President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Reer Awdal Iyo Reer Sooloow Ka Raali Noqda Heesta KULMIYE Idiin Shiday, By Sanwaa Cumar
Thursday, 04 February 2010 09:04

Qasdiga iyo ulajeedada fariintaydan ayaa daba socota Hees aad u liidatay oo xisbiga KULMIYE kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbigaas Gudoomiye Siilaanyo maalintii uu dalka kusoo laabtay iyagoo ka dhigayay

in aanu Daahir Rayaale iyo tolkii midna dalka waxba ku lahayn oo ay kaligood leeyihiin!!! Laakiin way ku fashilmeen Reer Kulmiye raaligalintii umadii meesha maraysay ee la socotay iska daaba reer Awdaloo. Heestan oo ahayd hees ay ku jirto Su'aal odhanaysa: DHULKA SAW ANIGU MA LIHI? Ayaanu ka raali galinaynaa Dadka reer Awdal ama reer Sool oo ah walaalahayaga dalka nala leh. Hadii aanu nahay Xisbiga Cududa leh ee UDUB su'aashayadu waa: DHULKA SAW MA WADA LIHIN? 

Waa yaabka yaabkiiye, waxa heestani ay ku riday muraara dilaac iyo qaracan Gudoomiye Ku-Xigeenka Kulmiye Mr. C/raxmaan Saylici oo ka dhadhansaday in lagu leeyay Dalka saw anigu ma lihin? Kana cadhooday madashii cawayska ee habeenimadii. Hadaba xan baanu ku haynaa  inuu iska casilo jagada musharaxa madaweyne ku xigeen ee kulmiye, waanuu yeeli karaa inuun haduu xaqiiqda ogyahay.
 
Intaas hadaan ka gudbo, Kulmiye iyo Ucid waxay ku heshiiyeen Formula: 1+1=2 oo ah taageerayaasha Kulmiye oo loo geeyay taageerayaasha Ucid ayaa la mid ah kuwa UDUB sidaasi la'ajligeed waxay isticmaalayaan farsamo muuqata oo ah markay labada Gudoomiye soo laabtaan aynu soo wada dhawayno si laynoo moodo inaynu leenay taageerayaasha dalka ugu badan, shacbiguna indhuhuu kala hayaa. Aan ka gudbee, waxaan idiin hayaa warqad uu soo saaray Taliyaha Taraafiga Somaliland Warqadaas oo uu ka codsanayay xisbiga UDUB inaanay marna soo saarin taageerayaashooda si aanay u xanibmin Wadooyinka halbawlaha ah ee Gaadiiska Caasimadu marayo, ka xisbi ahaana waanu ka aqbalnay laakiin wakhtigeeda marka la gaadho meelkasta way isaga soo baxayaan Taageerayaasha UDUB Ilaahoow aanu waaga waraabe cunin aamiin aamiin.


 
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAA GUDIDA SIYAASADA
UDUB EE QATAR.
E-MAIL:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Thursday, 04 February 2010 09:09
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email