President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xisbiyada mucaaradka Somaliland isma maqlaan miyaa, By Ibraahim Duale Saleebaan
Monday, 08 February 2010 16:06

Waxa maalmahan ku soo noqnoqonayey mareegaha iyo warbaahinta afsoomaaliga ku hadasha, weedho iska soo daba dhacayey oo xisbiyada mucaaradku ku sheeganayaan inay qabtaan shaqadii xakuumaddu qaban lahayd,

hadaba mucaaradku ma waxa ay waayeen wax kale oo ay sheegaan mise aqoonta ayaa sidan ka ah. Waxa aan la rumaysan karin in dawlad shaqadeeda uu mucaaradkeedu qabto, waayo dawladaha dunidu lama sameeyaan xidhiidh axsaabta dalalka shisheeye ee waxa xidhiidhka lala sameeyaa waa dawlad, xisbiyada waxa xidhiidhka la sameeya axsaab dhigooda ah ama hayadaha loo yaqaan NGOs.

 

Waxa aad moodaa inay axsaabtii mucaaradka ee somaliland gef iyo mel ka dhac u geysanayaan waxa loo yaqaan diplomacyga waayo waxaan shaqadooda ahayn ayay ku foogan yihiin, taas oo weliba shacabka ku ah majaro habaabin, dalka ma saddex xakuumadood iyo saddex madaxweyne ayaa ka jira.

 

Waxa aan kula talin lahaa axsaabta mucaaradka ah ee somaliland inay ixtiraaman hab dhaqanka iyo hanaanka dawladnnimo iyo weliba xakuumadda iyo madaxweynaha talada haya, si iyaguna haddii ay talada qabtaan u helaan qaab maamuus oo huwan xishoodka iyo karaamada madaxi leedahay.

 Midda kale ha ka waantoobaan is hafarka ay naftooda hafrayaan waayo dawladdu shaqadeeda way qabsataa waxii  dhaliil ah ee haysaan iyo haddii aad wax soo kordhin doontaanba la suga marka xilka shacabku idiin egmado,haddiiba idinka oo dhaqankan leh la idin egmado, kuna talo gala sida aad xakuumadda jirta ula dhaqantaan ayuunbaa idinkana la idiinla dhaqmi doonaa.Ma aha keligiin waxa ku jiqsiida iyo qaaxoolagyga yaqaanaa. 

 

Ibrahim Duale Suleiman

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Monday, 08 February 2010 16:14
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email