President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Madaxweynaha Oo Digreeto Ku Magacaabay Hay’adda Dhawrista Tayada Agabka Somaliland
Monday, 15 February 2010 10:05

Hargeysa (UP)- Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu Maanta Digreeto uu ku Magacaabay Hay’add cusub oo loo Xil

saaray Dhawrista Tayadda Agabka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu  Markii uu arkay  qodobka 90aad faqradiisa Sadaxaad  ee Xeerka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana tix gelinaaya Ahmiyada wayn iyo baahida loo qabo Dhawrista Tayadda Agabka lagu isticmaalo Somaliland, waxaa uu magacaabay Hay’add Cusub oo ka hawl geli doonta hawshaasi.

Waa markii ugu horaysay ee Jamhuuriyadda Somaliland lagaga dhawaaqo in Hay’add u Xilsaaran Dhawrista Tayadda Agabka aan isticmaalno ay ka Hawl geli doonto Somaliland. Madaxweynuhu isaga oo tixgelinaaya kartida iyo hufnaanta aqooneen ee uu leeyahay Mudane Ibraahim Diiriye(AF-xakame) waxa uu u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Hay’adda Qaabilsan Dhawrista tayadda Agabka ee Dalka ka hawl geli doonta”.

Last Updated on Monday, 15 February 2010 10:09
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email