President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Ganacsatada Xoolaha Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Eeddo Ka Soo Yeedhay G/Dhaqaalaha Golaha Wakiilada
Thursday, 11 February 2010 09:53

Berbera (UP) Qaar ka mid ah Ganacstada Xoolaha Nool ka dhoofisa dekeda Berbera, ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeymo ay u soo jeediyeen Gudiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.Shir-jaraa'id oo ay ku qabteen

 

Magaalada Berbera, waxa ay ku sheegeen in aanay jirin wax xaqsoor la'aan ah iyo wax mushkilad ah oo ka jira Maxjarka Xoolaha ee Berbera. Sidaa darteed-na ay marba xoolihii yimaada galaan si cadaalada.Waxaanay intaa ku dareen ganacsatadaasi in Berbera waqtigan xaadirka ah ay tahay Magaalo ganacsi oo dhoofka Xooluhu ka yahay lafdhabarta dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi, isla markaana mudadii uu furnaa Maxjarka Berbera ay wax badani iska badelaan muuqaalkii shaqo iyo xarakaad shaqo ee dadweynaha reer Berbera.

"Alxamdu lillaah hudheeladii Berbera waxa la waayey meel la kala seexdo." Sidaa ayuu yidhi Sheekh Saleebaan Saciid oo ka tirsan ganacsatada Xoolaha. Waxa kale,  oo u intaa ku daray, isagoo si gaara u duraya Xildhibaan Duur oo ka mid Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Saaxil."Xildhibaan Duur waxa laga doortay Gobolka Saaxil war uu maqlay ayuun buu ka hadlay ana goob joog ayaan ahay wax badna oo xog ahna kama hayo Maxjarka Berbera aragtidiisa ayaanu qaatay.

"Sidoo kale, Axmed Saleebaan, ayaa isaguna sheegay in  tacmiir ganacsi uu ku soo kordhiyey Maxjarku Berbera iyo dalkaba, waxaanu intaa ku daray neefka Xoolaha ee Berbera ka dhoofaa inuu ugu qiimo sareeyo Xoolaha ka dhoofay Geeska Afrika. Waqtigan xaadirka dhoofka Xoolaha nool, ayaa si weyn uga socda marsada dekeda ah ee Berbera, iyadoo ay dhoofayaan Xoolo badan oo kala duwan oo isugu jira Geel iyo Adhi , ayaa ka dhoofayaan dekeda Berbera tan iyo intii la furay Xoolaha nool ee Soomaalida.

Last Updated on Thursday, 11 February 2010 09:56
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email