President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Wufuud Ka Socday Xisbiga UDUB Oo Si Diiran Loogu Soo Kala Dhaweeyay Gobolada Hawd Iyo Saraar.
Saturday, 06 February 2010 09:13

Hargeysa(UP)Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay oo beryanba ku sugnaa gobolada barriga dalka ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caynabo ee xarunta Gobolka Cusub ee Saraar.

 

Weftiga Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB oo ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah Guddida fulinta ee xisbigaa, waxa ku qaabilay magaalada Ceybnabo Guddoomiyaha Gobolka Saraar, masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolkaa iyo qaar ka mid taageereyaasha xisbigaa ee degmada Caynabo.

 

Waxaana lagu wadaa in weftigaasi ay halkaa kula shiraan masuuliyiinta xisbiga UDUB ee heer gobol iyo degmo waxaanay sheegeen inay dar-dar gelinayaan maamulkii xafiisyadooda gobolada.

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa taageereyaashooda iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Saraar uga mahadceliyay soo dhawaynta balaadhan ee ay ku qaabileen weftigiisa.

 

Dhinaca kale, waxa iyagana si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Baligubadle ee xarunta Gobolka cusub ee Hawd galabta Wefti ka socday Xisbiga UDUB oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha olalaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), waxaana halkaa ku qaabilay oo soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Hawd Md. Cali Cawil Cabdi, Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland iyo taageereyaasha xisbiga UDUB ee gobolkaa.

 

Guddoomiyaha olalaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa u mahad naqay madaxdii iyo dadweynihii soo dhaweeyay waxaanu sheegay in muddada ay ku sugan yihiin Magaalada Bali gubadle ay la kulmi doonaan masuuliyiinta kala duwan ee gobolka waxaanu tilmaamay inay dhisayaan isla markaana kor u qaadayaan hanaankii xafiiskoodu u shaqayn jiray.

Weftigani waxay ka soo kicitimeen degmada Salaxley halkaa oo ay kulamo kula yeeshaan maamulka iyo maamulada xafiisyadooda.
Last Updated on Saturday, 06 February 2010 09:23
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email