President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Madaxda Kulmiye Maaha Xisbiga UCID Inay La Coloobaan Hadduu UDUB Ku Raaco Diidmada Payne
Thursday, 11 February 2010 09:44

Hadaynu nahay Somaliland waxay taariikhdeenu soo jirtaa mudo aad u dheer sida Taariikh yahanka caalamku sheego (International historians), Somaliland ilaa 1884 ayaa la sheegaa inuu ingriisku xidhiidh inala lahaa. Xuduudaheenu waa kuwo la yaqaan oo dawladaha reer

 

galbeedkuu markhaati ka yihiin taasi waxay inagu sifaynaysaa inaynu waligeenba ahayn Dal iskii u jira oo aynu maanta u madaxbanaanay sideenii hore. Hakad iyo Qaran jab ayaa dhacay 26 june 1960-kii oo aynu koonfur la midawnay. Anigoo soo koobaya waynagii halgan dheer ka dib xornimadeenii iyo xoriyadeenii dib ulasoo noqonay May 18, 1991 waana maalinta qaranka Somaliland taasoo aynu ka xusno daafaha aduunka.

  

Gudagalka qoraalkaygani, waa mid garta siinaya Gudoomiye Faysal Cali waraabe. Gartaasi oo ah: inuu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe taageeray dhirbaaxo-siyaasadeedka Xisbiga UDUB uu  ku dhuftay Donal Payne, isla markaana Gudoomiye Faysal shaaca ka qaaday in Donal Payne uu yahay nin kusoo duulay qarannimada iyo madaxbanaanida ka dib markii Hadhwanaag waraysatay iyadoo uu gunta ka jaray damaca iyo hadafka Donal Payne ee ah inuu Somaliweyn dabada ku wato isla iminkana waraysigaasi wuxuu sudhan yahay Daaqada Hadhwanaag.


Hadal nin badiyay ma wada odhan nin yareeyayna kama kala tagine, Hogaanka iyo Madaxdii Sare ee Kulmiye ayaa aad uga cadhooday Gudoomiye Faysal iyo Xisbigii UCID-ba waliba telefoon ayay ku waaleen laakiin Gudoomiye Faysal kama qaadin oo wuu fahmay wayd-nimada weedhooda. Waxay aad uga sii cadhoodeen midnimada labadan xisbi ee  (UDUB IYO UCID) ay kala hortageen kuna weerareen Donal Payne iyo Somaliweyn nasiib daro se Kulmiye ayaa Donal Payne wali ku ixtiraamaya waxoogaa Dhaqaale ah oo uu yidhi Doorashada soo socota iskaga moosa baahidiina.


 
Waxaan kaga baxayaa: Xaguun labada daamood ku biir hays xakabin meele! kulmiyoow ama Donal Payne raaca ama Dalkiina Somaliland dee Adeer bisinka u qabta oo iimaansada soo hadal qaadka Payne-na inagasoo afjara kolba meel hakusoo qorinee. Anagu (UDUB IYO UCID) waxaanu iska taagnay Payne: Saxaro Ul dheer baa layskaga duwaa!!


 
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
 
SANWAA CUMAR YARE
 
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Last Updated on Thursday, 11 February 2010 09:50
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email