President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Maray Gar-Adag Iyo Ceel Afweyn |
| Saturday, 12 June 2010 07:03 |
|
Ceerigaabo (Up) Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu Hoggaaminayay, ayaa saaka kormeer ku soo maray degmooyinka Ceel Af-weyn iyo Gar-adag. Madaxweynaha Somaliland oo saaka waabarigii ka ambo baxay magaalada Ceerigaabo ayaa gaadhay degmada Ceel afweyn
waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Boqolaal dadweyne ah oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmadaasi. Kuwaasi oo tubnaa wadooyinka hareeraheeda waxaanay lulayeen sawirka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka oo ah murashaxiinta xisbiga UDUB uga qeyb galaya doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomaysa 26-ka Bishan June. Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo la hadlay dadweynihii tirada badnaa ee soo dhaweeyay ayaa uga mahad celiyay sida balaadhan ee ay u qaabileen, waxaanu uga xog waramay waxyaabihii xukuumadiisu qabatay muddo sideed sano ku dhow oo uu xilka hayay, waxaanu sheegay in xukuumadu wax badan ka qabatay arrimaha bulshada, Nabadgelyada iyo sidii dalkan qadiyadiisa loo gaadhsiin lahaa beesha caalamka. Madaxweyne Rayaale wuxuu ka dalbaday shacbiga Degmada Ceel afweyn inay mar kale codkooda siiyaan si uu u dhamaystiro waxyaabaha qabyada ah ee aan u qabsoomin waxaanu xusay inuu wax weyn u qaban doono horumarinta degmadaasi iyo baahiyaheeda kala duwan. Dhinaca kale, waxa Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ay u kicitimeen Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, halkaasi oo iyana si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana weftiga madaxweynaha lagaga hor yimid meel u jirta 10 km waxaana lagu soo dhaweeyay Fardo iyo gaadiid aad u tiro badan. |
| Last Updated on Saturday, 12 June 2010 07:07 |

