President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| “Xog-Hayaha Arrimaha Dibadda Ee KULMIYE Wuxuu U Adeegay Cadawga Somaliland” Wakiilka JSL Ee USA |
| Sunday, 07 February 2010 09:27 |
|
Khiyaamo qaran . Sidaana wuxuu ku sheegay waraysi ay la yeelatay Shabakadda Hadhwanaag kaasoo u dhacay sidan: S: Horta Warbixin kooban bal naga sii xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalkan Maraykanka adigoo noo guud maraya? J: Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Maraykanku waa xidhiidh wanaagsan oo si is-daba-joog ah u socda, runtiina markaan Taariikhda dib u jaleeco xidhiidhkaa guntii dagay rukumadiisa asaasiga ah wuxuu ahaa Mudane Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal Illaahay ha u naxariistee markii uu Maraykan yimid sanadkii 1999-kii, Madaxweynuhu maalintaa siduu u dhigay siyaasada Somaliland iyo rukumadeeda lagama maarmaanka ah ee kollayba iyagu noqonaya meesha loogu soo hagaagayo iyo himilada Somaliland ku leedahay Dowladan Maraykanku in ay u qabato ama ku qanciso mid ku waajahan, weeyaan boqolkiiba boqol, dabadeedna kii isaga badalay Madaxweyne ku-xigeenkiisa ahaa ee la doortay tii halkii uun buu ka amba-qaaday, wixii aan ahayn kolba duruufahan is-bed-bedalaya sida kolba arrinta loo dhigayo iyo maamulada kala jaadka ah ee intaa Maraykan soo maray, Siyaasada Somaliland ee Maraykan waxay raacdaa rukumadaas aasaasiga ah oo ay kow ka tahay Bad-baadada Somaliland, gooni isu-taageeda, barwaaqaynteeda iyo aqoonsi helideeda isma badasho tii uun baan ku shaqaynayaa kuna dedaalaynaa, inkastoo aanay qayladayadu badnayn oo kaalayaay na arkaay meel walba intaanu is-taagno aanaan ka odhan.
S: Wakhtigan imika la taagan yahay goormay isugu kiin dambaysay inaad xidhiidh la sammaysid maadama aad tahay Wakiilka Somaliland Xukumada Maraykanka Mas’uuliyiinta? J: Shalay oo u dambaysay. S: Yaad la kulantay?
J: Wada-hadal iyo xidhiidh naga dhexeeya had iyo goor googo’ maahee waa mid socoto ah weeye, kuna mudayna wiiga toddobada maalmood 24ka saacadood haddaad eegto ama xidhiidh hore u socday oo laga wada-hadlayay ayaa jira ama mid cusub oo imika la isla eegayo, had iyo goor arrin socota oo si is-daba joog ah u socota laakiin aan Public ahayn oo aan dibada lala taagnayn, doraad oo u dambaysay waxaan la hadlayay ku-xigeenka Wasiirka Afrika ku-xigeenka 1aad ayaan kula hadlayay Telefoon oo aan ka sheekaysanaynay umuuro labada Dal u dhexeeya, maantadan kuwa dalka jooga ayaan la hadlayay, waa arrin aan kala go’ lahayn oo is-daba joog ah waayo maanta ummuraha Geeska Afrika waad ogtahay xaga bad-baadada oo maanta halis wayn noqotay oo ku soo fool leh Somaliland, Djibouti, Kenya iyo Somaliya ha noqoto Xamar ama Puntland-bee, intuba waxa weeyi ummuuraha muhiimka ah ee aanu maanta ka wada hadalno oo si is-daba joog ah uga wada-hadalno, taas uun kama wada hadalnee waxyaabihii kale ee xaggii Dhaqaalaha, xaga Bulshada iyo xaggii Dimuqraadiyadaynta arrintu arrin kala go’da maahee waa arrin socota weeyee, laakiin aan kuugu celiyee maaha arrin aanu jariidad walba ku qorno ama kaalaya na arkaay aanu nidhaahno.
