President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay Inay Awooda Saarayso Sidii G/Sool Loo Soo Gaadhsiin Lahaa Gobolada
Thursday, 04 March 2010 09:48

Laascaanood (UP) Weftigii Golaha Wasiirada ee socdaalka ku joogga gobolka Sool ayaa shalay  shir xog-waraysi ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kula yeeshay Isu-duweyaasha Gobolkaa. Kulankaa oo lagu qiimaynayey wixii todobaadyadan u dambeeyay u soo kordhay wax qabadka hay'adaha dawlada.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Saleebaan Warsame Guulleed ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay sidii wax badan loogu qaban lahaa Gobolka Sool, waxaanu xusay in Wasiiradu aanay ka qoob qaadi doonin Gobolka, si ay isugu duwaan wax qabadka lagu doonayo in Gobolka Sool lagu soo gaadhsiiyo gobolada kale ee dalka.

Wasiirku wuxuu ka hadlay xaalada nabadgelyada gobolka Sool, waxaanu yidhi "Waad og-tihiin waa tii xaalada nabadgelyo ee gobolka beryo dhawayd dhibaato ka taagnayd Al-xamdulilaah, imika meel wanaagsan ayay maraysaa laakiin ma odhanayno sidaa ayay nabadgelyo xumadii ku dhammaatay, dedaalkeena waynu sii kordhinaynaa haddii aynaan Booliska la shaqayn wax horumar ah laga gaadhi maayo."Md. Saleebaan Warsame Guulleed waxa uu Isu-duweyaasha kula dardaarmay in ay isku xidhnaadaan oo ay iyaga dhexdoodu wada shaqayn toos ah yeeshaan, waxaanu yidhi "Waa inaad iskaashi yeelataan oo haddii aydaan todobaadkiiba hal maalin shirin waxba ma soconayaan.

"Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed oo shirkaa ka hadlay ayaa tallooyin iyo waayo aragnimadiisii muddadii uu Gobolka Sool madaxda ka ahaa wixii uu macluumaad ka korodhsaday u gudbiyay isu-duweyaasha dawlada ee gobolka.Wasiirku wuxuu Isimada Gobolka Sool ee shirarka ku qabtay Buuro Wadar, uu ugu baaqay inay joojiyaan colaada ay dadkooda iyo deegaankooda ka hurinayaan oo ay shacbigooda wax u qabtaan."

Waxa kale oo aan iyagana baaq kan la mid ah u dirayaa Jaaliyada Gobolka Sool waxaanan leeyahay dadkiina wax u qabta oo soo dhisa gobolka, inta aad hubaynaysaan,"ayuu yidhi Md. Cali Sandulle.Weftiga Wasiiradu waxa kale oo ay kormeer ku soo mareen goobta uu ka socdo dhismaha qeybta booliska Gobolka Sool, oo gabo-gabo ku dhow, waxaanay halkaa warbixin kaga qaateen Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Gooni.

Last Updated on Thursday, 04 March 2010 09:57
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email