President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxda Kulmiye Wallaahi Iyagaa Col Ah, Oo Iyagaa Iswada Haysta |
| Saturday, 12 June 2010 08:21 |
|
Hargeysa(Yool) "Marxuun Cigaal, ayaa igu yidhi 1960-kii.....""Siilaanyo SNM-baa loo Dhiibay oo Xoogle oo Nidaam leh Maalintuu ka Tegayna Waxay ahayd Jabhadd aan Jirin" "Siilaanyo Wuxuu tegay Bali-gubadle Waxaana ugu Dambaysay Maalintuu SNM-ta ahaa"
"Maxamed Xashi, Waxaan ka baqaa in uu Maalinta dambe Yidhaahdo Cabdiqaadir Xaashi baa Hudheelkiisa Lacag ka Qaatay" Wasiiirka Maaliyadda Somaliland
Wasiiirka Maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku tilmaamay in uu yahay shaqsi aan ku haboonayn in uu noqdo Hoggaamiye dal, sidaa darteed-na aan Maanta lagu aamini karin in uu qabto talada somaliland.
Wasiirka Maaliyadda oo shalay la hadlayay Mowjaddo dad ah oo ka mid ah taageeraayaashii u soo debed baxay Xisbiga talad haya ee UDUB, waxaa uu si qoto dheer ugu xogwaramay heerka ay kala taagan yihiin Xisbiga talada iyo Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan shakhsiyaadka ku jira labada Xisbi, kuwaa soo uu sheegay inay yihiin shakhsiyaad aan lays barbardhigi karin, gaar ahaan dhinacyada waxqabadka iyo kartida labadaba.
"Ummaddu inay bislaato, ayaa wanaagsan oo ay qiimayso dadka codka ka doonaya. Maanta Cawil haddii uu mansab kale raadsado waan la yidhaahdo muxuu qabtay markuu Wasiirka Maaliyadda ahaa markaa haddii aan ku fashilmay waa inay sheegaan haddii aan wax soo kordhiyayna waa inay sheegaan. Sidaa darteed Xisbiga KULMIYE waxa isugu tegay intii cadhaysnayd. Siilaanyo wuxuu tegay Bali-gubadle waxa ugu dambaysay maalintuu SNM-ta ahaa, haddii uu qiimaynayo muxuu jimce yaasha u tegi waayay, annagu waxaanu xusnay in Bali-gubadle saldhigii SNM yahay, ummada halkaa degani waa umamad sharafle. Siilaanyo waa saaxiibkay, laakiin walaalkay ruma haduu yahay oo aanu xilka u qalmin waxaan leeyahay walaal ka joog Siilaanyo SNM-baa loo dhiibay oo xoogle oo nidaam leh maalintuu ka tegayna waxay ahayd Jabhad aan jirin.
Maxamed Xaashi wuxuu maalin kasta la soo taagan yahay waxbaa lacunay, isagana waxaan ugu taag waayaay ina keen Berbera tagnee oo cashuurta ilaalinee, waxaan ka baqaa in uu maalinta dambe yidhaahdo Cabdiqaadir Xaashi baa hudheelkiisa lacag ka qaatay ......Gabboose iyo Muse Biixi Wasaaradda Daakhiliga ayay Wasiiro ka noqdeen bal hala waydiiyo waxay ku soo kordhiyeen intii ay xilka hayeen.'' Sidoo kale, Waiir Cawil, waxa uu daboolka-ka-qaaday inay dagaal iskula jiraan shakhsiyaadka Madaxda ka ah Xisbiga KULMIYE, isla markaana uu midba midka kale iska ilaalinayo. "Madaxda KULMYE Wallaahi iyagaa Col ah oo iyagaa iswada haysta. Sidaa darteed haddii UDUB loo Codayn wa'aayo Somaali-weyn ayaynu dib noqon doonaa. Waayo? Marxuun Cigaal, ayaa igu yidhi 1960-kii qof ii hiiliya ayaan waayay markii Koonfur lagu socday, maanta waxaan leeyahay waar caqligu ha shaqeeyo oo aan kala garano cida waxa wanaagsan iyo meesha fiican inoo wada." Ayuu yidhi Wasiir Cawil. Written by Yool |
| Last Updated on Saturday, 12 June 2010 08:35 |

