President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xoghayaha Arimaha Debedda Ee UDUB Oo Falanqeeyay Wareegii 2-Aad Ee Ololaha Doorashada
Wednesday, 09 June 2010 07:24

Marka hore anigoo ku hadlaya magaca taagerayaasha Xisbiga UDUB ee qurbaha, waxaan hambalyo diiran u dirayaa Madaxda iyo taageerayaasha qaaliga ah ee xisbiga UDUB ee wacdaraha ka dhigay maalintii 2-aad ee ololaha xisbiga UDUB guud ahaanba wadanka SL, Magaalada Ceerigaabo ayaad moodaysay inay soo bandhigatay isu soo bax bilicdiisa iyo quruxdiisa lalayaabay,

 

halaka Boorame soo bandhigtay banaanbaxii ugu balaadhnaa ee dalkaba lagu arkay intii ololuhu socaday. Hargeysa iyo Burco ayaa maalintan 2-aad iyaguna soo bandhigay isu soo bax nidaam ahaan iyo bilic ahaanba aad u heersareeya oo loo bogay aadna uga balaadhnaa kii maaalintii koowaad. Waxaanu idin leenahay hambalyo aad ayaa loogu bogay bilicda iyo baaxada aad soo bandhigteen. Waxa kaloo aan halkan hambalyo uga dirayaa is abaabulka Xisbiga UDUB USA oo aynu maalmahan kala soconay xagga website-yada wararka.

Marka labaad hadii aan waxyar falanaqeeyo qaabka oluhu u socdo waxaad moodaa in ay saaxada ku soo siyaadayso dareen wada shaqayn ka dhaxaysa Xisbiga Kulmiye iyo Ucid oo aad moodo inaan iyaga ololeba ka dhaxayn. Meelaha qaarkood madaxda Ucid waxaabay hore uga yidhaaheen hadaydaan Ucid dooranayn Kulmiye doorta.Markaad eegto meelaha ama gobolada uu Xisbiga Ucid saarayo xooga iyo tabaha uu hadda isticmaalayo waxaad dareemaysaa inuu weerar ku hayo oo keliya goobaha ay UDUB ku leedahay taageerayaal aan Xisbiga Kulmiye kaxaysan karin ama lagaba soo diiday xisbiga kulmiye markii uu tegay oo aad arkayso inay yihiin goobaha hadda Gudoomiye faysal u tafa xaytay.

Halka Gudoomiye Siilaanyo aanu Faysal oo gobolada bariga wareegaya we-werba ka qabine isna dhankiisa xooga saarayo gobolada la filayo in UDUB ku leedahay taageerayaal aan Ucid kaxaysan karin laakiin Kulmiye wax ka heli karo.Hadaba aan isweydiinee waa maxay sababta ay labadan xisbi ugu shaqaynayaan qaab aan iyaga tartanba ka dhaxayn?Waa maxayse shaxdan farsamaysan natiijada laga filayaa?Tolow ilayn hal kursi ayaa loo tartamayaa oo kuma shuraakoobi karaane keeba dhacan?Hadaan ku bilaabo suaasha hore, wada shaqaynta noocan ah ee labada xisbiba shiishka ama focus-ka olollhoodu ku jeedo UDUB waxa keeni kara baqdin iyo wer-wer ay ka qabaan in guusha doorashadu sahal u raaci karto UDUB.

Waxa kaloo keeni kara iyadoo labada xisbi mucaarad aanu mid ka midi rejo ka qabin inuu doorashada ku guulaysan karo isla markaana uu ka kale kula heshiiyay inuu taageerayaasha UDUB kala jebiyo si uu ugu sahlo xisbiga mucaaradka ee kale in ay guushu raacdo.Hadaba intaynaan ka bixin jawaabta su'aashan, waxa hubaal ah in labada xisbiba Wer-wer weyn ka qabaan UDUB iyo baaxadda taageerayaasha ay soo bandhigtay. Waxa muuqata in Ucid aanay rejo ka qabin in ay ku guulaysato kursiga loo tartamayo.

Waxa Muuqata in Ucid Culays badan saarayso si ay u kala jebiso taageerayaasha UDUB si ay ugu sahasho in Kulmiye soo boxo, tan baana ah natiijada rasamiga ah ee looga danleeyahay wada shaqayntan mucaaradka ee casriyaysan.Hadaba ilayn mucaaradku Kursiga kuma shuraakoobi karaane ma waxay leeyihiin siyaasad isu dhow oo taas ayay UDUB u wada riixayaan? Jawaabtu waa maya. Oo hadaa ilayn mid uun baa dhacan oo dambas loo miisaye tolow waa kee?Waxa cad hadii ay ku guulaystaan shaxdan ah in taageerayaasha iyo codka UDUB lakala jebiyo (insha Allah dhici maysee) waxa soo baxayaa waa Kulmiye.

