President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Shacbiga Burco Oo Ku Qaabilay Soo Dhawayntii Ugu Diiranayd Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB. |
| Saturday, 13 February 2010 14:25 |
|
Tuuladda Yaroowe oo magaalada Burco afartan km u jirta waxa xoghayaha iyo wafdigiisa kaga hortagay, madaxda G/Togdheer, Dadwayne aad u tira badan. iyo Hawl’wadeenadda, masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbigga UDUB.Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer Md. Ayaanle Cismaan Ibraahim, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay si qalbi furan ah u soo dhawaynayaan gudoomiyaha “Qalbifuran, Kalgacal,adiga iyo Madaxda kugu wehelisa socdaalkan hadaanu nahay reer Togdheer,iyagoo Daad iyo Mooshin balaadhan ah baanu kugu soo dhawaynaynaa.” Waxaa isna ka hadlay soo dhawaynta xoghayaha Barasaabka G/Togdheer, Md. C/llaahi Jaamac Biin, waxaana hadalkii badhasaabka ka mid ahaa “Xoghaye waxaanu adiga iyo wafdigaaga kugu soo dhawaynaynaa, salaanta Islaamka,waxaan aad u salaamayaa wafdiga balaadhan ee uu wato Xoghaya Xisbigga UDUB iyo Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka,oo isna galbeed inooga yimi waxaan idiinku soo dhawaynaynaa dhamaantiin kalgacalka, iyo Jaceylka reer Burco ay UDUB u qabaan ayaa idiinku soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha gobolka Togdheer.
Waxaa kaloo isna ka hadlay Gudoomiyaha Kambaynka xisbiga UDUB Md. Cismaan C/laahi Cigaal, waxaana hadalkiisi koobnaa ka mid ahaa “Sidaad og-tihiin waxa weeyaan xisbiga UDUB umuusan soo bixin hana u qaadanina Ololedoorasho laakiin waxaa uu u soo baxay inuu kormeer ku sameeyo Xafiisyadiisa ilaa heer Gobol,degmo,iyo Tuulo,sidaa daraadeed ayaanu laba wafdi ugu kala baxnay Galbeed iyo Barri,si aanu howshaa u dhibyareeno oo wadanka sida ugu deg’dega badan u soo koobno wafdigii Galbeed u kacay oo anigu hogaaminayay waxaa ila socda hogaanka sarre Xisbigga oo ay kamid yihiin Gudoomiyayaashii Xisbigga ee abaabulka iyo wacyigalinta arimaha bulshadda iyo dhaqaalaha maanta waxaanu halkan la joognaa oo namideeyay labadayada wafdi Xoghayaha Guud ee Xisbigga UDUB magaciisu ha jiree.” Ayuu yidhi Cismaan Hindi Xoghayaha Guud ee Xisbigga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo isna halkaa ka jeediyay hadalo mahadnaq u badan ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Dhamaan Shicibka Reer Burco Kiisa yar iyo kiisa weyn, lab iyo dhidig, ee sida quruxda iyo sharafta ee xamaasada badan ka muuqato nagu soo dhawayseen waan idiin mahad celinayaa waxaa muujiseen shucuur aad iyo aad u xamaasadaysan iyo mid wadanimo, midnimo waana idiin hanbalyaynayaa Burco, noqonmayso mid laba u kala qaybsan ogolaana mayno in beel’beel lagu dhufto.” Ayuu yidhi xoghayuhu
Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “UDUB waa udub dhaxaadkii Umadda Soomaliland, waana Xisbi Qaran, himiladiisa waxa weeye nabadgalyo iyo midnimo, ka shaqaynmayno kala qaybsanaan, cadaawad inta doonaysa inay afkii doonfaarka dib inagu celiso ka yeeli mayno magackasta ha sitee hadaba umaynaan iman olole doorasho ee waxaanu u nimi kormeer Barri iyo Galbeedba waanu ku kala bixinay intii u badnayd wadanka inta inoo hadhay waanu dhamaysiraynaa si xaqiiqda dhabta ah ee shacabku uu joogo iyo adeega Dowladu halka ay marayso si indha buuxda iyo dhagahayaga uga dhamaysano waxaynu ognahay in cidhiidhi dhaqaale ee ina haysta weynu ognahay waxaa la yidhi ninka xeero maran gacanta kuugu ridaa ta buuxdana sidaas oo kale ayuunbuu kaa yeeli doonaa.”Isagoo xoghayuhu hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxaanu laynahay itaalkayaga daacadbaa idinku nahay dhamaashiyo illaah uunbaa laga helaa waanu dadaalaynaa daacadnimo ayaanu ku shaqaynaynaa iskaa wax uqabso iyo wixii kale ee awoodayadu tahay waxba lahari mayno sidii bulshadda adeeg wanaagsan looguhelayo wax garadka bulshadda waynu iswaraysan doonaa xogta taala,ugu danbaytii wuxuu tacsi u diray sargaalkii shilka lamafilaanka ah ku geeriyooday caaciladii uu ka dhashay iyo dhamaan reer Burco,iyo Ciidanka Qaranka, isna Janadii fardoows haka waraabiyo Amiin….Aamiin.” ayuu ku soo gaba gabeeyay xoghayuhu hadalkiisa.Soo dhawaynta xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ee magaalada Burco ayaa ahayd mid u dhacday si ka wayn intii la filayay waxaanay shacbiga Burco iyagoo isku dhan xoghayaha iyo wafdigiisa u qaabileen si aad u heer saray. |
| Last Updated on Saturday, 13 February 2010 14:52 |


Burco (UP)

