President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Addis ababa Kulan kula Yeshay Wasiiradda dalka Finland u qaabilsan Migration-ka iyo Arrimaha Yurub + Sawiro
Monday, 08 February 2010 09:58

Hargeysa (UP) Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale,  intii aanu ka soo amabixin Magaalada Addis ababa shalay, waxa quraac shaqo ugu samaysay huteel weyn oo ku yaala

 

 

Magaalada Addis ababa Wasiiradda dalka Finland u qaabilsan Migration-ka iyo Arrimaha Yurub (Minister for Migration and European Affairs) gabadha magaceeda la yidhaahdo Astrid Thors.Kulankaasi oo qaatay hal saac , waxa lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka wadareed ee labada dal iyo guud ahaanba gobolka,

iyadoo si guud la iskula qaadaa dhigay , sidii Somaliland wax loogala qaban lahaa dhinacyada, dhaqaalaha, Nabad gelyada, Finland ay door weyn uga qaadan lahayd u ololaynta arrimahaasi dhinaca European Union-ka. 

 

Kulankani waxa uu ahaa kulankii saddexaad ee wasiirku layeesho intii uu ku sugnaa Addis ababa, isagoo horena ula kulmay wefdi ka socday dalka Finland uga qayb galay shirkii Midowga Africa ee ku soo gaba gaboobay Magaaladda Addis ababa ee dalka Ethiopia.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu hore ula kulmay , la taliyaha Madaxweynaha ee South Africa, Ambasador Weliele Nhilpo , horena u ahaan jiray safiirkii dalka South Afirca u joogi jiray Qaramada Midoobay iyo Maraykanka, waxa kale oo uu Wasiirku la kulmay Agaasimaha guud ee Ururka Midowga Yurub oo la yidhaahdo Mr Stifano Mantaseri , oo ballan qaaday in horumarka dalka ay ka qayb qaadan doonaan dhinaca Berbera Corridor oo Fundiskii diyaar yahay, farsamadii iyo qorshihiina hadda lagu jiro. Kulamadaasi waxa ay ku dhamaadeen jawi degan oo is faham.

 

 

Allaa Mahad leh, 

Ayaanle Salaad Diiriye

Safiir ku xigeenka Safaarada Somaliland ee Ethiopia.

Last Updated on Monday, 08 February 2010 10:33
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email