President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Madaxweynaha Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Casho Sharaf Ugu Sameeyay Wefdi Ka Socda Switzerland |
| Thursday, 04 February 2010 16:01 |
|
Madaxtooyadda Wefti ka socda Dalka Switzerland. Waftigaasi oo booqasho gaaban ku soo gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo hogaaminaayo Danjiraha Dawlada Switzerland uga wakiila Dalka Suudan iyo wadamada Geeska Africa Mr. Andrea Semadeni, waxay xalay is dhaafsadeen Madaxweynaha arrimo dhicayo badan taabanaaya, ku waas oo ay ka mid yihiin, sii xoojinta xidhiidhka labada Dal,
![]()
Mashaaricda Horumarinta iyo halka ay marayaan arrimaha xaaladaha Siyaasadeed ee Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer waftiga warbiximo uga siiyay marxaladihii kala duwanaa ee geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland ay soo martay tan iyo intii qaranimadeeda ay kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Somali-republic.
Madaxweynuhu mar uu soo qaaday arrimaha xaga nabad gelyada waxa uu yid” Somaliland waa wadanka kali ah ee Mandaqada Geeska Africa ee gacanta ku dhigay Argagixiso iyo Budhcad Badeed, maantana ay jeelasha ku xidhan yihiin ka dib markii lagu helay dambiyadii foosha xumaa ee ay Dalka ka galeen”.
Waxaas oo dhan Somaliland keligeed ayey qabsatay iyada oo aan Caalamka intiisa kale ka helin wax taageero ah, ayuu yidhi Madaxweynuhu. Madaxweynuhu waxa uu Carabka ku dhuftay in hada Somaliland ay u baahantahay taageerada Caalamiga ah gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyada oo aynu ka warqabno wakhtigan aynu ku jirno Dagaalada iyo nabad gelyo Xumida ka taagan Mandaqada. ![]() Madaxweynuhu isagoo ka hadlaaya arimha Ictiraafka waxa uu sheegay in Somaliland ay fulisay wax alaale wixii looga baahnaa Dawlad Qaran ah oo la aqoonsanyahay, hase yeeshee uu Caalamku u hortaaganyahay arimo ku tacaluuqa dhinaca Siyaasadda. Gaba gabadiina waxa uu madaxweynuhu waftiga u sheegay in uu ku rajo wayn yahay in Doorasho Xor ah oo xalaal ah ay Dalka ka qabsoomto sidii ku wii hore ee Dalka ka dhacay.
Waxana uu sheegay in Gudida Komishanku ay iyagu u Madaxbanaan yihiin in ay ku dhawaaqaan wakhtiga Doorashadu ay qabsoomid doonaan. Weftigaasi ka socda Dawlada Switzerland intii ay joogeen Dalka waxa kale oo kulama kala duwan ay la yeesheen Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka iyo Hay’adda kale oo Dalka ka hawl gala. Waftigu waxa kale oo ay soo kormeereen Mashaariicda Horumarta ah ee Hay’adda swiss-croup ay ka wadaan Somaliland iyo heerka ay marayaan Marti qaadkaasi xalay
Madaxweynuhu u sameeyay Weftigaas waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane, Husein Cali Ducaale (Cawil), Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane, C/raxmaan Sagal iyo Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibada Mudane, Ahmed Aaden Ismaaciil (Keyse)”. |
| Last Updated on Thursday, 04 February 2010 17:47 |


Hargeysa (UP) War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sidan “Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu xalay Casho 