S: Imika Dr. Sacad haddii aynu Taariikhda dib ugu noqono sanadkii 2009ka, waxa Dalka Maraykanka yimid Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, taasi oo uu doonayay inuu la kulmo ninka Congress-ka ah ee magiciisa la yidhaahdo Donald Payne ka dibna Donald Payne wuxuu sheegay inaanu la kulmi doonin inaanu la kulmi doonin Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, taasina sida wararka aynu ku hayno wali lama aanu kulmin markaas dib ayuu uga noqday, markaas labadan hadal ee aad sheegtay tan aad tidhi xidhiidhku uu fiican yahay iyo ninkan kale sidee ayay isu-qabanayaan ayaad is-leedahay Dr. Sacad ?
J: Taasi way sahlan tahay, gidigeen war ayaynu u haynaa arrintii uu sammeeyay Mudane Donald Payne oo ah Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka dhanka Afrika ee Guriga Congress-ka, sidoo kale aan kuu sheego anigu ma jecli anigu inaan Mudane Donald Payne halkan aan ka dhigo issue (arrin) aan ka hadlo, waayo arrintaasi arrin dhacday ayay ahayd, siday u dhacdayna waad wada ogaydeen, markii u dambaysay ee aad iga qaadeen Waraysiga si faah-faahin leh ayaynu arrintaasi uga hadalnay Somaliland iyo cidii doonaysaaba ee af Somaliga ku hadashaaba, inaan tii ku celiyo dooni maayo in gaaban uun baan ka sheegi, Donald Payne bishi June ayuu yidhi waxaan doonayaa inaan qabto Shir Soomaali wayn u dhan tahay, waxaan doonayaa ayuu yidhi Somaliya oo TFG-da ah, Puntland iyo Somaliland inay isugu yimaadaan Feeling ama Masal isagu uu sammaynayo oo Gudi Hoosaadkiisa ah oo aan doonayo codad Somalidu leedahay oo midaysani in meesha ay ka soo baxaan, kow lagula dagaalamayo budh-cad badeeda iyo Argagixisada, Dadka Soomaaliyeed ee meelahaasi joogana ee dhibaatooyinku haysto sidii gar-gaar iyo nafaqo loo gaadhsiin lahaa, intaasi ayuu Donald Payne nagu yidhi, Ahlan Wasahlan, hawraar san ayaanu nidhi qaraarkaa iyo iyo intaas aad sheegtayba raali ayaanu ka nahay, laakiin anagu Jamhuuriyad gooni isaga taagtay Somaliyada kale ee aad sheegayso ayaanu nahay, haddii aad doonayso inaanu nimaadno saddex arrimood ayaynu doonaynaa in aynu ku heshiino, ta ugu horaysaa waxa weeyaan Formar-ka (qaabka) Shirka loo galayo, ta labaad waxa weeyaan sida wax loo qabanayo iyo sida wax loo sheeganayo, ta saddexaad waxa weeyaan Protocol-ka aanu ku imanayno anagoo ah Jamhuuriyad gooni isu-taagtay ah aynu ku heshiino, saddexdiiba waa nalagu diiday sidaan horeba u sheegay, inkastoo boqol hadal oo been ah nala soo kala dhex-galiyay Donald Payne xaqiiqadu midhkaasi weeyi, runtiina markii nalagu diiday anigu waxaan la hadlaayay Kaaliyayaashiisii, inta badana waxa laga yaabaa inuu maqnaa ama aanu jooginba, iman maynee haddii aydaan taas noo yeelin raali naga ahaada ayaa la yidhi, wixii dhacay waad ogayd, Odaygii si lama filaan ah ayuu u firin-bidhayba uu qarxay, wuxuu ku hadlay iyo hanjabaadii uu sammeeyay Dunida oo dhan ayaa la yaabtay, waanan