President of Somaliland

Somaliland V/president
Latest News
- Madaxweynaha Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Safaaradda UK ku leedahay Ad
- Somaliland oo Maqaam Sarre ka Gashay Doorashooyinka Afrika Waxbixin- by. Matt Brown,
- Xisbiga KULMIYE Oo Ku Guulaystay Doorashadii Madaxtooyada Ee Ka Dhacday Somaliland
- War Saxafadeed Ku Saabsan Doorashada Madaxtooyada S.Land Ee 26/06/10 Oo Ay Soosaareen Goobyoogaashu
- Goob Joogayaashii Caalamiga Ahaa Ee Doorashada Madaxtooyada Oo Sheegay In Ay Doorashadu U Dhacday
- Shirkad Basaska Magaalada Washington Oo Ku Dhajisay Basaskeedii Sawirka Axmedi Najad Oo Ka Cadheysiisay Iiraaniyiinta Mareykanka Ah
- Dhalinyarada Bariga Hargaysa Oo Tageero Mug Leh La Garab Istaagay Xukumada Iyo Xisbiga UDUB, Daawo
- Warbixin Ku Lid Ah Tii Ay Kamooshinka Qaranku Soo Saareen Oo Saxaafadu Soo Bandhigtay
- S/Land Should Be Strongly Supported By International Concerned Community By Any Means For The Upco..
- Madaxweynaha Oo Tageeryaasha UDUB Kala Qayb Qaatay Isu Soo Bixi Maalinti Todobaad Ee Shalay Beerta Xoriyada Hargeysa
- Halkan ka daawo Soo Dhawayntii Madaxwaynaha JSL ee Borama + Taageerayasha Xisbiga UDUB + Sawiro
- Siciid Sulub Oo Ku Eedeeyay Xisbiga Kulmiye Inay Samaysteen Ciidamo Maleeshiyo Beeleed Ah
- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Waa Aabaha Demoqraadiyadda Maanta Ka Hirgashay Somaliland
- Madaxwaynaha JSL Oo Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley Si Aan Hore-Loo Arag Lugna Ku Dhex Maray Magaalada
- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Layaable Loogu Soo Dhaweeyay Gobolka Hawd
- Masuulkii U Sareeyey Madaxda KULMIYE Ee G. Awdal Oo U Diga Rogtay Xisbiga UDUB
- Xisbiyada Doorashadii Oo Aan La Gaadhin Guusha Isa Siiyay Ee Aan Xattaa Inshaalaahu Odhan Waxaanu Tu
- Soo Dhaweyntii Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Ee Boorama Daawo…
- Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Koox Argagixiso Ah Oo Sheegatay Inay
- Isu-Soo Bixii Ugu Balaadhnaa Ee Ka Dhacay Beerta Xorriyadda Ceerigaabo Daawo Sawiradda
| Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadaladii Mucaaridka Ee Shirkii Jaraa’id Ee Madaxweynaha |
| Saturday, 23 January 2010 17:53 |
|
uu u qabtay saxaafada toddobaadkii la soo dhaafay kaasoo u dhignaa sidan: “Axsaabta mucaaridka, ayaa sidii caadada u ahayd si cadaan ah ugu fashilmay inay si munaasib ah ugu jawaab celiyaan shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha JSL uu bixiyay todobaadkii la soo dhaafay, kaasoo xambaarsanaa waxyaabo badan oo xaqaa’iq ah oo ku lug leh dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo weliba tallooyin dhaxal gal ah oo ku saabsanaa mustaqbalka, sida in laga wada tashado arrimaha isdulsaaran ee ay ka mid yihjiin golaha Wakiilada ee waqtigiisu dhamaadka ku dhaw yahay ee aanay jirin wax sharci ah oo u yaala ka soo socda qaabkiisa doorasho iyo ka guurtida oo isna uu sidoo kale gebagebo ku dhaw yahay waqtigiisii.
