President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Wasiirka Arr. Gudaha JSLOo Siminaar U Furay Madax-Dhaqammedyada G/Sool .
Thursday, 11 February 2010 15:40

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha J. Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa shalay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool Aqoon Isweydaarsi la xidhiidha adkaynta nabadgelyada xalinta khilafaadka u furay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

cuqaasha Gobolkaasi. Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo ka hadlay furitaankii kulankaasi ayaa ka waramay doorka cuqaasha iyo nabadoonaddu ay ku leeyihiin ammaanka iyo nabadgelyada iyo sida loogu baahan yahay inay bulshada ku hoggaamiyaan nabadgelyo. 

 

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, wuxuu sheegay in maalinta barriya ay dhagax dhigi doonaan dhismaha xarun weyn oo loo dhisayo Cuqaasha Gobolkaasi, waxaanu yidhi, “Guri ay Cuqaashu leedahay ayaanu bari dhagax dhigi doonaa si aad ugu kulantaan oo aad ku shirtaan, nasiib wanaag waxaad noqonaysaan gobolkii labaad ee loo dhiso xarun ay ku shiraan cuqaashu.

Gobolkii horena wuxuu ahaa Tog-dheer.” Wasiirku wuxuu sheegay in xarunta cuqaasha loo dhisayo ay fulinayso Hay'ayadda Horn Peace. Waxaana maal gelinaysa Hay'adda DRC.   Sidoo kale Siminaarka loo furay cuqaasha Gobolka Sool wuxuu qaadan doonaa muddo laba cisho ah oo lagu daraasayn doono habka xallinta khilaafaadka.

Last Updated on Thursday, 11 February 2010 16:43
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email