President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xog. Arrim. Debedda ee Xisbiga UDUB falanqeeyay sadexdii casho ee hore ee Ololaha
Sunday, 06 June 2010 18:54

Waxaan salaamayaa dhamaan shacbiga qaaliga ah ee reer SL.Shacbiga qaaliga ahow waxaynu hadda ka gudubnay sadexdii maalmood ee ugu horeyay ee ololaha doorashada. waxaynu dhegaysanay khudbadihii Musharaxiinta iyo madaxda kale ee axsaabta.

 

 

 

Waxan halkan ku soo ururin doonaa qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadihii musharaxiinta:  1-Waxaynu dhegaysanay oo daawanay madaxweynaha JSL mudane daahir Rayaale Kaahin oo hadh-cad (xalaal iftin baa la qashaaye) khalqigii aad arkayseen hortooda ku garnaqsaday oo ka akhriyay wixii ay dawladiisu qabatay mudadii uu xilka hayay, maadaama in badan Mucaaradku lahaayeen waxba muu qaban. waxa madaxweynuhu halkaa ka akhriyay waxqabad balaadhan oo taabanaya dhinacyada; Citiraaf raadinra, Amaanka, Fidinta maamulka, horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, biyaha,beeraha, wadooyinka.......IWM. Madaxweynuhu wuxuu Alle ku mahadiyay Waxqabadkaa balaadhan iyo guulahaa uu ku manaystay reer SL.  Labadii maalmood ee ka dambeeyay waxa iyaguna hadlay madaxda Axsaabta Mucaaradka oo kiiska ugu weyn ee ay Dawladu ku eedayn jireen ahaa waxqabad la'aan. 

Labada Musharax ee Axsaabta Mucaardka iyo madaxda kale ee axsaabtoodu waxay ka aamuseen inay beeniyaan qodob keliya oo ku saabsan waxqabadkii uu madaxweynuhu sheegtay ee aadka ufaraha badnaa.Taasi waa qiraal ay u qireen(Aamusku waa  Calaamada raali ahaanshaha), haday hayaan wax ay ku beeniyaan way sheegi lahaayeen.

  

Musharaxyada Axsaabta Mucaardka waxaa taageerayaashoodu uga fadhiyeen inay qodob-qodob u beenin doonaan waxqabadkaa Madaxweynuhu sheegatay, waayo waa la isla dhaafay xiligii si guud laisaga odhan lahaa dawladu waxba may qaban.

   Taageerayaashii Mucaaradku waxay madaxdooda kala kulmeen Hungo iyo iyagoo tirsanaya in meel lagag dhacay oo waxaan jirin loogu sheekeeyay.  Shacabka reer SL meel uu joogaba wuxuu is weydiinayaa maxaa ku kelifay madaxda axsaabta Mucaaradka inay dafiraan waxan oo guul, waxqabad, horumar iyo xasilooni ah ee Allah Ku manaystay Shacabka reer SL, ee ay markii la soo bandhigay wax ay ku beeniyaan waayeen. Miyaanay Madaxda mucaaradka Ogayn in hadaynu Alle ku mahadino Nimcooyinka uu ina siiyay uu inoo siyaadinayo.

Hadaba Muwaadinka qaaliga ahow qodobkan oo ahaa  lafdhabarta ama center-ka ololaha doorashada oo in badan muran ka taagaa waxa guushii raacday Xisbiga UDUB,   waa markhaati madoon in madaxweynuhu intuu fagaaraha la soo istaagay wixii uu qabtay cid beenisa la waayay. Allaa mahadle

    2- Waxaynu ogayn axsaabta Mucaardka oo meel walba ka tidhaa anaga nalama tijaabin, dawlada waa la tijaabiyaye ha lala xisaabtamo.  

Xaga xisaabtanka madaxweynaha iyo Madaxda kalee dawladdu way soo diyaar garoobeen, shacbi weynihii reer SL ayay soo hor istaageen iyagoo ku xaragoonaya waxqabadkii dawlada.

 Sacabka ayaa loo tumay Mucaaradkiina way aamuseen. We Done

Dhanka tijaabada Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Axsaabta Mucaaradkana la tijaabiyay oo ay iyagu yihiin kuwa ku fashilmay hogaanka baarlamaanka kuna guul daraysteen inay mudanayaashaa kooban u xaqsooraan iyo inay gutaan shaqadii loo igmaday.

