President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Ceerigaabo Loogu Soo Dhaweeyay Si Aan Hore Loo Arag.
Thursday, 10 June 2010 08:41

Ceerigaabo (Up) Waxa shalay  Abbaara 5:48-galabnimo ee saacadda geeska Afrika garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Ceerigaabo ka degey Madaxweynaha Somaliland Md-Daahir Rayaale Kaahin si  diiran oo aan soo dhawayn la mid ahi  magaaladaa wali soo marin loogu soo dhaweeyay.  Isaga oo watey diyaarad isaga iyo weftigiisa u gaar ah.

 

Waxa madaxweynaha socdaalkiisa ku weheliyey Wasiirrada ay ka mid yihiin Arrimaha debedda  Maaliyadda  Duulista Hawada  Dhallinta iyo Cayaaraha Wasiirul-dawlaha Caafimaadka  iyo xubno ka tirsan madaxda heer-qaran ee xisbiga Udub iyo mas’uuliyiin kale.

  

Waxna sidoo kale Madaxweynaha garoonka uu kazoo degey ee Ceerigaabo kusoo dhoweeyey Wasiir-kuxigeenka Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre  Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur  Maayorrada degmooyinka Fiqifuliye  Laasqoray  iyo Yubbe  Guddoomiyaha Udub ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Barre Madax-dhaqameedyada beelaha reer Sanaag Taageerayaalka xisbiga Udub iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

  

Madaxweynaha Somaliland wuxu ugu horrayn garoonka diyaaradaha salaan-sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan ciidammada qaranka ee Ceerigaabo.

Intaas kaddib waxa madaxweynuhu salaan gacan-qaad ah ku maray dhammaan madaxdii iyo bulshadii kale ee halkaas ku sugnaa. Goobtaas oo ammaankeedana aad loo adkeeyey waxana madaxweynaha iyo weftigiisa loo soo hor-kacay dhinaca guriga martida ee gudaha magaalada Ceerigaabo oo loo sii diyaaiyey in isaga iyo weftigiisu degi doonaan muddada ay halkaas ku sugan yihiin, halkaas oo ay safaf dhaadheer usii tagnaayeen soo-dhoweeyayaal ka tiro badan kuwii garoonka ku sugnaa.

Madaxweynaha oo fagaaraha guriga martida uga mahad celiyey reer-Ceerigaabo ayaa yidhi “Aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinaya dadweynaha reer Ceerigaabo ee manta oo dhan noo taagnaa qorraxda aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin insha’allahuna waynu is arki doonnaa”.

Macadda muddada madaxweynuhu ku sugnaan doono Ceerigaabo haseyeeshee sida uu sheegay guddoomiyaha Udub ee gobolka Sanag madaxweynha ayaa kulammo la yeelan doona bulshada reer Ceerigaabo isagoo yidhi “Madaxweynaha cid kastaba way kulmi doonaan idinkuna aad ayaad u mahadsan tihiin”.

Last Updated on Thursday, 10 June 2010 09:45
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email