ku faanaa waana ay wada qoran tahay, arrintaasi markii ay dhacday ayaanu ku ambabarnay uun intii ayna arrintaasi kala dhamaan ee aanay kala tagin ayaa anigaygan waxay igu yidhaahdeen Kaaliyayaashiisii dad ayaanu Somaliland uga yeedhaynaa waxaanu doonayno noo yeelaya, uma yeedhi kartaan ayaan ku idhi, waayo Dowladda ayuun baa matasha Dadka, nin kale oo aad u yeedhataan waxa weeyaan waa bar kuma taal idinka uun baa ku ceeboobi, Bishii July ayuun baanu maqalnay Mudane Maxamed Cumar ayaa yimid oo isagu ah Xog-hayaha Xisbiga Arrimaha Dibada ee Kulmiye, intuu isagii u tagay ayuu yidhi Somaliland Dowladeedu waa qaldanayd, anagu arrintaasi waxaanu u arganay deel-qaaf dhabar-jabin in lagu sammeeyo Somaliland, intaasi waxa soo raaca dad badan oo Reer Somaliland ah oo ciida ka badan iyo qaar kale oo dibada ka arkayay oo badani waxay arrintaasi u arkayeen in ay arrintaasi tahay Khiyaamo Qaran (High Treason) Khiyaanatul Cudmaa, Maxamed intuu mar labaad soo noqday ayuu intuu idinka idiin yimid ayuu yidhi ninka Sacad la yidhaahdaa hawshii loo dirtay uu gabay. S: Wefdi culus oo ka socda Somaliland gaar ahaan Xisbiga Qaranka ah ee Kulmiye ayaa idiinku yimid Dalka Maraykanka, markaasi adigo ayaa ah Safiirkii Somaliland ee Maraykanka ma la kulantay Dr. Sacad ?
J: Anigu lama aanan kulmin, iyaguna iimay yeedhin oo haddii aniga ay i yidhaahdaan Ahlan Wasahlan waanu kuu baahan nahay waxaanu doonaynaa in aanu kula kulano oo briefing (warbixin) na siiso ayaanu doonaynaa diyaar ayaan u ahaa in aan arko caadatan labada Xisbi cida ka timaada waxa ku horeeyay Faysal Cali Waraabe oo Xisbiga UCID ah isagoo Wefdi dhan wata waa ila soo xidhiidheen waanu is aragnay waxay i waydiiyeen waan ka brief-gareeyay, dabadeed waanu is-raacnay oo shaqo iyo sheeko saddex saacadood u fadhinay, waxa la socday Gudoomiyaha Baarlamaankeena Cabdiraxmaan Ciro iyo Barlamaani kale oo Xisbigiisa ku jira oo la yidhaahdo Naasir Cali Shire, waa caadi horteed mar kale ayuu yimid, haddii aniga cidi ila soo xidhiidho oo qolada UCID briefing-na sii oo inaanu kula sheekaysano ayaanu doonaynaa oo aanu kula tashano Ahlan Wasahlan Wa marxaban ayaan leeyahay, laakiin cid aniga cid aan war ka maqlay ma jiro ?.
S: Dr. Sacad Maadaama oo aanay kula soo xidhiidhin adiguna waxaad tahay Wakiilkii Somaliland sow kama ay fiicnayn adigu inaad la xidhiidhid ? J: Wakiilka Somaliland anigu Normally (sida caadiga ah) cidii dalka timaada ee ila soo xidhiidha anigu waan arkaa oo waan u tagaa, laakiin mid uun baan kuugu dari Maxamed Cumar isagoo waxaasi oo dhan sammeeyay oo dhabar jabin Somaliland ah loo isticmaalay ayuu haddana yimid doonayaana anigu in aan arko oo aan la hadlo, anigu taasi uma arkayaba in ay tahay mid loo baahan yahay, waayo anigu waxaan arkaa inuu Line-ka (khadka) inuu ka baxay.
S: Dr. Sacad, maad noo faah-faahin kartaa dhabar-jabintan aad sheegaysid maxay tahay?
