President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Munaasibad Ballaadhan Oo Loogu Wan-Qalayay Degmada Balli-Cabbane |
| Thursday, 18 February 2010 15:55 |
|
Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Salaadiin, Madax-dhaqameed kale, Aqoonyahan, Dhakhaatiir, Axsaabta Siyaasadda iyo marti-sharaf kale, ayaa Wasiiradii ka qayb galay waxa ka mid ahaa, Wasiirada, Caafimaadka, Dibu-u-dejinta, Arrimaha dibedda, Diinta iyo Awqaafta, Madaxtooyada iyo Wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda.Ugu horeyn waxa
munaasibadaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Hawd Cali Cawil Cabdi oo ka hadlay Degmada cusub iyo waxqabadyada Xukuumadda. "Degmadani waa degmo duco iyo waxqabad u baahan, waa degmo ballaadhan oo Bulsho kala duwani ku nooshahay ee magaca ayuun baa cid gaar ah u baxay. Waxaanan leeyahay iskaashiga ayaad wax ku kasban karaysaan, Xukuumad ahaanna mashaariic badan ayaanu u xaraynay oo ay ugu horrayso mid aanu Wasaaradda daakhiliga ugu xaraynay inay Saldhig Boolis degmada ka dhisto." Ayuu yidhi Badhasaabku, waxaanu sheegay in abaaro ba'ani soo foodsaareen Degmadaas, loona baahan yahay in Wasaaradaha Xukuumaddu doorkooda ka qaataan horumarinta degmada. ![]()
Suldaan Xuseen Ismaaciil oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, "Jiilaal baa la joogaa ee madaxda Hargeysa ka timi ee magaalo aan Boodh ka kicin ka timi waan salaamayaa, waanan uga mahad-naqayaa waqtiga ay soo hureen. waxaanan leeyahay in horumarinta degmada loo guntado." Ayuu yidhi Suldaanku, waxaanu ku dheeraaday taariikhdii Degmada Balli-cabbane ee ilaa waqtigii taliskii Siyaad Barre.
![]() Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Farxaan Jaamac Ismaaciil oo halkaa ka hadlay, ayaa dadweynaha kula dardaarmay inay nabad-gelyada ilaaliyaan, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar ula yihiin wixii dhinacooda kaga xidhan Degmadaas. Degmooyinka tartanbaa ka dhaxeeya oo degmo waliba waxay qabsato ayaa wax loogu qabanayaa. Waxaan leeyahay dadweynaha Degmadan ilaashada nabadgelyada cadow badan ayaynu leenahay." Ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu, waxaanu dadweynaha u jeediyay inay Ciidamada amniga la shaqeeyaan. Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe, ayaa sheegay in ay Wasaarad ahaan halkaa ka hirgeliyaan Xarun Caafimaad, isla markaana ay adeegyadii Caafiamaadka halkaa ka bilaabeen, siina wadi doonaan.
Wasiirka Arrimaha dibedda Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ka mid ahaa Wasiiradii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Degmooyinka qaar gaabis noqda Xukuumaddu kala noqonayso degmanimada. Waxaanu ku dheeraaday kaalintii ay Degmada Balli-cabbane ka qaadatay halgankii dib-u-xoraynta SNM. "Kaalinta ay Degmadani ka gashay halgankii iyo taariikhdeeda kama geyoonayno, degmo bixinta Xukuumadduna waa siyaasad looga dan leeyahay maamul-daadejin. Laakiin, runta ayaan idiin sheegayaa ee Degmadii noqon wayda mid isku filan oo wax qabsata, waa lagala noqonayaa Degmonimada." Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu dadweynaha degmadaas kula dardaarmay inay isu taagaan horumarinta degmada iyo sidii ay Xukuumadda uga heli lahaayeen wixii ay xaqa ugu leeyihiin. ![]()
Sheekh Khaliif Xasan Gudaal oo ka mid ah Golaha Guurtida oo isna halkaa ka hadlay, ayaa hadal dheer oo duco iyo waano isugu jirta ka dib, wuxuu dadweynaha Degmadaas kula dardaarmay inay Ubadkooda ku tarbiyadeeyaan Diinta, isla markaana ay xoojiyaan Waxbarashada dadka iyo dhalinyarta. "Waar Diinta ha la barto, iyada ayaa lagu liibaanayaa ee Diinta ha la barto, waxbarashadana ha lagu dedaalo." Ayuu yidhi Sheekhu. Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa'uud oo isna halkaa ka hadlay, ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay mahad-naqa ka sokow, "Badhasaabka Hawd oo degmadani hoos tagto waxaan leeyahay, waxaan filayaa in aad Magaca gobolka u bedeli doonto Hawd iyo Callaydh. maanta ayay hawshu bilaabantay oo dadweynaha degmada waxa laga doonayaa in inta dhiman ay dhamaystiraan." Waxaanu dadweynaha kula dardaarmay inay iskaashadaan.
![]() Xildhibaan Mataan Maxamed Hoorri oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo halkaa ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta ay degmadani ku lahayd xorayntii Somaliland. "Meel xabbaddii ugu horraysay ee Faqash laga rido waxay ka bilaabantay Degmadan Balli-Cabbane, haddii aanay shacabku la soconin SNM-na guusha lagama gaadheen." Ayuu idhi Xildhibaanku. Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Macallin) oo munaasibaddaas soo gebgebeeyay, ayaa sheegay in sababta magacaabista Degmooyinka iyo gobolladu ay tahay maamul-daadejin iyo horumarin. Sidoo kale, waxa iyana halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddidii qaban-qaabada Munaasibaddaas Caaqil Axmed Daahir, Boqor Raabbi Yuusuf, Muj. Cali Guray oo ka hadlay taariikhda Degmadaas, Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, kuna hadlayay Afka Maayarka Hargeysa iyo Cumar Baade oo ka mid ah Odayaasha ugu da'weyn Degmadaas oo baaq u diray Madaxweyne Rayaale. "Mahadda Ilaahay ka sokow, waxa magacaabistan ku ammaanan Madaxweyne Rayaale..Nin Indho la' Madaxweyne Rayaale ma horjoogsan karaa waa iga su'aale?" ayuu yidhi Cumar Baade oo uu hadalkkiisa ku gebogebeeyay. |
| Last Updated on Thursday, 18 February 2010 17:20 |


Hargeysa (UP) Munaasibad ballaadhan oo loogu wan-qalayay Degmada Balli-cabbane ee gobolka Hawd oo ka mid ah Degmooyinkii uu Madaxweyne Rayaale magacaabay, ayaa shalay lagu qabtay Degmadaas. Munaasibadaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qayb galeen 