Qodbkan Gudoomiyahay Baarlamaanka iyo Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanku aad ayay uga gubteen oo may filayn in iyaga cidiba la xisaabtami doonto, ama in hogaan xumadoodu ay xisbiyadooda ceebi kasoo gaadhi doonto. khudbadohoodiina waxay ku dhamysteen iyagoo leh madaxweynuhu eed aanaan lahayn buu na saaray iyo isaguba qodob hebel iyo qodob hebel ayuu nagu soo celiyay.    Marka hore Madaxweynuhu wxuu ka jawaabay eedii ay madaxda mucaaradku meel walba la taagnaayeen ee ahay axsaabta mucaardka lama tijaabin.

Hadaynu ku sii dhawaanana eeda madaxweynuhu u soo jeediyay hogaanka baarlamaanka oo uu yidhi waa ragii ugu mudnaa Axsaabta Mucaaradka waa laba qaybood:

  

a)- In hogaanka baarlamaanku ku fashilmay hogaaminta iyo u xaqsoorka mudanayaasha baarlamaanka oo ay gaadhay markii cidi kala hagi wayday inay gacanta isula tagaan.

  

b)- In ay ku fashilmeen inay gutaan shaqadii loo igmaday oo in ka badan 50-mashruuc-sharci ay golaha sooba hordhigi kari waayeen....

   

Hadaba Hogaanka Baarlamaanlu labadan qodob ka hore kamay jawaabin haba yaraatee oo way ka aamuseen mana dafiri karaan oo shacabku wuxuu markhaati ka ahaa fool xumada ka taagan baarlamaanka oo maalin walba la leeyahay gacantay isula tageen iyo booliska ayaa soo dhexgalay oo mararka qaarkood baarlamaankaba ka soo dareeriyay oo xidhay, inkastoo ay iyagu yidhaaheen madaxweynaha ayaa naga xidhay. Runtii hadal laguma cabiri karo ceebta ay qaranka us oo jiiday fashilaada hogaanka baarlamaanku.

  

Qaybta labaad ee eedan aad ayay ugu dheeraadeen mucaardku inay ka jawaabaan, waxay sheegeen qodobo uu ku soo celiyay madaxweynuhu, halka madaxweynuhu sheegay in ka badan 50-qodob oo aanay baarlamankaba horkeenin mudo dheerna laga joogo markii dawladdu u gudbisay.


Qodobkan hadii aynu si guud u eegno, waxaynu ognay in dawladda uu maamulo Xisbiga UDUB halka Baarlamaanka ay maamulaan axsaabta Mucaaradku. Dawladu waxay u baahantahay baarlamaan u ansixiya siyaasadda ay rabto inay dalka ku hogaamiso maadaama uu madaxweynuhu yahay madaxweyne haysta kalsoonida shacabka oo umaddu toos u dooratay oo lala xisaabtami doono marka mudadiisu u dhamaato. Madaxweynaha la doortay ee haysta kalsoonida shacabku uma baahna in  lugaha laiskaga duubo oo qorshe kasta oo uu soo bandhigo la hor istaago ama la carqaladeeyo hadhawna la yidhaa waxba muu qaban. 

  

Dhinaca kale baarlamaanka oo ay maamulayeen axsaabta mucaaradku waxay doorteen inaanay dawladda u ansixin siyaasadda ay wadato, waxay isku deyayeen inay qorshaha dawladda ku sameeyaan isbedelo aanay dawladu rabin laakiin ay mucaaradku rabaan, waana ta keentay wada shaqayn xumada iyo in la isku celceliyo qorshaha dawladu rabto iyo isbedelada mucaardaku rabaan.

 

  

Hadaba waxa is weydiin leh Dawladu xaq ma u lahayd in loo ansixiyo qorshaha ay rabto inay ku shaqayso hadhowna iyada lagula xisaabtamo khalad iyo saxba?

   Baarlamaanku se xaq ma ulahaayeen inay qorshaha dawladda ku darsadaan qorshe mucaarku wato?  Wada shaqayn xumada meeshan ka dhacday yaa ka masuul ah?  Anigu waxaan qabaa khaladka oo dhan waxa keenay Xukun jacaylka Mucaaradka oo ay la ahayd inay ku shuraakoobaan hogaanka baarlamanka oo ay halkaa dawladda ka maamuli karaan ama dawladii shacabku doortay cod u qaadaan oo ridaan. 

