President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Caasimadda Hargeysa Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Haweenka Adduunka Ee 8-Da Maarso. |
| Tuesday, 09 March 2010 06:00 |
|
Hargeysa (UP) Xaflad ballaadhan oo lagu xusayay maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Bisha March, ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha beerta Xorriyadda ee Magaaladda Hargeysa. Xafladdaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa ay ka soo qaybgaleen Wasiirada Wasaaradaha Qoyska, Ciyaaraha, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB,
Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka, Masuuliyiin ka kala socday Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah, Ururada Haweenka, iyo Marti-sharaf kale.
![]()
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo Xafladdaa xuska maalinta haweenka ka hadashay, waxa ka mid ahaa hadalladeedii oo ay tidhi, “Somaliland ha noolaato, ha jirto oo ha waarto……Waxaan la hadlayaa Haweenweynaha Somaliland…. Waxaan hambalyo u dirayaa haween waynaha Adduunka, gaar ahaan haweenka reer Somaliland dibad iyo gudo meel kasta oo ay joogaan, waa illaahay mahaddii inaynu lixda Gobol ee Somaliland laga xusayo maalinta haweenka adduunka ee 8 March oo adduunka oo dhan laga xusayo, waxaana innoo suuragaliyey inaynu haweenweynaha adduunka, nabadgalyada, dimuquraadiyadda iyo dawladnimada aynu qaadannay.” ![]() Raggii badnaa ee halkan hadallada ka jeediyey, balanqaadyo badan oo ay halkan innooga ballanqaadeen waxaan leeyahay raggaw ka dhabeeya oo indhaha Dumarka tusa waxa aad ballanqaadaysaan. Haweenkana waxaan leeyahay, Innaga ayaa bulshada ugu badan, innaga ayaa isdooran karna. Waxaanan Dumarka farayaa, waa inaynu innagu isaqoonsannaa, oo aynaan qolol qolo iyo Xisbi xisbi midna yeelan ee aynu innagu midawno, waa innaynu saamigeenna soo dhacsanaa, taasina waxay imanaysaa markaynu midawno ee aynu israacno ayaynu gaadhaynaa.” Sidaa ayay tidhi Faadumo Suudi.
Wasiirka Qoysku waxay intaa ku dartay oo ay haweenka u soo jeedisay inay Hablaha goobaha waxbarashada geeyaan. Waxaana ka mid ahaa hadaladeedii oo ay tidhi, “Hooyooyinku hablaha Iskuullada waxbarashada ha direen, haddii aan hablaha wax la barin meel fog iyo meel dhaw midna gaadhi mayno ee waa inay Haweenku waxbartaan oo ay fadhiga ka kacaan.” Marwo Faadumo Suudi waxay haweenweynaha reer Somaliland Illaahay uga bariday inuu sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo Barwaaqo, Bashbash, nabad, caafimaad, horumar iyo aqoonsi iyo sidoo kale xuquuqaadka ay leeyihiin inta ka maqan oo ay heleen.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed, oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inaan haddii lays yidhaahdo tiriya guulaha haweenka aan la soo koobi karin, “Guulaha haweenku leeyihiin haddii lays yidhaahdo tiriya lama soo koobi karo. Waxaan leeyahay haweenka Somaliland heer aqoonsi kii ugu fiicnaa ayaad haysataan, awalkii hore ninka marka gabadhi u dhalato goblin baa lagu sheegi jirin, ninka wiil u dhashaana wuu farxi jiray, laakiin maanta ninka aan gabadh dhalin ayaa goblan ah.” Ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaruhu. Mar uu Wasiirka Ciyaaruhu si gaar ah ula hadlayay haweenka reer Somaliland, waxa uu yidhi, “Maanta aqoonsi idinka maqani ma jiro, aqoonsigiinnii diyaar baannu idiinla nahay, laakiin waa inay idinka xaggiina ka timaaddo oo idinku isaqoonsataan, oo Wasiirkiinna Haweenka ka jooga dhiirigeliya oo si fiican ula shaqeeya, si aad u heshaan Tobon Wasiir iyo in ka badan. Waxaan idin leeyahay sannadka sannadkiisa ku gaadha barwaaqo, bashbash iyo guulo intaad haysaan ka badan.” Xogyaha Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, oo isaguna Munaasibaddaa 8 March ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in haweenka la tixgeliyo, isla markaana la aqoonsado inay yihiin lafdhabarta bulshada, waxaanu yidhi, “Haweenku waa lafdhabarta bu Illaahay waxaan ka rajaynayaa inay Ummadda Somaliland noqoto umad haweenkeeda tixgilisa, ummad haweenkeeda horumarisa, marka la leeyahay haweenka hala horumariyo maaha mid diinteenna wax u dhimaysa, laakiin waxa jira dad marka la yidhaahdo haweenka hala horumariyo oo gacanta bidixda iyo midigta halaga wadashaqaysiiyo odhanaya diintii Islaamka wax loo dhimayo, waxba diinta looma dhimayo ee dadka sidaa odhanayaa waa dad Diinta si qaldan u turjumaya.” ![]()
