President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Waarsaxaafadeed U Soo Saaray Gudoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB Oo Ka Waramay Safar Uu Ku Tegay Magalada Addis Ababa
Tuesday, 02 February 2010 07:56

Hargeysa (UP) Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, Gudoomiyaha Siyaasadda ee Xisbiga UDUB, Mudane, Cumar Jaamac Faarax ayaa waxa uu kaga waramay safarkiisii uu dhawaan ku tagey

Dalka Ethiopia.kaas uu  kula kulmay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dr, Tekeda Alemu,. Waxan uga mahad celiyey  doorkii ay ka qaateen xalinta khilaafkii siyaasadeed ee xisbiyada dalka ee doorashada madaxtooyada ee dib u dhacday iyo sida ay u danaynayeen xasiloonida Somaliland inaanay khatar gelin. iyadoo aanu ka wada hadalay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa iyo iskaashiga dhinacyada siyaasada iyo nabad gelyada.

 

Dr. Tekeda Alemu waxu iiga waramay walaaca beesha caalamku ka qabto xasiloonida gobolka iyo in lala sameeyo iskaashi buuxa dhinaca xoojinta nabad gelyada iyo xasiloonida ee Somaliland. Dr. Tekeda Alemu waxu xusay khudbadii u danbaysay ee golaha ammaanka in Xoghayaha guud ee qaramada midoobay warbixintiisii ugu danbaysay ku xusay inaan indhaha laga qarsan Karin xasiloonida ka jirta Somaliland, gacana lagu siiyo xaqiijinta amnigeeda iyo xasiloonideeda.Dr. Alemu waxu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii Somaliland looga qayb gelin lahaa shirarka caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka oo ay ka noqoto xubin buuxda. Xasiloonida Ethiopia, Djibouti iyo Gacanka cadmaeed waxay ku xidhan tahay nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland. Nabad ku naaloon maynu haddii aanaan taageerin xasiloonida iyo qadiyada Somaliland.

 

Waxan kale oo aan kula kulmay Magaalada Addis Ababa, Safiir ku xigeenka Dawladda Ingiriiska u jooga Ethiopia, H. E Mr. John Marshall, waxanu ka wada hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Xasiloonida iyo iskaashiga labada dal. Waxan u xaqiijiyey  inaanu waqtiga doorashada ka sugeyno GDQ diyaar aanu u nahay doorasho xor ah oo xalaal ahi inay ka qabsoonto dalka waqtiga lagu dhawaaqo doorasho. Waa dhammaatay sheeko danbe oo lagaga hadlo iyo dib u dhaceeda, waxanu ixtiraamaynaa heshiiskii aanu la galay xisbiyada kale ee beesha caalamkuna goob jooga ka ahayd.

 

Safiirku waxu sheegay marka laga yimaado aqoonsi caalami ah dawlado badani waxay Somaliland u arkaan dawlad jirta, oo maamusha xuduudaheeda, waxa Somaliland ka jira dawlad iyo maamul wanaagsan. Safiirku waxu sheegay inay Somaliland la lee yihiin xidhiidh wanaagsan lana lee yihiin iskaashi dhinaca nabad gelyada iyo dhinaca horumrintaba ah xoojinta dimoqraadiyadaba.  Waxanu safiirka isla qaadanay inaan beesha caalamku aqbalayn dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashada Somaliland, marka GDQ waqtiga qabtaan si hufana aanu ula shaqaynayno GDQ. Waanu sii wadaynaa xiidhiidhka iyo iskaashiga aanu la  leenahay Somaliland anagoo kordhin doona caawimada aanu u marino UN, INGO’s and EU. Waxu kaloo xusay safiirku inay sii kordhinayaan kaalmadooda doorashada ka dib.

 Waxa nasiib darro ah in qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka shaqeeyaan markay dibada u baxaan inay beesha caalamka u sheegaan  warar ka fog xaqiiqada sida inay u sheegaan dhowaan kulmo ka dhacay Ethiopia in qaraxyada ka dhaca Somaliland ay ka danbayso xukuumadu, wararkaas oo ah kuwa ay kaga hadlaan mafrashyada qaadka oo ay la tagaan  marka ay la kulmayaan dawladaha jaarka ah. Waa nasiib darro arrintaasi, waxan mucaaradka u soo jeedin lahaa inaynu u tartamayno sidii Somaliland aan qadiyadeena uga iibin lahayn caalamka mase aha inaynu fagaarayaasha la tagno waxa aynu halkan kaga wada hadalo. Waxan u soo jeedinayaa inaynu meel iska dhigno ku jiqsiida, aynuna barano in lala shaqeeyo maalinba cidda xilka qaranka haysa. Ilaahay ha ina waafajiyo talada toosan, Somaliland ha noolaato”.

 

 

Cumar Jaamac Faarax

Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Ee Xisbiga UDUB

Last Updated on Tuesday, 02 February 2010 16:37
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email