Hadaba maxaa uga cabba Ucid iyo taageerayaasheeda soo baxa Kulmiye? Guud ahaan Xisbiga UCID iyo taageerayaashiisa wax aan khasaare ahayn oo soo baxa Kulmiye ugu jiraa ma jiro. Weliba hadii Xisbiga Kulmiye farsmadan khiyaamada taageerayaasha UDUB loo adeegsanayo Ucid ay u shaqayso, oo hogaanka dalka inaany hayn karayn Kulmiye ayaa dad badani qabaane ay xataa taasi u hagaagto oo siday sheegeen ay axsaabta furaan xisbiga ugu horeeya ee saaxadda ka baxayaa waa Ucid .

Hadaba waxa is weydiin leh Gudoomiye Faysal hogaanka Xisbiga miyuu ka tegayaa ? miyaanu arkayn khatarta ku imankarta Ucid hadii Kulmiye doorashada ku guulaysto?Mar hadii ay ku qanacsanyihiin hogaanka Ucid inaany doorashadan ku guulaysan karin miyaanay la gudboonayn inay u fekeraan qaabka xisbigoodu ku sii jiri karayo mustaqbalka ee doorashada dambena u soo safan lahaa.Hadii Gudoomiye faysal ka tegayo Gudoomiye nimada Xisbiga miyaanay saaxiibadiisa uu hadhuubka madhan u dhiibayaa arkayn?Mise tolow iyagaaba Kulmiye ka dhex shaqaysanayaa oo aan meelay u socdaanba fahamsanayn?Si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah tartanku wuxuu ka dhexeeyaa UDUB iyo KULMIYE. Cidii taageeradeeda iyo codkeeda UDUB siisaa way badheedhay, insha Allahna is qoomamayn mayso.

Cidii Kulmiye Codkooda siisaana waa cid u badheedhay Kulmiye wixii Alle ka siiyaba.Hadaba waxaan Digniin u soo jeedinayaa taageerayaasha UDUB ee uu hadda u soo tafa xaytay Xisbiga UCID inuu codkooda tabo kala duwan ku maslaxdo, inay ogaadaan Codkooda waxaa ku soo baxaya Kulmiye. UCID diyaar uma aha inay soo baxdo, mana soo bixi karayso ayaan u arkaa.Markaa waxaan u soo jeedinayaa taageerayaasha UDUB iyo shacabka reer somaliland ee jecel Nabada iyo Horumarka dalaka inay u codeeyaan UDUB oo aany nacasnimo qaadin, codkoodana si sahlan meel kale loogu leexin.

Qofkasta oo reer SL ah oo aan xal u arkin Hogaanka KULMIYE waxa la gudboon inuu u Codeeyo UDUB xataa haduu taageere UCID yahay.Madaxweynaha JSL Mudane daahir rayaale wuxuu yidhi UDUB waa xisbi Hayin ah, gaadiiday oo taba baran. Tilmaamahaasi waxay sheegayaan UDUB inaanay ahayn Xisbi LAYLI ah oo maalinba meel ka hilaacaya ama maalinwalba rarku ka dhacayo, Waxa kaloo ay tilmaamaha madaxweynhu sheegayaan inaan UDUB ahayn Xisbi LAAYAAN ah oo wixii uu arkoba harraati iyo fajaaso isugu dara.Anna waan la qabaa UDUB waa hayinkaa 7-sanno caruurta, maatada, hantideena, Mustaqbalka dalka iyo dadkeenu saarnaa ee miyirka ula soconaayay ee aan Alle mahadii xataa mar qudha dheelin.

Adigu hadad guurayso caruurtaada iyo waayeelka aan socon karayn ma saari lahay Awr layli ah mase saari lahayd awr laayaan ah oo wixii agmaraba fajaasaya? Haday jawaabtu tahay MAYA, u hubso codkaaga meesha aad marinayso.

Allaa mahadle Guushana UDUB ayaa leh Insha Allah.

Maxamed C/llaahi Ciise (M.dheere)

Xoghayaha Arimaha debedda ee Xisbiga UDUB.

Last Updated on Wednesday, 09 June 2010 07:31
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email