President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xoghaya Guud Ee Xisbiga UDUB Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa +Sawiro
Thursday, 18 February 2010 17:59

Hargeysa (UP) Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo Wafdi uu Hogaaminayo, ayaa maanta Duhurkii ku soo guryo noqday Magaalada Hargeysa ka dib markii uu soo dhammaystay Kormeer uu in muddo ah ugu maqnaa guud ahaanba Gobolada Dalka iyo Degmooyinkooda. boqolaal qof oo ah Taageerayaasha Xisbiga Udub

 

 

 

ayaa si wayn u soo dhaweeyay Xoghayaha iyo Wafdigiisa iyaga oo Dadkaasi ay tubnaayeen laga soo bilaabo Kantaroolka Lughaya ilaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Udub ee Badhtamaha Hargeysa iyaga oo Dadkaasi lulay Caleemo qoyan iyo Calanka Udub kuna dhawaaqayay Ereyo ay ku soo dhawaynayeen Wafdiga.sidoo kale, Boqolaal gaadiid ah oo la sudhay calanka iyo sawirada murashaxiinta xisbiga UDUB ayaa iyaguna ka qayb galay soo dhawaynta Masuuliyiinta Udub una soo galbiyay ilaa Xarunta Xisbiga.



Xarunta Udub barxada bannaan ee ka horaysa oo Wafdiga loo sii goglay waxa ku sii sugayaydadwayne tiro badan iyo madaxda ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ah ka mid ahaayeen wasiirka Hawlaha guud mudane Siciid Sulub Maxamed, Afhayeenka xisbigas UDUB Mudane Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray.

 



Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax ayaa hadal uu u jeediyay taageerayaashiisa halkaasi ku soo dhaweeyay ayaa waxa uu mahad naqay cid allaale iyo ciddii ka qayb qaadatay soo dhawayntii weftigiisa, waxaanu tilmaamay in uu weftigiisu ay socdaal ku soo mareen saddex iyo tobanka gobol ee dalka oo ay muddo bil iyo maalmo ah booqdeen degmo kasta oo dalka ka tirsan.“Socdaal dheer oo bil iyo maalmo qaatay ayaanu soo dhamays tirnay, xisbinimadayduna waxay ka muuqatay oo ay ka soo baxday dalka oo dhan, Goboladii hore iyo kuwa danbeba. Xisbiga UDUB waxa uu shacbiyad wayn ku leeyahay ummada reer Somaliland oo aad u taageersan

 




Xogahayaha guud waxa uu sheegay in uu si gaar ah Bahda War-baahinta ugu warami doono oo uu faah faahin dheeraad ah ka bixin doono Socdaalka uu u baxay.


waxa Dadwaynihii ka qayb galay soo dhawaynta Wafdiga Masuuliyiintii la hadashay ka mid ahaa, Afhayeenka xisbiga UDUB Mudane Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray. “Waxaynu halkan ku soo dhawaynaynaa haddii aynu nahay bah-waynta xisbiga UDUB, weftiga xoghayaha guud. Caado umay ahayn UDUB in marka ay madaxdu imanayso aynu sidan ballaadhan uga hor tango, laakiin xisbiyada mucaaridka ah ayaa waxay u bedeleen soo dhawyntii madaxda xisbiyada kaanbayn ayay u bedeleen. Waxaanu tusaynaa iyaga oo laba xisbi ah ayay isa soo raaceen. Waxaanu tusaynaa anaga oo xisbi kaliya ah oo UDUB ah ayaanu soo dhawaynaynaa.

 


Xisbiyada mucaaridka ah waxaanu u sheegaynaa in aynu nahay sadex xisbi oo tartamaya, haddii aad ka quusateen in aad farihiina muujin kartaan idinka oo xisbi xisbi ah, halkaa waxaad banayseen jago. Oo saddexdii xisbi labaad ka dhigteen. Anaga nagama aha kaanbayn, waxay shacbigii geliyeen, oo gidaarada la taagan yihiin nimankan UDUB la yidhaahdaa meesha way iska fadhfadhiyaan uune beri hore ayaa laga haajiray, waxaanu leenahay way muuqdaan xisbiyada dhaxanta iyo dacdaradu haysaa.”

Mudane Cali Guray waxa uu sheegay in ay iyaguna madaxdooda si ballaadhan oo xamaasad leh ayay u soo dhawayn doonaan, haddii xisbiyada mucaaridku aanay joojin soo dhawaynaha siyaasadaysan.

waxa isaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha ololaha doorashada xisbiga UDUB Cismaan Cali Cigaal (Cismaan Hindi) oo yidhi, " waxaan u soo kacay in aan idiin mahad naqo, waan is hayn kari waayay, in aan ooyo in yar ayaan u jirsanayaa. Mar danbe ayaan idiinu idiin warami doonaa oo waanu diin mahad naqaynaa.”

Last Updated on Thursday, 18 February 2010 18:27
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email