“Helitaanka xuquuqda Haweenku halgan dheer bay soo martay, maanta waxa la yaqiinsaday haddii Dumarka la siiyo xaqa ay u leeyihiin adeegyada bulshada, talada waxa barashadda iyo waxkasta oo la qabanaya in dal waliba siday u tixgeliyaan faa’iidadeeda ka helayaan. Ragaw xuquuqda aad haweenka siinaysaan waa mid aad la wadaagtaan, hadday hooyadaa tahay, hadday walaashaa tahay hadday gabadhaada tahay…” ayuu yidhi oo uu hadalkiisa ku ladhay Xoghayaha UDUB. Xoghayaha Xisbiga talada haya ee UDUB, Waxa uu sheegay inay Xisbi UDUB ahaan haweenka u ballanqaadayaan sannadaha soo socda u qorshaysan tahay inay wax badan la qabtaan haweenka. Waxa loo baahan yahay inay golayaasha qaranka haweenku ka muuqdaan, waxa la arkaa odayaal intay is urursadaan yidhaahda wiilkaa wasiir nooga dhiga,..,…. Laakiin maxaa odayaalaw loo la’yahay idinka oo Hablaha gacmaha haya oo la raadinaya Kursiga aad wiilasha la raadinaysaan. Waxaan leeyahay raggaw ha u kala eexannina Hablaha iyo Wiilasha. Waxaad maqashaan Afka hooyo, maxaa loo odhan waayay Afka Aabbo? Waxa loo odhan waayay Hooyada ayaa Ilmaha ababisa oo afbarta. Sidaa daraadeed hooyadu Aabbaha way ka mudan tahay.”Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen Cadami, Anigu waxaan hambalyaynayaa Dumarka Somaliland oo aan ku hambalyaynayaa Munaasibaddan qaaliga ah ee 8-da March oo maanta Haweenweynaha dunidu u dabbaal dagayaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Mr. Cadami. Waxaanu Isagoo hadalkiisa sii wata uu intaa ku daray oo uu sheegay Cadami inaanay weli Somaliland diyaar u ahayn inay si buuxda haweenka xaqqooda shaqo, siyaasadeed iyo horumarineed u ogolayn. Guddoomiye Cadami oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Weli diyaar uma nihin inaynu gacanta inna laaban kala bixinno, oo haweenka u ogolaanno inay innala qabtaan hawlaha faraha badan ee aynaan awoodda u lahayn inaynu rag ahaan kaligeen qabanno. Waa in haweenka doorkooda la siiyo, oo aynu maamulkeenna casriyeyno oo haweenka wax u ogolaanno. Waxaan u soo jeedinayaa guud ahaan Somaliland cidda ay khusayso gacanta inna laabani waa haweenka ee aynu ka shaqaysiinno oo saamigooda siinno marka aynu qorshayaasha samaynayno.” Waxaanu Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu haweenka u soo jeediyey inay aqoontooda dhisaan, isla markaana aanay niyad jabin ee ay u samraan inta ay xaqooda saamiyada ka maqan si buuxda u helayaan.Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo ka mid ah Suxufiyiinta rug-caddaaga ah ee Haweenka, isla markaana ah Guddoomiyaha Hay’adda Health and Limited, ayaa sheegtay in haweenku kaalmaha ay doonayaan ama saamiyada ka maqan ay ku heli karaan dedaal, iskaashi, midnimo, wax wada-qabsi iyo aqoon, sidaa daraadeedna, waxa ay u soo jeedisay inaanay haweenku isdhigan ee ay dhexda u xidhaan helitaanka higsiga xuquuqdooda ka qaybgalka talada dalka, horumarka, aqoonta iyo dhinac kasta oo laga eego ay dedaal muujiyaan. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Cabdiraxmaan Maxamed Maal iyo Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa iyaguna halkaa ka hadlay, waxaanay ku dheeraadeen muhiimadda haweenka iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan oo ay tilmaameen inaan haweenka ragga la barbar dhigi Karin marka laga hadlayo muhiimadda qoys iyo ta qaran labadaba. Sidaa daraadeedna waxay soo jeediyeen in horumarka haweenka laga shaqeeyo, lana siiyo waxyaabaha xaqa ay u leeyihiin sida, in talada dalka laga qaybgaliyo, goobaha shaqada, waxbarashada iyo wax kasta oo ay qaban karaan oo raggu qabto, Diinta Islaamkana ka horimanahaynin.Si kastaba ha ahaatee, Magaalooyinka waa weyn, Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland ayaa Munaasibado tan la mid ah oo loogu dabaal-degayo maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da bishan March oo maanta ku beegan lagu qabtay, kuwaasoo ay Wariyayaashu ku soo waramayaan in Masuuliyiinta kala duwan ee Gobolada iyo Degmooyinka kala qaybgaleen Ururada Haweenka. Kooxda Baanboyda ee Ciidamada Booliska, ayaa iyagu kaga dananinayay qalabka ay tumaan Xafladdii lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyada Caasimadda Hargeysa, kuwaasoo ay sidoo kale kooxaha Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo ku labbisnaa Dharka Hidda Iyo Dhaqanka Soomaalida ay ciyaaraha kala duwan ee dhaqanka oo ay halkaas ku soo bandhigeen, waxaanay kooxahaas kala duwani soo jiiteen dareenka dadweynaha iyo masuuliyiintii Munaasibaddaa isugu yimi. 8-da March ayaa Somaliland sannadkasta ay haweenku u dabaal-degaan maalintaas loo aqoonsaday maalinta Haweenka Caalamka. |
| Last Updated on Tuesday, 09 March 2010 06:48 |





