President of Somaliland

Dastuurka xisbiga

Somaliland V/president

2nd UDUB Convention

 

Latest News

Boqolaal Tageerayaal KULMIYE Ahaa Oo Ka Soo Diga Rogtay Kuna Biiray Xisbiga Talada Haya Ee UDUB
Tuesday, 26 January 2010 08:17

Burco (UP)-Boqolaal Qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ee gobolka Togdheer oo ka soo wareegay xisbigaasi ayaa maanta si toos ah ugu digarogtay Xisbul Xaakimka talada haya ee UDUB.


 
Taageerayaashan  soo galay  Xisbiga Udub kana yimaada Kulmiye gobolka Togdheer ayaa iskugu jiray Shan kooxood oo kala duwan ,kuwaas oo kala ahaa Ciyaartooyo u ciyaari jiray Xisbiga Kulmiye oo ka kooban Sedex Group ,Fanaaniin iyo Qurbojoog.
 
Munaasibad balaadhan oo Xisbiga Udub uu ku soo dhawaynaayay taageerayaashan baaxada leh ee ku soo biiray oo ay ka  soo qaybgaleen masuuliyiinta Sar sare ee xisbiga Udub ee gobolka Togdheer Heer gobol mid Garab iyo mid Degmo ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Cigaal ee magaalada Burco ee Caasimada gobolka Togdheer.
 
Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee gobolka Togdheer  Ayaanle Cismaan Ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaas ay u sameeyeen taageerayaasha ku soo biiray xisbigooda ayaa sheegay dhalinyaradan ku soo biirtay maanta  oo markii  hore taageerijiray Xisbiga Kulmiye in ay arkeen in Danta iyo Midnimada Somaliland in ay ku jirto Xisbiga talada haya ee Udub kaas oo uu sheegay in uu ku caano maalay Nabad iyo isku duumni uu ka dhexsameeyay Bulsho waynta Somaliland . Waxaanu intaasi ku daray MR. Ayaanle oo uu u sheegay Dhalinyaradan ku soo digarogtay Xisbigooda maanta laga bilaabo in ay ka mid noqonayaan maamulka iyo masuuliyiinta  Xasbiga Udub ee gobolka Togdheer oo aan laga xigi-doonin isla markaana si  gaar ah u taakulayndoonaan  Dhalinyarada Kubadada Cagta ee  ku soo biiray Udub  si ay cagahooda iskugu taagaan. 
 
Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Udub ee gobolka Togdheer Sahra Dubad oo iyana ka hadashay Munaasibadaasi ayaa iyana sheegtay Boqolaalkan Qof ee ka soo baxay Xisbiga Kulmiye  ee ku soo biiray xisbigooda in ay ka mid ahaayeen Dhalinyaradii ay kaga timi Xisbiga Kulmiye sadaa awgeedna waxay sheegtay marhadii ay maanta ka soo guureen Kulmiye oo ay usuu noqdeen Udub in ay u balan qaadayso Kooxaha Ciyaartooyadada ah in ay u dirto Koobab ay ku ciyaaraan.
 
Farxaan Aadan Jirde oo isna ah Gudoonka Garabka dhalinyarada Raga ah oo isna madashaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in ay farxad weyn u tahay Xisbigooda mar hadii ay maanta taageerayaashii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo butaaceen Udub ,sidaa awgeedna waxa uu xusay in ay isla garabtaagayaan Saamiga ay ku leeyihiin Dhalinyarata Xisbiga maanta wixii ka danbeeya.
 
Dhinaca kale Gudoomiyayaasha watay Sedexdan Kooxood ee ciyaartooyada ah ee Kulmiye ka soo hayaamay oo u hadlay Dhalinyaradan ay wateen ayaa sheegay in ay Kulmiye uga yimaadeen Maamul xumo iyo Cadaalad-daro ay sheegeen in uu habaya yaraatee waxba kaga qaban waayay Sedex-sano oo ay magaciisa ku ciyaarayeen baahiyaha Aasaasiga ah ee Dhinaca Isboortiga ka haystay kooxahoodan , sidaasna ay ku gu'aansadeen in ay ku biiraan Xisbiga Talada haya ee Udub iyagoo Oodahoodii wata .
Waxaaney amaan usoo jeediyeen Madaxda Xisbiga Udub ee hugaamiya Xukuumadda Somaliland. 
 
 
Ugu Danbeyntii masuuliyiinta Xisbiga Udub ee gobolka Togdheer ayaa markii danbe  Kooxahan Kubada Cagta ee ka soo digarogtay Xisbiga Kulmiye gudoonsiiyay Qalabka ciyaaraha oo iskugu jiray kubado iyo dirayska lagu ciyaaro ee Sportiga.
 
Togdheernews.com

Last Updated on Tuesday, 26 January 2010 08:36
 
Designed by: Somaliland ICT Solutions Ltd :: Send us an Email