President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Wacdarihii Xisbiga UDUB Oo Maalintii Labaad Muujiyay Cududiisa Taageero, Daawo Sawirada
Monday, 07 June 2010 06:27

Hargeysa (Up) Xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta muujiyay dhoola tus aad u balaadhan , kana sameeyay Gobollada dalka Somaliland, gaar ahaan Beerta xorriyada ee Magaaladda Hargeysa, Isu soo baxaasi oo ayna u kala hadhin yar iyo weynba, waxa  ay ahayd maalintii labaad ee Ololaha Xisbiga UDUB ku muujiyay taageeradooda.

Madaxweyne ku xigeenka, Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa khudbad dheer ka jeediyay, waxana uu ku bilaabay hadalkiisa “In Badan ayaa la lahaa UDUB way ku fashilantay barnaamujkeedi Siyaasadeed, kumaanaan fashilminee ee Beri [Isniin] ayaa keenaynaa oo cidwalba la siinayaa. Talabaad Xisbigeenu [UDUB] waa Xisbi fac-weyn ee waxaan idinkula dar-daarmayaa sida Xisbiyada kale inaan la caytamin oo aan cidna la xajiimayn oo ololahana si fiican loo galo,".

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaanu doonaynaa inaanu mustaqbalka xoojino amniga iyo Cadaalada, iyo garsoora, Diinta iyo Caafimaadka, intaa waxaan ku darayaa waxqabadka ayaanu culeyska saari doona, nabadgelyada iyo adeegyada asaasiga ah, xaga caafimaadka MCH-yada la dhisay uunbaa adeegyadooda caafimaad la sii xoojinayaa, annagu UDUB ahaan waxbaanu soo qabanay wixii-baanuna sii xoojinaynaa"ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin.

Md. Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Somaliland ciddii uu anfaco barnaamijka Siyaasadeed ee UDUB inay codkooda si wanaagsan u siiyaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. "Waxaan ugu baaqaynaa Somaliland iyo ciddii uu barnaamijkayagu [UDUB] anfaco inay codkooda na siiyaan, codkoogaasuna waxa uu galayaa gacan aamina oo aan degdegayn, oo aan ku dhisnayn isir, Waxay maanta wadaan Xisbiyada kale [KULMIYE iyo UCID] waa qabiil, Somaliland-na Isir sooc uma baahna waxay u baahan tahay inay wada Socoto oo ay mid wada noqoto ayey u baahan tahay, jaarkeedana ay kula noolaato amni iyo cadaalad".

 

Last Updated on Monday, 07 June 2010 08:20
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email