President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo Ka Waramay Barnaamijkooda La Xisaabtanka Hay'adaha Fulinta Mashaariicdii
Sunday, 31 January 2010 06:26

Hargeysa(UP)Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland iyo isku duwida Hay'adaha Caalamiga ah Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) ayaa Tafaasiil ka bixiyay barnaamijka la xisaabtanka Hay'adaha

 

Caalamiga ah ee sanadlaha ah ee lagu qiimaynayo siday u fuleen mashaariicdii iyo deeqihii Somaliland loogu tallo-galay sanadkii la soo dhaafay ee 2009-kiiWasiirka Qorshaynta qaranka oo ka hadlayay Barnaamijka la xisaabtanka ee ay bilaabeen wuxuu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa inay halkan ila fadhiyaan Guddidii farsamo ee isku dubo ridka barnaamijka la xisaabtanka Hay'adaha caalamiga ah.

waxaanu bilownay sanadkan qorshihii la xisaabtanka hay'adaha caalamiga ah ee qaramada midoobay iyo ururada caalamiga ah ee aan dawliga ahaynba waxaanan kula xisaabtamaynaa deeqihii dalka soo gaadhay siday u baxeen. La xisaabtankani wuxuu noqon doonaa mid joogto ahaan doona. Sanadkii hore markii noogu horraysay bay ahaydoo may ahayn wax la wada dhammaystiri karo.” Wasiirku wuxuu sheegay in sanadkii hore qiimayntii ay sameeyeen ay khibrad ka heleen waxaanu yidhi “Khibradii aanu sanadkii hore ka faa'iidaysanay la xisaabtanka Hay'adaha waxaanu sanadkan foomamkii u diray haayadaha caalamiga ah si ay ugu soo buuxiyaan deeqihii iyo siday u baxeen. Waxa kale oo aanu nuqulo siinay Ururada iyo Hay'adaha dawliga ah ee la fulinayay mashaariicda.

La xisaabtanka sanadkani wuu ka balaadhan yahay kii sanadkii hore. Su’aalihii aanu sanadkii hore weydiinay waxay ahaayeen 12 su’aalood oo dhammaantood la xidhiidhay mashaariicda iyo deeqaha. Sanadkan waxaanu soo kordhinay xogihii aanu weydiinaynay oo aanu ka dhignay 18 su’aalood oo loo baahan yahay.” Md. Cali Sanyare wuxuu sheegay in barnaamijka la xisaabtanka ay qeyb ka yihiin Wasaaradaha iyo Hay'adaha dawliga ahi oo uu xusay in iyagana looga fadhiyo inay caddeeyaan halkii laga fuliyay iyo siday u baxday mashaariicdii ay wax ka fulinayeen.

Wasiirka Qorshayntu wuxuu intaasi ku daray in dhowaan ay shacbiga u soo bandhigi doonaan warbixin cilmiyaysan oo salka ku haysa natiijadii ka soo baxday Barnaamijka la xisaabtanka.“Hay'adaha caalamiga ahi si weyn ayay u qaateen barnaamijkan la xisaabtanka oo ah wax xaq ah oo u baahan inuu dhaxal u noqdo Somaliland oo uu sii socdo, inagana waa la inooga baahan yahay inaynu dhinaceeda diyaar u noqono,”ayuu yidhi Md. Cali Sanyare.

Wasiirka oo la weydiiya inay wax Tallaabo ah ka qaadeen 10 Haayadood oo ay sanadkii hore ku dhaliileen oo aan sidii la rabay uga soo bixin barnaamijka la xisaabtanka Hay'adaha, waxaanu yidhi “Horta nasiib wanaag sadex mooyee intoodii badnayd way soo direen la xisaabtankii. Kuwaasina waxaanu ogaanay inaanay dalkaba joogin ee ay ka tageen. Markaa digniintayadii way gaadhay xarumahoodii laakiin may ahayn dalka qaar jooga. Laakiin intii dambe oo dhan.”

Wasiirka oo ka jawaabay su’aal ahayd in wasaaradiisa oo ahayd Wasaaradaha ugu xarakaadka badan dalka xiligan dhaqdhaqaaqeedii xadidmay sida la sheegayna ay isku dhaceen Madaxweyne Rayaale waxaanu ku jawaabay “Inaan ku qoslay ma arkaysay su’aashaasi arrintaasi waa been dadkuna way iska malo awaalaan.”

Waxa shirkaasi jaaraa’id goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Md. Axmed Xaashi Cabdi.

Last Updated on Sunday, 31 January 2010 15:39
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email