President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Xisbiga UCID Oo U Kala Qaybsamay Kooxo Siyaasad Ahaan Aad Kula Fog, By Mingiste
Thursday, 04 February 2010 08:41

Mudo dheer marka aad maqasho  magaca  Xisbiga UCID,waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhici jiray,shaqsiyaad  gaar ah amase qaar ka mid aasaasayaashii Xisbiga  UCID,sidoo kale

waxaa kugu soo dhici jiray erayo siyaasadeed oo iska soo horjeeda,qurba joognimo iwm.Mudadii  dheerayd  ee uu soo jiray Xisbiga UCID, inkastoo  dhinaca siyaasada lagaga tag iyo tamar roonaa,haddana marna Xisbiga UCID lagumo aqoonin kala qaybsanaan ku salaysan kooxo  ku kula kala duwan  mowqifka siyaasadeed ee Xisbiga,xataa ma jirin xan hoose oo ku saabsan kala qayb sanaan  siyaasadeed oo ka  jiri jirtay Xisbiga .Laga soo bilaabo horaantii 2009,waxaa soo ifbaxayey amase soo xoogaysanayey kala qaysanaan siyaasadeed oo aad u xoogan,aad u kala duwan  keenina karta  dib u dhac siyaasadeed iyo burbur ku yimaada mid ka mid ah saddexda Xisbi qaran ee Somaliland.Marka laga hadlayo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee soo food saartay Xisbiga UCID,waxaa la xusi karaa amasa waxaa ugu muhiimsandhor qaybood oo  kala ah:- 

1- Kooxda  ugu horeysaa  waa Godoomiyaha Xisbiga ahna Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga  iyo koox aan sidaa u badnayn oo loo yaqaan  baalasha Gudoomiyaha Xisbiga ,intooda badanina waxay ku sugan yihiin Qurbaha. Kooxdani waxay aad iyo aad isugu tayaan sidii ay u dhamayn lahaayeen  khilaafka  siyaasadeed ee jira. 

2- Koox muuqaalka  UCID ka ah,qalbigana Xisbi kale ka ah,kooxdan waxaa  ka mid ah ragg miisaan culus ku leh Xisbiga dhexdiisa magac iyo maamul ahaanba. Kooxdan waxaa ka muuqda in ay jaho kale u leexiyeen  gabi ahaanba siyaasadii Xisbiga, waxaa ka muuqata in heshiis la galeen   Xisbi kale.taxaa waxaa jira warar hoose oo sheegaya in ay kooxdani wadaan “AFGEMBI_INQILAAB” ay la maagan yihiin  hogaanka sare ee Xisbiga.  

3- Kooxda kale waxaa madax u ah Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga UCID.Kooxdani hore ugama tirsanaan  jirin Xisbiga ,balse waxa keliya ee Xisbiga u keenay waa sidii ay xilka uga heli lahaayeen  Xisbiga weli xilka Musharaxnimada  Madaxweyne ku xigeenka.Hadii ay helaan waa hagaag,haddii ay waayaana way iskaga tegi doonaan,miisaan siyaasadeed oo sidaa u weyna ku dhex laha Xisbiga. 

4- Kooxda loo yaqaan Qirin- Qiirka siyaasada,koodani  dhamaantood waxay joogaan Qurbaha,dhowaan ayey Xisbiga ku soo biireen ,ma laha wax waayo aragnimo siyaasadeed ah,wax aqoon sidaas ah uma laha dalka, mana garan karaa mana fahansana jahada siyaasadeed ee Xisbiga ,balse waxay Xisbiga ku soo biirayaan woxoogaa dhaqaale, sacab fara badan ,dhowaana waxaa laga yaabaa  in ay iska caajisaan, dhinaca kalena waa lagu xisaabtamaa tiradooda.   Hadal iyo dhamaan waxaa xaqiiqo ah in ay jiraan dhamaan kooxaha  aan kor ku soo sheegay, waxaa cadaan ah in Xisbiga UCID  uu u kala dhaqaaqay jahooyin siyaasadeed oo aad u kala duwan,waxaa kaloo muuqata  in taageerayaasha Xisbiga UCID ay iska indho tirayaan amase isdhaaf dhaafinayaan  burbur siyaasadeed  oo ku soo fool  Xisbigood .

Dhinaca kale waxaa sii kala fooganayaa saaxibo mudo dheer  saaxibo ku wada ahaa siyaasada Xisbiga UCID,waxaad moodaa in ay meesha ka sii baxayaan Saaxiibo marka aad magacooda maqasho amase aad muuqooda aragto markiiba la soo xasuusan jiray Xisbiga UCID.

Walaacaawi AGOONTA Somaliland si adiga ILLAHAY kuu caawiyo.DAHABSHIIL

account No. HRGD14759 Mahadsanidin 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Thursday, 04 February 2010 09:12
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email