President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Addis Ababa Kula Kulmay Wefdi Ka Socda Dawlada Maraykanka
Saturday, 06 March 2010 06:24

Addis ababa (UP) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Abdillahi Mohamed Duale, ayaa kula kulmay Magaala Madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa 03/03/10  huteelka Sherton Addis wefti ka socday Dawladda Maraykanka oo uu Hogaaminayay Mr. Karl E. Wycoff,  oo ah Ku Xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka isla markaana qaabilsan Arrimaha Geeska Africa iyo Badhtamaha Africa.

 

 

Shirkaasi oo qaatay saacad iyo badh u jeedadiisa ugu wayni waxay ahayd u gogol xaadhka wefti ka socda Dawladda Somaliland oo dhawan booqosho rasmi ah ku tegi doona wadanka Maraykanka iyaga oo martiqaad rasmi ah ka helay Xukumadda Maraykanka.

Wasiirku waxuu warbixin dheer kasiyay waftiga Markaykanka xaalka guud ee dalka khaasatan dhinacyadda Nabadgelyadda, Horumarka, geedu socodka Dimquraadiyada iyo taabo galka dawlad wanaaga. Isagoo u cadeeyay waftiga in xidhiidhka somaliland iyo Maraykanku yahay mid soo jiren ah oo soo taxnaa ilaa 1991kii intii ay Somaliland lasoo noqotay Madaxbanaanideeda waxuu Wasiirku ku adkeeyay waftiga Dawladda Maraykanka in lagaadhay wakhtigii la sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal, Maraynkankuna uu gacan mug leh uga gaysan lahaa dhinac yadda gaar ahaan:- Diblamaasiyyadda, Horumarka iyo geed u socodka dimquraadiyadda.

waxa kale oo uu Wasiirku ku adkeeyay waftiga in kulamadda dhawan ka dhici doona dalka Maraynkanka ee labadda dhinac ay noqondonan kuwo dhal natijo midho leh oo waxku ool ah..

Waxa dhica weftiga Maraynkanka Karl E. Wycoff uu u xaqiijiyay wasiirka in Maraykanku aad ula dhacsan yahay Hogaanka Xukuumadeed ee Somaliland shacbi iyo Xukumadba waxqabsi gooda, isagoo cadeeyay in xidhiidhka labada dal yahay mid aad iyo aad isu soo tarayay mudo dheer lana gaadhay wakhtigii xididada loo sii adkayn lahaa iskaashiga labada wadan oo ku dhisan ( Mutual Interests). Waxa kale oo uu intaas ku daray in kulamada soo socda ay noqondoonan kuwo midho dhal ah. waxa kale oo uu Karl sheegay in joogtaynta kulamada labada dal ay noqon doonan kuwo sii socda.

Kulankaas waxa wasiirka Arrimaha Dibedda Ku weheliyay isaga iyo Karl E. Wycoff , Mudane Ayanle Salad Deria, Safiir Ku Xigeenka Safaarradda JSL Addis Ababa , Ambassador, John Yates, Safiirka Dalka Maraynkanka u Fadhiya Ethiopia iyo Mr. T. Kirk McBride, oo Safaaradda Maraynkanka u qaabilsan arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Wasiirku Wuxuu soo gaadhay shalay gelinkii danbe isaga oo ka soo kicitimay Magaalo madaxda Jamahuuriyadda Somaliland, Hargeisa iyada oo aan hore loo ilcaamin Safarkiisa.



Salaan Badan


Mr. Ayanale Salad Deria
Safiirku-Xigeenka Safaaradda JSL
Addis Ababa , Ethiopia

Last Updated on Saturday, 06 March 2010 06:36
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email