President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda |
| Sunday, 13 June 2010 16:32 |
|
Hargeysa (Up)-Madaxweynaha Somaliland Md-Daahir Rayaale Kaahin isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa muddo dhawr maalmood ah ku sugnaayeen magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa shalay dadweynaha reer Ceeri gaabo kala hadlay Beerta Xorriyadda ee Magaaladaasi.
Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bilaabay "Somaliland guul hanbalyo dhammaan dadka reer Sanaag ilaa maalintii aan imid soo dhoweyntii aad Ii samayseen kuma soo koobi karo kelmedo aan halkan ka sheego. Halkan waxan imid anigoo madaxweyne-kuxigeen aha 1997-kii oo khilaaf Ceerigaabo gudeheeda ka dhacay aan u fadhiyey muddo laba bilood iyo badh ah si aanu dib ugu habayno ammaankana loo sugo taasoo Ilaahay mahadi haka gaadhee aan ku guulaystey dadkuna ay ila shaqeeyeen taas waxa ka horraysey Burco oo laba bilood iyo badh aan u fadhiyey nabadaynta anigoo madaxweyne ku xigeen ah iyadana waan ku guulaystey".
"Raggan ila tartamayaa waxy doonaan hasheegteene anigu wax keliya ayaan u taaganahay oo ah Soamliland in ay nabad wad noqorto oo wad jirto oo mammulkana la wada gaadhsiiyo waad ogtihiin Somaliland wixii loo soo maray iyo maammuladii ka jirey oo uu ugu danbeeye kii aan madaxweyne-kuxigeenka ka ahaa ee Maxamed Ibraahim Cigaal oo aan ka dhaxlaty maammul shaqaynaya oo taabba-gal ah dimoqraaddiyadda iyo axsaabtana isaga oo qudha ayaa bilaabay".
"Markii Madaxweyne Cigl geeridu ku timid Guurtida/Odayaal iyo dad badani waxay soo jeediyeen in doorashada saddex sano dib loo dhigo aniguna waxan idhi hal maalin dib loo dhigi mayee doorashada ayaa la gelayaa markaa doorasho anigaa bilaabay nin ka qayb galay waa jiraa laakiin nin ila sheegan karaa ma jiro ilaa maantana aniga ayaa wada". Xildhibaannadii waad maqlayseen hlkan ka sheegay in la diidey Sool iyo Sanaag oo doorashada la gaadhsiiyo gaaladii laftigoodu waxy yidhaahdeen lacag ku bixin mayno kuwaasi dan kale ayayba lahaayeen laakiin raggii lahaa dalkan ayaannu xukumaynaa oo haddana taas ku raacay waxay ahayd ayaan-darro".
![]() ![]() ![]() ![]() "Ummaddan markii xilka lay dhiibey waxan ugu dhaartay in aan dalkan isu dhammays tiro oo isu wda keeno oo sinnaan iyo caddaalad wax loogu qaybiyo markaa ninka ku doodaya dalkani isuma dhammaystirna eek u doodaya inta wada joogtana in la kala kexeeyo kaas miyaa lagu aammini karaa xil ummadeed waa maya ayaan leeyahay". "Madaxweyne qaran ujeeddada loo yahay waa in ummadda uu isku hayo". "Jaarkeenna Itoobiya ayaa tilmaanta kowaad innoo ah tilmaanta labaadna Jabbuuti ayaa innoo ah waxana mid kastaba ku wada nool qoomiyado kala duwan markaa raga arrimahooda ku darsanaya inteenna halkan ka wada tafiirannay in aynu kala dawlado noqonno oo la kala guro ma Somaliland bay rabaan". Maanta wax badan ayaannu dalkan xukuumaddayadani usoo qabannay jaarkeenna oo aannu ka bilawnay iyo dawlado badanna saaxiibtinnimo ayaannu uga samaynay aniguna madaxweyne-kuxigeen iyo mdaxweyneba waan kazoo maray oo derejo Somaliland iigu hadhsani ma jirto laakiin doorashadan danbe waxan u rabaa wixii aan ka shaqeeyey oo Ii dhow-dhow in aan dhammaystiro taas ayaan idinka rabaa in aad iigu codaysaan". "Nin meel cusub manta ka bilaabayana gebgeb ayay ku noqonaysaa aniguse meel cusub kama bilaabine maammul shaqaynayey ayaan ka bilaabay". "Anigu madaxweynennimada ummadda reer Somaliland oo dhan ayaan ka rabaaye koox gaar ah iyo qabiil gaar ah toonna kama rabo waayo dadka Somaliland ayaan madaxweyne u noqonayaaye cid gaar ah iyo koox gaar ah u noqon mayo madaxweyne taas codkiinna ma igu siiseen". Dadweynaha ayaa aad ugu dhawaaqay Haa!!!. "Diiwaangelintii manta dhacday mid saxan ma ahayn aniga iyo xisbigayguna waxan ballan qaadayaa in aan doorashadan manta mid ka danbaysa lagu gelayn ee isdiiwaangelin sax ah oo qof kastaaba hal mar diiwaangashan yahay ayaa doorashooyinka dabe lagu geli doonaa taas ayaa aniga iyo xisbigayguba ballan qaadaynaa waayo maanta waxa taagan in qofna toban kaadh haysto qofna la leeyahay ma diiwaangashanid oo codayn maysid". "Waxan kaloo idiin sheegayaa waddada Ceerigaabo in aannu dedaal ugu jirno Kuwait ayaan tegey oo waxan la kulmay Amiir-Sabaax Axmed Al-Sabaax waxan weydiistey waddooyin iyo madaarrada in uu innoo dhiso weftigii u horreeyey dhowaan ayay dalka yimaaddeen waxayna iga balln qaadeen laba madaar oo casri ah (Hargeysa iyo Berbera) waddooyinkuna waa ku xigaan oo Sanaagna kow ayay ka tahay. Biyahana qoladii Hilaal Axmar Al-Imaaraat waanigii Riig weydiistey markaa ceelka Gar-adag way qodeen ilaa iyo Ceerigabona way soo socdaan oo wixii ceelal laga qodi karo way qodayaan". "Saaxiibbaday hadday yidhaadaan waxba lama qaban aniga ayuunbaa wax qabtee iyagu aflagaaddo iyo hadal keliya ayay shubayaan waxqabadna kuma tartamaynee xukuumadda Somaliland ayuun baa wax qabatay hadday tahay maammulka oo dalka la gaadhsiiyoo iyo hadday tahay tayada ciidank oo la dhiso waxqabadka xukuumadduna sida qorraxdaas ayuu manta u cad yahay aniguna wax baan ku daray ayaan leeyahay maammulkuna dhul aanu gaadhi jirin ayuu gaadhey qarannimo walaaltinnimo wada jir iyo midnimo ayaa lagu tartamayaa wax badanina waa innoo qabsoomeen waana wanaagsan tahay wixii kuu qabsoomay in aad taqaannid si aad u ogaatid horumarkaagu halka uu marayo". "Hore ayaan u idhi Somaliland cid u talisay u baahan tehee cid u abtirisa uma baahna markaa taas ayaynu wadaynaa waxana innoo ballan ah guusha Ilaah baa hayee codkiinna in aad Udub ku hubsataan ciidammada aniga iyo adinkuba aynu ku hurudnaana ammaan gaar ah ayay leeyihiin waad ogtihiin Burco wixii ka dhacay ee askar boliiska ahi ku dhinteen iyagana waan u tacsiyadaynayaa". Waxa kale oo halkaasi ka hadlay, Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maayarka Magaaladda, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Af-hayeenka Xisbiga UDUB iyo xubno kale. |









