President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Kulmiye Iyo Ucid Oo Hal Xisbi Isku Noqday By; Ibrahim Tallaabo
Thursday, 25 February 2010 08:35

Distoorka qaranku waxa uu dhigayaa in wadanku yeesho saddex xisbi siyaasadeed oo ku loolama talada dalka si ummaddu u hesho axsaab afkaar kala duwan leh oo ay kala doorato.Looguma talo gelin in wadanka lagu hago laba xisbi oo qudha, hadda waxa dalka ka jira hal

 

xisbi oo ah UDUB iyo xisbi aan magaciisa weli la isku raacin oo ah Kulmiye-Ucid, anigu waxa aan odhan lahaa wadanku xisbi sadexaad ayuu u baahan yahay mar haddii labadii xisbi mucaarid mid keliya noqdeen.

Waxa cadaan ah in labadii xisbi mucaarid mid isku noqdeen wax ay ku kala duwan yihiina aanay muuqan,waayo waad aragtaa soo dhoweynta madaxda xisbiyada mucaaradka ah madaxdooda in labadii xisbi si wada jir ah oga qayb qaadanayaan.

 

Haddaba waxa iswaydiin mudan axsaabta mucaaradka ihi ma waxa aanay haysan taageerayaal ku filan marka mid waliba gaarkiisa madaxdiisa u soo dhoweynayo, oo waxa ay rabaan inay daboolaan taageero la'aanta labada Xisbi mucaarad la deriska noqotay,taas oo ku abuurtay hoggaanka axsaabta mucaaradka ah welwel weyn oo ku riday niyad jab inay midkood ku guulaysto doorashada soo socota.

 

 Haddii xaaladoodu tahay taageero la'aan hal xisbi ha isugu tagaan hana isu daayaan labad guddoomiye kursiga madaxweyne nimada ka kalena ha qaato jagada madaxweyne ku xigeenka.

Sidaa si aan ahayn oo ay kula loolami karaan xisbiga UDUB iima muuqato.

 

Waxa kale oo cadaan ah tageerayaashii xisbiyada mucaaradka ah ee qof waliba xisbi taageer sanaa waxa ku dhacay jaahwareer ah in qofku taageersanyahay UCID iyo inuu Kulmiye yahay aanu kala garanayn taas oo taagerayaal badan la arki doono iyaka oo UDUB isku shubay,waayo UDUB waa xisbi keli u taagan,iskana hor iyo dabo imanayn.

 

  

Ibrahim Duale Suleiman

 

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Thursday, 25 February 2010 08:47
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email