J: waa nin loo isticmaalay Dalkiisii in wax lagu yeelo, dhabar jabintu waa taas ma wax kalaa, nin dalkiisii yidhi aniga ayaa ciqaab gelinaya oo aniga ayaa cirka iyo dhulkaba ka qarinaya waayo waxay diideen in ay Somaliweyn dhex fadhiistaan oo anigu aan doonayo in ay ku dhex milmaan oo dabadeedna isagu u yimid oo yidhi Dowladani way khaldanayd isaga ayaa sax ahaa (Donald Payne) miyaanay dhabar-jabin ahayn taasi. S: Maxamed Cumar waxa la socday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiey waa Murashaxa Madaxweynaha uga tartamaya Xisbiga Kulmiye, waa Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo xidhiidhkiina adiga sow ma wanaagsana ?
J: Maxamed Axmed Siilaanyo saaxiibtimo wanaagsan ayaa naga dhexaysa, waa nin aanu aad isku naqaano, waa nin taaiikh leh oo dalkiisa iyo dadkiisuba yaqaaniin, Taariikhdiisa intii xoraynta ka horaysay iyo intii ka dambaysay waa la wada yaqaanaa, xidhiidh wanaagsan iyo saaxbtinimo ayaa naga dhaxaysa, Somaliland marka aan tago haddii aanu isku aragno had iyo goor waan brief-garayn jiran (waanu is waraysan jirnay) wax dhibaato ahi may jirin imikana wax dhibaata ahi ma jiraane arrintan soo gashay meesha ayuun baa dhibaato keentay, anigu aanan u arkaynin arrin wanaagsan in ay tahay, shakhsi ahaana dadka halkan yimaadaa way ila soo xidhiidhaan oo dadka crowd-gareeyo ma jecli, haddii ay Dowlad Maraykan la kulmayaana inaan dhex-fadhiisto ma jecli, xorriyadooda in ay qaataan ayaan jecellahay mar haddii ay Axsaab Mucaarid ah yihiin iguma habboona inaan saxmad geliyo oo aan dhex-fadhiisto iyagoo arrimahooda Maraykanka u sheeganayaa, sidaa aawadeed taasi uun baan ku waday ee xumaan kale may jirin, laakiin way jirtaa arrintaasi Maxamed Cumar sammeeyay, waana arrin khalad aha raalina kama aanan ahayn anigu, isaguna wuxuu sheegay oo uu uu idinka idiin sheegay markaada waraysateen markii lagu waydiiyay lamaad hadal, laakiin inuu iga cabanayay ayaan maqlay, hadda waa waraysigii aad la yeelteen uun baan anigu sheegayaa. S: Siilaanyo ma kula jiraa Khaladkan aad sheegaysid oo muu dumiyay Qaranimada Somaliland, khaladkan aad sheegaysid imika in ay galeen ?
J: Siilaanyo muu odhan intuu Maxamed Cumar yidhi, Shir dabdiina muu iman, haddii uu doonayo inuu la sheekaysto, dee wuu sixi karaa, wuxuu kula sheekaystayna anigu ma ogi, isaga ayay u taalaa, laakiin anigu muxuu u arkay ma lihi.
S: Laakiin hadalkaaga waxa laga dhadhasan karaa sidii uu sheegay Dr. Maxamed Cumar oo uu Dr. Sacad Xisbi ayuu u go’ay, maadaama sida imika aad u hadlaysid sow dad badani uma qaadan karaan?
J: Maya uma qaadan karaan, anigu Xisbi halkan uma fadhiyo waligyna umaan fadhiyin, midna uma fadhiyo Reerna uma fadhiyo, anigu Somalilander ayaan ahay halkan u fadhiyo, ninka markaasi doonaya Somaliland halka aan ka taagnahay si badheedha ah ayaan u sheegayaa oo waxaan ahay Somalilander safka hore ku jira
|
| Last Updated on Sunday, 07 February 2010 10:13 |


Washington (UP) Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Dr. Sacad Sheekh Cismaan Nuur ayaa ku eedeeyey Xoghayaha Arimaha dibada ee Kulmiye Dr.Mahamed Abdilaahi Omar inuu u adeegayo cadawga Somaliland,