President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Madaxweynaha Oo Xafiiskiisa Kulan Kula Yeeshay Wefdi Balaadhan Oo Ka Socda Dalka Shiinaha, Daawo
Saturday, 06 March 2010 13:45

Hargeysa (UP) Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Daahir Rayaale Kaahin,Waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyadda kulan kulayeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Dalka Shiinaha. Waftigaasi oo isugu jira Ganacsato iyo Madax ka tirsan Shirkadaha Madaxa banaan ee Dalka Shiinaha oo Hogaaminayo “Mr. Ji shiaw shie oo  ah Maalqabeen Madax u ah Shirkadaha Waaweyn ee Caanka   

 

 

ku ah Dalka Shiinaha, dhinaca Gacansiga iyo Farsamada Gacanta, Waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Somaliland. Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo  Hadal kooban   waftiga u jeediyey waxu marka hore uu ugu Mahadnaqay waftigaasi socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland oo ah wadankii 7aad  ee Africa ee ay waftigu socdaal ku kala bixiyaan iyagoo soo maray Saraf aad u dheer.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu waftiga u sheegay in Shacbiga Somaliland ay marwalba Xasuusan yihiin mashruuca Biyaha ay wali ka cabto Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ah Mashruuc Dhawlada Shiinuhu ay ku Caawisay Reer Somaliland 

 

 

 

 

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay waftiga Shiinaha in Somaliland ay tahay wadan Dihin marka ay noqoto dhinaca khayraadka Macdanta una baahan Maalgashi Wadamada Shisheeyaha ah.

 

Madaxweynuhu isaga oo arintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi “waxaan ka warqabnaa Shiinuhu in ay yihiin Wadamada Horu u maray ee Danaynaya in ay ka kaalmeeyaan Dalalka Africa arimo farabadan oo ku saabsan Dhinaca Horumarka , sidaa awgeedna waxa uu ka Codsaday waftigaasi Shiinaha in ay ka hawl galaan shirkadaha kalena ay u bandhigaan khayraadka Somaliland ay leedahay oo ay ka mid yihiin dhinaca macdanta Dhuxul dhagaxda Buuraha u dhaw Magalada Berbera oo lagu qadaray Malaayiin tan”.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ganacsato badani oo Reer Somaliland ahi ay la macamilaan alaabtoodana ka keensadaan Dalka Shiinaha waxana uu sheegay in labada geesoodba u sahli doonto hadii Ganacsatadda Shiinuhu ay Dakada Berbera ka hirgeliyaan Mandaqad xor ah dhinaca Ganaciga ama waxa loo yaqaano

 Free Zone.

 

 

 

 

 

Mr. Ji Shiaw Shie, oo isna kulan kaa Madaxweynuhu waftigiisa la yeeshay ka hadlay, waxa uu Sheegay in ay aad ugu hanwayn yihiin wax yaabaha Somaliland ay qabsatay iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalamiya, kuwaas oo ay ugu wayn yihiin Nabada, Xasiiloonidda iyo Geedi Socodka Dimurqaadiyadda. Mr. Ji Shiaw shie, waxa uu balan qaaday in Shirkadaha Madaxa Banaan ee Shiinaha u u bandhigi doono waxyabaha ay ku soo arkeen Somaliland iyo Fursadaha Ganacsi ee ka jiraba Somaliland.

Waftigaasi inta inta ay joogaan  Somaliland   waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasiiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Duulista iyo Hawadda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiiro kaleba. Kulankaa Waftiga Shiinuhu saaka Madaxweydnaha la yeesheen waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawadda Mudane Cali Warancade, Meeyarka Magalada Hargeysa Eng Husein Mahamuud Jiciir iyo Wakiilka Somaliland ee Dalka Shiinaha Mudane Ahmed Cigaal”.

Last Updated on Saturday, 06 March 2010 14:35
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email