President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Weligiinba Durbaan Qaatoo, Doorashadii Waxay Ku Faruur Xidhantay Interpeace Iyo Hay’adda ERIS, By Sanw
Monday, 01 February 2010 08:37

Horta Salaan aad u qaaliya shacbiga sharafta huwan ee Somaliland markasta hayga gudoomo intaas ka dib, waxa la yidhi Rag Qawl baa xidha dumarna Meher, MAAHMAAHDAN waxaan u soo qaatay Heshiiskii Lixda

Qodob wuxuu ahaa mid ikhtiyaarkii inaga qaaday oo taladii inala wadaajiyay Saaxiibadeena caalamka ka dib markaynu sida Adhiga isla muqlawnay ee waliba mucaaridku ay noqdeen HOR iyo DABA DIID, wuxuu ahaa Heshiiskani Katiinad lagu xidhay sadexda xisbi qaran guurtiduna ay aqbashay, wuxuu ahaa heshiis badbaadiyay amaankii iyo nabadii dalka oo inaga burburi gaadhay oo ay sababtuna ahayd KURSI JACAYL.

 

Hadaba hadaan guda galo hadafkayga, wax lagu canaanto Gudida Doorashooyinka ee aynu iminka samaynay ma jirto, waa Gudi aynu soo wada xulanay inkastoo mucaaridku Gudi Doorasho oo kasta ka shakiyaan, waa Gudi la kulantay hawl aad u cakiran iyo meel la walaaqay, Xisbiga canaantaana waa mid aan dhuuxin nuxurkii heshiiskan oo ah mid doorashadii ka dhigay in sadex hay'adood wadaagaan kuwaas oo kala ah: Gudida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee hada jirta, INTERPEACE iyo Electoral Reform International Services (ERIS).

 

Mushkilada ugu wayn ee Wakiilka ERIS noo tabiyay ,hadii aanu nahay Gudida Miisaaman ee UDUB Qatar, ayaa ah kala shaandhaynta SERVERKA oo ay u xilsaarantay hay'adan aanu la xidhiidhnay ee ERIS oo ku mashquulsan DOORASHOOYIN KA DHACAYA SADEX DAL oo aduunka laga ictiraafsan yahay oo uu ka mid yahay wadanka Sri Lanka kasoo ah dalka koobaad ee Hay'adan ERIS ay ka hawl gashay. Waxay runtii iskugu gorortay: Ama aynu dagdagsanaano ama aynu samirnee umasoo jeedaan xagan somaliland ilaa ay kasoo faraxashaan Sadexdaa Dal ee doorashooyinku ka socdaan fulinta HESHIISKII aynu galnayna waa INA DAANWAYNE xisbina la baryi maayo waa lagu khasban yahay sababtoo ah, xisbiga ka baxa waxa loo tirinayaa inuu siyaadinaya Xaalada Geeska Africa ee kacsan. Markaynu halkan ka qiyaas qaadano, dorashada somaliland waxay dhacaysaa 2011 bisha 4 kii kar-hayoow iyo kii kaloowba doorashadii halkaas ayay ku faruurxidhantay.
 
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
 
SANWAA CUMAR YARE
 
GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Monday, 01 February 2010 08:47
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email