President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiinta Laamaha Dawlada Ee Gobolka |
| Saturday, 12 June 2010 07:43 |
|
Ceerigaabo (Up) Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo socdaal Kormeer Guud ah ku jooga magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, ayaa maanta shir balaadhan kula yeeshay xarunta maamulka gobolka Isku duweyaasha iyo madaxda laamaha dawlada ee Gobolkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, oo ka hadlay shirkaasi ayaa ka waramay xaalada nololeed iyo wax qabad ee ka jira gobolkaasi waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in madaxweynuhu socdaal ku yimaado gobolkaasi si uu xog ogaal ugu noqdo xaaladiisa.
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay Gobolada Somaliland ka qabtay wax weyn oo uu ku adkaystay inay taariikhdu qori doonto. Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay inuu kor u qaaday adeegyada bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Nabadgelyada isla markaana uu dedaal weyn ka sameeyay sidii kor loogu sii qaadi lahaa siyaasada Arrimaha dibada iyo ka midho dhalinta qadiyada Ictiraaf raadintaba. Md. Daahir Rayaale wuxuu sheegay inuu rajaynayo in doorashada madaxtooyadu ay u qabsoonto si nabad gelyo ah isla markaana wuxuu xusay in beesha Caalamku aad ula socdaan sida ay doorashada Somaliland u qabsoomayso, waxaanu ku dooday in aqoonsigii dalku ku xidhan yahay. Madaxweynuhu wuxu sheegay in xukuumadiisu ay dhisayso wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo. Madaxweynaha oo ay weheliyeen masuuliyiinta gobolka Sanaag, Maamulka degmada Ceerigaabo iyo masuuliyiintii weftigiisa ka mid ahaa. Dhinaca kale, waxa Madaxweynaha ka hor halkaasi warbixino kala duwan ka jeediyay Isku duweyaasha laamaha dawlada Gobolka Sanaag, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen waxqabadkoodii iyo siday u shaqeeyaan. Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisu waxay saaka socod ku mareen inta u dhaxaysa xarunta maamulka Gobolka Sanaag iyo guriga Martida ee ay degenyihiin |

