President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xoghayaha Arimaha Debedda Ee Xisbiga Udub Oo Hambalyo U Diray Xisbiga UDUB
Saturday, 05 June 2010 07:08

Xoghayaha  Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB oo hambalyo u Diray Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga UDUB.   Marka hore waxaan hambalyo diiran u dirayaa Madaxda Xisbiga UDUB oo uu hogaaminayo Madaxweynaha JSL mudane Dahir Rayale Kahin iyo Madaxweyne Ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yusuf Yasin,

 

dhamaan madaxda iyo hogaanka sare ee xisbiga  iyo taageerayaasha qaaliga ah e xisbiga oo shalay ka dhigay guud ahaanba dalka wacdaro lama ilaawaan ah. Xagan qurbaha Mucaardakii meel ay joogaanba ilaa maanta waa la la'layahay.   Baaxadda taageerda Xisbiga UDUB iyo khudbadaha taarikhiga ah ee ay jeediyeen madaxda xisbiga oo uu horkacayay madaxweynaha JSL Mudane Daahir rayaale Kaahin ayaa u quus gooyay oo meesha ka saaray riyadii mucaaradka ee ahay dadku isbedel ayay doonayaan. Dadku wixii ay doonayeen shalay aya sheegeen.   Markaad dhegaysato ama akhrido Khudbadda madaxweynaha waxaa si rasmi ah meesha uga baxaya beentii ahayd dawladu wax may qaban, dawladdu waa fadhiid isbedel ayaa loo baahayahay IWM.


 
Waxa shalay  la dareemay faraqa u dhexeya Runta iyo beenta, waxa la dareemay faraqa u dhexeeya daacadnimada iyo beenta. Waxa shalay  la dareemay faraqa u dhexeeya isku kalsoonida iyo daba ka werwerka siyaasadeed.   Wacdarahan UDUB soo bandhigtay ayaa kashifay beentii maalmahan socotay ee ahayd UDUB ayaan ka abaxay oo Kulmiyaan galay IWM. Cidda ay ka runtahay UDUB ayaan ka baxay oo aan xisbinimo u diiday maxaa bixitaankooda la sugay maalmahan ololohu socdo??. UDUB dadka caqligooda ayay lahadashaa, danbay kala hadashaa, horumarka dalaka ayay kala hadashaa.walaalaynta umadda ayay kala hadashaa. waxaadse nin keligii dan gaara raacday ku ilowdaa UDUB -tii aynu aragnay ee soo banaan baxday umay egayn UDUB ay cidi ka baxday,"Nin shir ka duday siigo yaraa". 

 

Sidaa aad arkayso ayaa weliba qurba joogii xoojinta ololaha xisbiguna weli dalka ku qulqulayaa. Maantana waxaa  dalka ku sii jeeda oo ka ambabaxay dalka Ingriiska wefti ka mida weftiyada Qurba jooga xisbiga UDUB  oo uu hogaaminayay Mudane C/Risaaq Mingiste oo ka mida madaxda Xisbiga.   Dhamaan madaxda Xisbiga ee wadamada kala duwan ee aan fursad u helin inay ka qayqaataan damaashaadka ololaha Xisbiga waxaan xasuusinayaa in loo baahnayahay inay daboolaan kaalinta dooda ka socota saxafadda maadaama madaxdii heerqaran ee  Xisbigu haatan ay garoonka ciyaarta ku wada jiraan oo ay ku mashquulsanyihiin qaybaha practical-ka ah ee ololaha.  Guul quruxbadanna way ka soo hoyndoonaan Insha Allahu. Barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen. 

Shacabla reer SL waxaan leeyahay u codeeya UDUB oo u codee Hogaamiye daacad ah, Horumar aan wer-wer laga qabin,  hankii shacabka SL oo la xaqiijiyo, nabad iyo qarannimo iyo bulsho walaalo ah.  

 

Allaa Mahad leh Guushana UDUB -baa leh Insha ALLAH 

Maxamed C/laahi Ciise (M. Dheere)

Xoghayaha  Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB

Last Updated on Saturday, 05 June 2010 07:17
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email