President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

David Milliband Ayaa Nala Shaqeeya Ilaahayoow Yaa Donal Payne Haragiisii Idinkaga Celiya
Saturday, 13 February 2010 10:40

Ugu horayn waxan salaamayaa shacabka indhaha iyo maskaxda furan ee Somalind gude iyo dibadba. Marka xigta anigoo ku hadlaya magaca Gudida Siyaasada UDUB ee Qatar waxaan aad iyo aad ugu bogay oon ugu mahadnaqayaa Warbixintii Wasiir C/laahi

Maxamed Ducaale uu siiyay saxaafada bishan February 10-keedii kaasoo cid kasta u iftiimiyay horumarka ay xukumadu ku talaabsatay iyo waliba wax-qabadka Wasaarada Arimaha Dibada khusuusatan dhinaca ictiraaf raadiska. Hadaba Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray in ay jiraan Wakiilo u guntaday ictiraaf-raadinta Somaliland oo isugu jira Muwaadiniin iyo Aj-nabi aad u danaynaya in la aqoonsado Somaliland.

Wasiir C/laahi Maxamed Ducaale ,oon lagu yaqaan codkarnimo, ayaa lafta jabiyay kutidhi-kuteenkii mucaaridka, hadalkiisana waxa ka maragkacay Dawlado. Bal aan soo qaato David Miliband oo ah Xoghaya Arimaha Dibada oo qabtay Shir heer caalimiya kuna casuumay Wakiilka Somlaliland ee Uk Mudane: Aadan Muuse Jibriil iyo Madax Sare oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee UDUB. Waxa xusid mudan inaan si gaara ugu mahad naqo muwaadinka lahaa kartida iyo hindisaa isku xidhay Somaliland iyo Shirkan Caalamiga ah Mudane: C/risaaq Meecaad waxaan inaadeer ku  leeyay magacaa ha jiro dalkaaga hooyana haka daalina Halgankiisa Aqoonsi adiga iyo saraakiisha sare ee kugu la jirta hawshan qaran dhiska ah ee Ilaahay idinku guuleeyay.
 
Hadal hadal ma dheeree, waxuu nuxurkaygu ku socdaa mucaaridku (UCID IYO KULMIYE) waa inay nagu hambalyeeyaan markaanu soo taabano gidaar aanay gaadhin. Waxa la kulanteen Donal Payne oo shacbigii ku dhago barjayseen. Su'aal ayaa halkaa ka furan taasi oo ah: Donal Payne oo ah Gudoomiyaa Gudida Maraykanka u qaabilsan Arimaha Africa, ma la miisaan yahay David Miliband ama Hillary Clinton oo iyagu ahba dhuuxa iyo lafta Dawladaha UK iyo USA? Jawaabta shacabkaan uga tagayaa.
 
Guntii iyo gababadii, waxa jirtay nin Bari hore gawracay Ri weyda isagoo  is moodsiiyay inay Faraw leeday Ridu ( inay shilistay) dabadeedna wuxuu arkay in Ridii uu birta ka aslayba aanay dheecan lahayn!! markaasuu niyad u yidhi: Ilaahayoow yaa Harageedii nagaga celiya! Iminka hadaba Ilaahayoow yaa Donal Payne Haragiisii idinkaga celiya ilayn is maydaan lahayn David Miliband ayaa shir caalamiya ku casuumi Xukumada iyo Xisbiga UDUB-ba!


 
 
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
 
SANWAA CUMAR YARE
 
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB QATAR.

Last Updated on Saturday, 13 February 2010 14:25
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email