanaag News, uu  khadka Telefoonka kula yeelatay Isagoo ku sugan degmada uu ka soo jeedo ee Ceel Afweyn. waxaanu Wasiirku ka waramay ololaha xisbiga UDUB uu ku kasbanayo codka dadweynaha ku dhaqan degmooyinka gobolka Sanaag.

 

 

Md. C/laahi Maxamed Ducaale wuxuu ka hadlay kulamadii u dambeeyey ee uu la yeeshay dadweynaha degmada Ceel Afweyn waxaanu yidhi “Salaasadii waxaan fagaare kala hadlay dadweynaha ku dhaqan degmada Ceel Afweyn shacbiga ku dhaqan degmadaasi waxay iskugu soo baxeen si weyn waxaanu ahaa isu soo bax iyo dhoola-tus weyn oo ay ku muujinayaan taageerada xisbiga UDUB. Waxaan dadweynahaasi uga waramay xaalada dalka, qorshaha iyo barnaamijka xisbiga UDUB ee la xidhiidha shanta sanadood ee soo socda uu dalka ku hoggaamin doono.

 

  

Waxa kale oo tagey deegaanka Laas-doomaare halkaasi oo iyana si weyn naloogu soo dhaweeyey waxaana aniga iyo Xildhibaan Ibraahim Carraale oo ka tirsan Golaha Wakiiladu aanu dadweynaha kala hadlay Fagaare waxaanu bulshadu deegaankaasi uga waramay xaalada dalka, waxay shacbigaasi noo sheegeen inay taageeradooda ay siiyaan xisbiga UDUB.

 

  

Waxa kale oo aan iyana tagey deegaanka Huluul halkaasi oo si weyn oo caqiibo leh naloo soo dhaweeyey, waxaana aanu la shirnay waxgaradka bulshada Huluul, waxaanay balanqaadeen inay taageeri doonaan xisbiga UDUB. Waxa kale oo aan shirar googoos ah deegaanka Fadhigaab kula yeeshay waxgaradka iyo Cuqaasha Jilabada Hoose ee reeraha, si wanaagsan ayaanu isku xogwaraysanay waxaana aanu isku afgaranay in taageeraan xisbiga UDUB.” 

   

Wasiirka Arrimaha Dibada oo aanu weydiinay sida uu u arko maamulkii xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag oo dhawaan iswada casilay kana baxay UDUB, waxa uu yidhi “Way jirtaa oo waan maqlay taariikhda ayaa sheegi doonta xubnahaas tagay waxay qabteen, waxaanse leeyahay Hangaraarac lug iyo laba midna uma dhutiyo. Gobolka Sanaag waxa lagu Salaasadii lagu qabtay isu soo bixii ugu weynaa ee UDUB lagu taageerayay, waxa kale oo aad ogaydeen sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey weftigii balaadhnaa ee Madaxweynaha Somaliland ku yimid gobolka Sanaag, waxaanu degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel Afweyn ugu mahad celinayaa sidii sharafta lahayd ee ay soo dhaweeyeen Madaxweynihii iyo weftigiisii.

 

  “Waxba kama jiraan beentii la lahaa lama soo dhaweyn iyo waa laga cararay, waxaan leeyahay ishaa macalin ah oo in aanu taageerada shacbiga  haysano waxaanu xaqiijin doonaa marka la gaadho 26-ka Juun. Gobolka Sanaag-na wuxuu noqday gobol iskugu baxay xisbiga UDUB.” “Xisbiyada mucaaridka ah qaarkood leeyihiin iyada oo aan doorashadiiba la gaadhin waanu helnay guushii doorashada, oo aanay xataa odhan Ishaalaahu, waxaan leeyahay fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin waynu arki doonaa xisbiga ku guulaysta doorashada,” ayuu yidhi Md. C/laahi Maxamed Ducaale.

Source,  Hadhwanaagnews.com

Last Updated on Friday, 18 June 2010 16:03
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email