President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Wefdigii Xisbiga UDUB Oo Booqday Dekada, Madaarka, Xarumaha Biyo Soo Saarka Iyo Goobo Kale Oo Berbera ah. |
| Sunday, 31 January 2010 15:39 |
|
Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal(Cismaan Hindi), ayaa soo booqday meelo ka mid ah magaaladdaa gaar ahaan goobaha adeega Bulshadda. Wafdigan oo shantii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa magaaladda Berbera, horana u soo maray Goboladda Awdal iyo Selel, ayaa ujeedadda socdaalkooda ku tilmaamay mid xogogaal u noqoshada nolosha dadka ku dhaqan dhulkaas ah, isla markaana ay xaaladda guud ugu kuur galayaan.
Md. Cismaan Hidni iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa ay shalay booqdeen Madaarka magaalada Berbera, waxaanu gudoomiyaha wafdiga Cismaan Hindi isagoo warbaahinta la hadlaya uu beeniyey warar sheegaya in socdaalkoodu salka ku hayo olole doorasho, isagoo ujeedada socdaalkooda ku macneeyay mid sannad kasta ama lixdii billoodba ay mar soo kormeeraan xaallada nololeed ee gobollada Somaliland, islamarkaana ay ku qiimeeyaan xaallada maamul”Maadaama aanu nahay xisbiga tallada haya ee lala xisaabtamo” ayuu yidhi Cismaan Hindi.
Wafdiga Xisbiga UDUB oo mudadadii Gobolka Saaxil, ay ku sugnaayeen, soo kormeeray Dekedda magaalada Berbera, Xarumaha dawladda ee wasaaraduhu ku leeyihiin Berberea, Maxjarka xoolaha iyo wakaallada biyaha, iyadoo gebii ahaanba xarumaha ay weftigani booqdeen ay warbxinno ku siiyeen masuulliyiinta goobahaas. ![]()
Weftiga Xisbiga UDUB ee uu hogaaminayo Cismaan C/laahi Hindi waxa uu ka kooban yahay, todoba xubnood, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera, ayaa sidoo kale waxay booqdeen Ceelasha biyaha ee ku yaalla deegaanka Biyo-guure, kuwaasoo oo ay sammaysay dawladdaii Soofiyadka,basle aan laga helin wakhtigan wax munaafacaada, iyadoo biyuhu iska durduraan dooxyo. sidoo kale waxay booqdeen ceelasha biyaha Berbera uga yimaada ee Faradeero iyo Degmooyinka Xagall iyo Laas-ciidle. Si kastaba ha ahaatee wafdiga UDUB ee Gobolka Saaxil waxa uu dadweynaha ku dhaqan degaankaas u muujiyay sida xisbiga taladda hayaa ugu warwarayo xaalada nololeed ee dad iyo duunyo, isla markaa waxa duqayda iyo waxgaradka uu u noqday mid fursad u siiya inay ku soo gudbiyaan baahida dad iyo duunyo ee goboladii ay kormeerka ku soo marayeen. |
| Last Updated on Sunday, 31 January 2010 16:02 |


Berbera (UP) 
