President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Dawladda Namibiya Oo Sheegtay Inay Warbixinta Qaddiyadda Somaliland Ka Sugayaan Midowga Afrika
Sunday, 31 January 2010 06:13

Hargeysa(UP)Wasiirka Arrimaha Dibada Namibia Mr. Marco Mukoso Hausiku, ayaa sheegay inay ururka Midowga Afrika ka sugayaan warbixin la xidhidha qaddiyadda Somaliland iyo weliba khilaafaadyo ka

 

taagan gobolka geeska Afrika.Wasiirka oo furitaankii shirka Wasiirada khaarajiga Afrika, hoolka shirarka ee Xarunta Midowga Afrika ugu waramayay saxafiyiin reer Somaliland ah oo shirkaas ka qayb gashay oo uu ku jiro Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay inay jiraan warbixino qoraal ah oo la sugayo, kuwaasoo lagu faaqidi doono arrinta Somaliland iyo khilaafaadyada u dhexeeya Eretariya iyo Djibouti iyo weliba Itoobiya iyo Erretariya. "Waxa jira warbixino la xidhiidha khilaafaadka Djibouti iyo Eretariya ama Itoobiya iyo Eretariya, markaa waanu sugaynaa taas." Ayuu yidhi Wasiirku.Wasiirka oo la waydiiyay arrinta aqoonsiga Somaliland, waxa uu yidhi, "Annagu Namibia ahaan ka hordhicimayno warbixinahaas naloo keenayo.

 

Hase ahaatee, arrinta Somaliland halkay ku dambaysay, waxaanu marka hore sugaynaa qoraaladdaas ay AU-du ka diyaariyeen, markaa taasaanu eegaynaa.Mar la waydiiyay siday iyagu xukuumad ahaan u arkaan aqoonsiga iyo madaxbanaanida Somaliland, waxa uu ku jawaabay, "Annagu (Namibia) waxaanu jecelahay inaanu saaxiibtinimo dhaw la lahaano cid kasta, si aanu wax badan uga ogaano arrimaha Afrika ka socda." Wasiir Mukoso oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkiisa u hayay 7 sannadood ayaa sheegay inuu aad uga dheregsan yahay qaddiyada Somaliland iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo sheegay inay Somaliland ka tisqaaday xasilooni.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta u qaabilsan dalka Finland Mr Paavo Vayrynen oo khudbad dheer ka jeediyay furitaankii shir-weynahan wasiirrada arrimaha dibadda Afrika, ayaa ka hadlay siday Afrikaanku ugu baahan yihiin kobcinta iyo joogtaynta dhaqaalaha iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha. "Kobcinta dhaqaalaha oo ku tiirsan ilaha wax-soo-saar ee gaarka loo leeyahay, maalgelinada maxaliga ah iyo kuwa dibaddaha iyo ganacsiga ayaa ah qaybaha ugu muhiimsan ee hoos loogu dhigi karo faqriga." Wasiirka oo ku dhiirigelinayay inay dalalka Afrikaanka ahi iyagu gudahooda ka xalistaan mashaakilaadka soo food-saara ayaa isaga oo tusaale uga dhigayay xaalado adkaa oo uu dalkiisu soo maray waxa uu ku bilaabay, "Waxa laga yaabaa inay idinka (Afrika) la-yaab idinku noqoto, laakiin dalkayga Finland waxa wax badan uga egyahay dalalka Afrika.


Siday soo mareen inta badan dalalka waqooyiga ee ka tirsan AU-da, ayaanu anaguna u soo marnay xaalado badan oo qalafsanaa oo dabiici ahaa. Bilawgii madaxbanaanidayada 90 sannadood ka hor, waxaanu ku dhacnay dagaalo-sokeeye oo qadhaadhaa, balse waxaanu awoodnay inaanu daawayno dhaawacyadayadii, dib-u-heshiisiina ka gaadhno kala-fohaanshahayagii. Dabadeedna anaga oo isku duuban ayaanu iska difaacnay duulaankii ay Milateriga Soofiyeetigu nagu soo qaadeen 70 sannadood ka hor dagaalkii loogu yeedhi jiray ‘Winter War.' Dagaakii Labaad ee adduunka dhibaato badan ayaa naga soo gaadhay, balse hadana dagaalkaas ka dib weli waxaanu ahayn waddan dhaqaalihiisu soo kobcayay.


Anaga oo ka duulaynay xaaladdahaas waxaanu awoodnay inaanu raacno hababka lagu joogtaynayo ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga furfuran, taasoo ah arrinta noo horseeday inaanu maanta hogaaminayno bulsho ku tiirsan dhaqaale waaraya oo horumarsan. Waxaan rajaynayaa inay tani uga dhignaan doonto dhiirigelin tusaale mudan dalal badan oo ku yaala Qaaraddan (Afrika) cajiibka ah."Ugu dambayntiina Wasiirku waxa uu sheegay inuu dalkiisa Finland diyaar u yahay inay Afrika iska kaashadaan mashaariic horumarineed oo lagu joogtaynayo ilaha dhaqaalaha xorta ah.

 

 

Wargeyska Geeska Africa

Last Updated on Sunday, 31 January 2010 06:21
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email