President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Gudoomiyaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Oo Maanta La Kulmay Wefdi Ka Socda Finland
Monday, 08 February 2010 16:44

Hargeysa (UP) Waxa maanta wadanka booqasho ku yimi wefti ka socda Safaaradaha Dawladda Finland u jooga wadamada Kenya, Ethiopia oo ay weheliyaan xubno ka socda Waaxda socdaalka Dawladda Finland. Waftigaa

 

waxa ka mid ahaa  xoghaya kowaad ee safaarada Nayrobi, Kenya Ms. PIA Stjernvall, qunculka Safaarada Finland ee Addis Ababa Ethiopia Mr. Simo – pekka Parviainen, wakiil ka socda waaxda socdaalka Riku Santaharju.Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada ee Xisbiga UDUB Mudane Cumar Jamac Faarax ayaa kula kulmay wefdigaa Magaalada Hargeisa Waana tan war Saxaafadeed uu ka soo saaray kulankaasi.

 

 

Waxanu u nimi Somaliland inaanu wax ka ogaano xaalada nabad gelyada ee wadanka, waxanu nahay wefdi farsamo ah (technical and fact finding mission) inaanu daba gal ku samayno mashaariic Dawladda Finland ka wado Somaliland iyo sidii aanu u kordhin lahayn wax wada qabsiga mustaqbalka. Waxanu kaloo u nimi inaano wax ka ogaano doorashada Madaxtooyada ee ka dhici doonta dalka dhowaan sida la filayo.

 

Waanu ku faraxsan nahay nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland waxayna nagu dhiirinaysaa inaan wax badan la qabano Somaliland, Waxanu la kulmi doonaa Xukuumada Somaliland, qaar ka mid ah wasaaradaha, Hay’ahadaha nabad gelyada, Booliiska iyo ururada bulshada rayidka ah ee ka hawl gala wadanka iyo Xisbiyada Qaranka.  Waxanu Somaliland u rajaynaynaa in doorashadu u qabsoonto si nabdoon oo aanu cadawgeedu ka faa’iidaysn, iyo inay noqoto mid xor ah oo xalaal ah  (Transparency). Wefdigu waxay sheegeen in Dawladda Finland ugu deeqday Shacabka Somaliland lacag gaadhaysa 2 Milyan oo Euro ah waxna lagaga qaban doono biyaha, lacagtaas oo ay soo marinayaan UNICEF. Intaa kuma dhamma Deeqda dawladda Finland waxanu kaloo gacan buuxda ku lee nahay Deeqda Beesha European Union siiso Somaliland oo loo soo mariyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxanu kaalmo toos ah soo marinaa NGO’s wadanka ka shaqeeya.

Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Xisbiga UDUB waxu u sheegay wefdiga in Somaliland beesha caalmaka uga baahan tahay inay ka gacan siiso arrimaha nabad gelyada, Dimoqraadiyada iyo horumarintaba.  Waxu kaloo u sheegay inaan beesha caalamka Somaliland kaga tegin meel cid la ‘ah si aaanay wax yeelo u gaadhin xasilloonda baahsan ee hadda ka jirta wadanka. Waad og tihiin waxa ka dhacaya Somalia iyo Dunida kaleba, haddaanaan taageero ka helin beesha caalamka ma xaqiijin karo inaan sii wadno nabada. Sidaa darteed taageero siiya hay’adaha nabad gelyada ka shaqeeya sida tababaro, isgaadhssin iyo qalabaynba. Wefdigu waxay ku soo gaba gabeeyeen hadalkooda waanu dersi doonaa sidaanu wax ula qaban lahayn Somaliland,  waanuna ku faraxsan nahay nabada  gelyada iyo Dimoqraadiyada ka jirta Somaliland.

 

 

Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiayaha Xafiiska Siyaasada ee Xisbiga UDUB

Last Updated on Tuesday, 09 February 2010 06:14
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email