President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Shirweynaha Xisbiga Udub Ee Laamaha Waqooyiga Yurub Oo Ku Qabsoomay Caasimada Finland Helsinki
Monday, 08 March 2010 09:02

Helsinki (UP) Shirweynihii Xisbiga UDUB ee laamaha iyo wadamada waqooyiga  Yurub ayaa lagu soo gebegebeeyey magaalada madaxda Helsinki ee wadanka Finland. Shirweynaha laamaha xisbiga udub ee waqooyiga Yurub oo sannadkiiba  mar la qabto ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Jaaliyadda  Somaliland ee Finland.Shirka sannadkan oo ay ka soo qaybgaleen laamaha

xisbiga ee dalalka. Finland,Sweden,Norway iyo Denmark. Shirka waxaa lagu Furay aayadaha quraanka kariinka oo u akriyey sh. Axmed Nuux.

Shirka waxaa Furay  Gudoomiyaha UDUB ee Waqooyiga Yurub isla markaana ah Gudoomiyaha laanta  Finland Mudane Siciid Cumar Hurre. Guddomiyuhu waxaa uuhadalo soo dhawayn iyo mahadnaqba ah u jeediyey dhammaanba ergooyinka shirka uga soo qayb galay laamaha xibiga ee aagga waqooyiga Yurub. Si gaara waxaa uu ugu mahad naqay ergooyinka shafarka u soo galay iyo inta ka qayb qaadatay diyaarinta shirka iyo marti sharafta shirka. Shirkan oo  ahaa laba qaybood; qaybta hore waxaa laga dhegeystay warbixinta   laamaha  xisbiga ee dalalka waqooyiga Yurub, oo ay kala akhriyeen :

1.Siciid Cumar Hurre (Finland   2. Ismail  Cali Axmed  (Norway)3. Cabdi Cali  Warsame  (Sweden)   4. Cabdi Nuux Warsame (Denmark)

Waxaa kaloo warbixinno ka soo jeediyey  Gudoomiya Garabka Haweenka Xisbiga UDUB  ee waqooyiga Yurub Marwo: Canab Axmed Goox iyo Gudoomiyaha  garabka dhallinyarada ee Finland Cabdi Yusuf Macallin.

Qaybta labaad ee shirka waxaa laga wada hadlay hawlaha iyo habdhismeedka aagga waqooyiga Yurub ee xisbiga iyo darargelinta  hawlaha-taasoo culayska la soo saaray diyaarinta muraaqibiinta doorashooyinka soo socda iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada  dhaqaale ee xisbiga.

Isla qaybtan labaad ee shirka waxaa lagu wareejiyey xilkii gudoomiyenimada ee aagga waqooyiga Yurub Mudane Cabdi Cali Warsame ahna gudoomiyah laanta Sweden. Waxaa shirka soo gunaanaday Gudoomiyii hore ee xisbiga Udub ee waqooyiga Yurub Siciid Cumar Hurre.

 

 

Last Updated on Monday, 08 March 2010 16:05
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email