President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xus Balaadhan Oo Loo Sameeyey Sannad-Guuradii 28-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Dhagax-Tuurkii Dhalinyartii UFFO
Sunday, 21 February 2010 05:45

Hargeysa (UP) Munaasibad aad u ballaadhan oo lagu xusayey sannad guuradii 28-naad  ee ka soo wareegtay maalintii ay ururkii UFFO  dhagex kala hortageen ciidankii taliskii Siyaad Barre ee sannadkii 1982-kii, ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyada ee caasimada Hargeysa.

Xuskan oo ay soo agaasimtay dallada ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, isla markaana ay soo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan Golaha wasiirada ee xukumada Somaliland, Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran, Xildhibaano, Aqoonyahano, Madaxda dallada SONYO, Dhalinyaro iyo marti sharef kale oo faro badan.

Munaasibadan oo ku soo bilaabmatay socod gaadis ah oo masuuliyiinta iyo dhalinyartu kaga soo bilaabeen Wasaarada Arimaha Gudaha horteeda, ayaa intii aan la soo gaadhin beerta Xoriyada, Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaruhu iyo masuuliyiintii kale ee la socotay-ba waxay Ubax-dhigeen Taalada laga hor sameeyey Afaafka maxkamada Gobolka Hargeysa, halkaas oo uu ku dhintay mid ah dhalinyartii UFFO oo magaciisu ahaa Barre Xaaji Cilmi Axmed.

Intaas ka dib, furitaanka madasha xuska waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha somalilanad Md Maxamuud Siciid Muxumed oo ugu horeyn hambaliyo iyo boogin u jeediyey dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin, isaga oo xusay in maalintani tahay maalin qiimo gaar ah ugu fadhiga qarannimada Somaliland.

 

“Maanta 28-tan guuradii ka soo wareegtay maalintii dhalinyartii UFFO ee horseedka u ahayd xoriyadda aynu maanta hadhsanaynayo ay dhegaxaanta kala hortageen ileyn hub mayhaysane Taliskii Siyaad Barr. Waxaynu u baahan nahay taariikhdaa in la xuso ee uma baahinin yooyootan.”  Ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha somalilanad Md Maxamuud Siciid Muxumed

 

Waxaanu uu wasiirku Ilaahay uga baryey intii ku shihiiday halgankaa ay horseedka ahaayeen dhalinyartaas in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta nool waxaa uu sheegay inay taariikhda Somaliland baal-dahab ah kaga jiraan.

Wasiirka Ciyaaruhu waxaa uga mahadnaqay dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO qabanqaabada xuskan, “Waxaanu u mahadcelinaynaa dallada SONYO iyo intii kale ee kala qaybgashay qabanqaabada xuska” ayuu yidh Wasiirku, waxaanu intaa raaciyey oo yidhi “Waxaanu halkan xusaynaa oo aan leeyahay dhalinyarta Somaliland, dhalinyarooy waxaan idiin ku guubaabinayaa nin aan idiin furi doonin, ayaanu idiin rarin waxaa la idinka rabaa in aad dantiina garataan”

Waxaa isagu halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Dallada dhalinyarta Somaliland ee SONYO Yaxye Maxamuud Ubaxle oo sheegay in xuskani yahay mid taariikhiya oo mudan in lagu muujiyo taariikhdii halgan ee dhalinyarta Somaliland, isla markaana waxaa uu xusay in xuskani ku yimid dhalinyartii UFFO ee 1982 kacdoonka kala horyimid Taliskii Afweyne iyaga oo ka gadooday tacadiyadii iyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee lagu hayey bulshada reer Somaliland.Xildhibaan Maxamed Maxamuud X Cumar Xaashi oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ka mid ahaa dhalinyartii ururkii UFFO, ayaa tafaasiil xeel-dheer ka bixiyey dhacdadii dhagex-tuurka ee 20-kii February ee sannadkii 1982-kii, “Waxaynu maanta dul-joognaa waa dhiig, hanta la boobay iyo kufsi oo loo gelay calankan aynu maanta soo joogno. Waxaa Ilaahay mahadiiya maanta oo 28 sannadood laga joogo maalintii dhegax-tuurka oo aanan nolol filayn in aan halkan idin kala hadlaayo.

Waxaa halkan inala jooga maalintaa maxkamada nala marinayey ninkii isagu u badheedhay inuu duubo wixii maxkamada ka socday oo markii dame ee nala soo daayey-na noo keenay cajaladii Abwaan Muxumed Xaaji Soofe [Kaneeco] oo maanta ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland.Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, Kaltuun X Daahir Cigaal iyo Cismaan Awr-liqe, oo dhammaantood si weyn uga hadlay mihiimada ay leedahay maalintani, iyaga oo xusay in lagama maarmaan ay tahay in la ilaaliyo lana sugo maalmaha taariikhiga ah ee Somaliland gaar ka u ah sida 20 February. Waxaanay dhalinyarta u soo jeediyeen in xooga saaraan sidii ay dalkooda wax uga qabsan lahaayeen, islamarkaana u ilaashan lahaayeen.

Last Updated on Sunday, 21 February 2010 07:31
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email