Waxa dad badan oo siyaasada falanqeeyaa aad ugu amaaneen dawladda SL sida ay ula dabaalatay wadan uu baarlamaankiisa maamulo mucaardku isla markaana ah wadan ay ku cusubtay nidaamka axsaabta badan oo aan khibtrad adag u lahayn dhinaca wada shaqaynta axsaabta.

Waxa kaloo Gudoomiyahay Baarlamaanka Mudane Cirro yidhi madaxwenuhu ma anaguu nala tartamayaa muxuu noo soo hadalqadayaa? Gudoomiye hadaanad madaxweynaha la tartamay maxaad khiyriyada Hargeysa uga khudbadaynaysaa ee aadololaha ugu jirtaa?

   

3- Qodobka sadexaad ee axsaabtu aad uga hadleen waxa uu ahaa manifestada ama qorshohooda siyaasadeed ee ay rabaan in lagu doorto.

  

Aan ku horeeye Xisbiga UDUB maadaama uu ahaa xisbul xaakimkii talada hayay, maalintan hore waxay kaga dhamaatay ka hadalka wax qabadka dawladda oo aad u badnaa. Waxana la soo bandhigi doonaa manifesto qiraysa oo ka bilaabmaysa halka aynu maanta joogno dhinacwalba.

   

Xisbiga UCID waxay haystaan manisfesto muddo hore la sameeyay oo waxbadani ka dambeeyeen. Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID markii uu ka hadlaayay qorshohooda siyaasadeed iyo in iyaga la doorto wuxuu ku soo gebagebeeyay shacabka reer SL-dow waxa inaga xaaraan ah in La doorto UDUB.YAAB!.  waxaynu ognahay in cidda qudha ee wax xaaraantimaysa ama wax xalaalaysaa ay tahay Alle. Waxaan is waydiinayaa Mudane faysal miyaanu kelmedan macnaha ay leeday aqoon?

  

Mudane Faysal hadii lagu doorto daka ma adaa u samayn doona waxa xaaraanta ah iyo waxa xalaasha ah?

   

Hadaan iska dhaafo UCID oo aan u gudbo bal Kulmiye iyo manisestadoodii oo aan horena wax uga qoray. Musharaxa madaxweyne nimada ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisii 4.06.2010 ee Hargeysa aad ugu dheeraaday inuu balan qaadayo waxa ku yaala manifestadooda. Hadaba marka laga yimaado is-burin iyo khaladaad ku jira manifestada kulmiye, waxa ku qoran manifestada Kulmiye, Mudane Siilaanyo oo manifestadooda ku timaamay Riyyo aanu balanqaadayn gadhisteeda ahdii la doorto (eeg bogga 7-aad ee minifestada Kulmiye).waxaan leeyahay Mudane Siilaanyo, balan qaadkan adag iyo is burinta manifestada ka dhex buuxda ee aad hore ugu tilmaantay riyooyin aanad balan qaadayn gaadhistooda sidee la isu waafajinayaa?

  

Waxaan qabaa Xisbiga Kulmiye Manifestadoodu iyadaa is burisay. Balanqaadka Musharaxa Madaxweynuhuna isagaa is buriyay.

   

Dhinaca kale waxa la leeyahay Xisbiga UDUB manifestadoodu dib ayay u dhacdaye ma runbaa? Maya,  axsaabta kale khibradooda siyaasadeed oo kooban ayaa keentay inay manifestadooda soo ban dhigaan muddo dheer kahor maalinta doorashada. caadi ahaan axsaabta caalamku waxay soo bandhigaan manifetsda ay doorashada ku gelayaan ilaa 3-wiig ka hor maalinta doorashda.

   

Ucodee UDUB oo u codee Hogaamiye daacad ah, horumar aan wer-wer qabin, hanka shacabka SL oo la hanto iyo shacab walaalo ah.

 Allaa Mahad leh, Guushana UDUB ayaa leh Insha ALLAH    

Maxamed C. Ciise (M ,Dheere)

Xoghayahay Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB 

Last Updated on Sunday, 06 June 2010 19:07
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email