Runtii siyaasiyiintla mucaaridku waxa jawaabahoodu noqdeen kuwo iskugu soo ururay cay iyo aflagaado, waxaana ugu wacnayd iyagoo ku haftay waxyaabihii wada dhabta ahaa ee uu xambaarsanaa shirkii jaraa’id ee uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu u qabtay saxaafada dalka iyo Wakiilada warbaahinta dibbada, taasoo wax weyn ka badashay ra’yal caamkii bulshada reer Somaliland ee ku saabsanaa siyaasada Axsaabta Mucaaridka. Arrimaha looga baahnaa inay jawaab ka bixiyaan siyaasiyiinta Axsaabta mucaaridku waxa ka mid ah inay mawqifkooda cadeeyaan waxa laga yeelayo sharci la’aanta dhinaca doorashada Golaha Wakiilada ee uu dhamaadka yahay waqtigoodii, ka soo socdana aan waxa sharci ah loo haynin, maadama kii lagu soo doortay golaha hadda uu ku sinaa oo kaliya waqtigooda oo ahaa shan sanno, haatana wax sanad ka yari uga hadhsan yahay iyo ka guurtida oo uu madaxweynuhu u soo jeediyay in laga wada hadlo inta goori goori tahay.
Hase yeeshee, siyaasiyiinta axsaabta mucaaridku waxyaabaha danta qaranka kuwooda ugu culculus ka mid ah ee wada qabyada ah inay wax ka yidhaahdaan waxay ka door bideen inay faafiyaan waxyaabo ka baxsan milgaha siyaasada oo aan haba yaraatee kala fogaynta shacbiga mooye aan waxtar kale u lahayn bulshada reer Somaliland sida Madaxweynuhu faqash buu ahaa sodon sano ka hor iyo waxyaabo kale oo ka sii liita. Haddaba aan iswaydiinee waayo cida aan faqash soo ahayn ma Axmed Siilaanyo oo Wasiir ka ahaa, mise ina Biixe mise ina Kaahin iyo kuwa kale oo badan oo Saraakiil sar sare ka ahaa faqashta laysku caayayo. Waxaan leeyahay faaqshta nin kasta oo wax ahi wuu la soo shaqeeyay, qofba maalin uun buu ka soo dhaqaajiyay, si kastaba ha ku soo dhaqaajiyee, sidaas darteed maanta wax allaale wax ka yaala soo hadal qaadkeeda ma jiraan oo labadii qoriga iskala soo horjeeday ayaa ku heshiiyay inay iska tiiriyaan oo ay wada dhistaan Jamhuuriyada Somaliland kana wada shaqeeyaan horumarkeeda iyo hirgalinta jiritaankeeda qaranimo, loona tartamo si xalaal ah isla markaana siyaasiyiinta mucaaridku ha kala gartaan Rayaale iyo qaranka jiritaankiisa oo inta ay xanaaqa iska dhaafaan, ha kala cadeeyaan I inay federaalka ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ahi u aaminsan yihiin sida afkooda laga hayo iyo inay ka noqonayaan oo ay shacbigana cafis iyo saamaxaad waydiisanayaan. Mida kale ee ay soo hadal qaadaan Madaxda axsaabta mucaaridku waxa ka mid ahaa iyagoo taageeray eedaysane ka soo horjeestay oo isla markaana diiday jiritaanka tiir ka mid ah tiirarka uu qaranku ku taagan yahay oo ah hay’ada Garsoorka sida Maxamed Xaashi Cilmi.
Haddaba waxaan su’aalayaa Axsaabta mucaaridku maxay u tartamayaan mar haday garab iyo gaashaanba u yihiin shakhsi ka soo horjeestay Hay’adihii amniga iyo kuwii garsoorkaba? Mida kale mar haday ka hadli waayeen wixii danta ummada iyo ta qarankuba ku sii jiri lahaa ee uu Madaxweynuhu u soo jeediyay ee ahaa buuxinta Jagooyinka ku soo banaanaanaya ee golayaasha Wakiilada iyo guurtida oo la’aantoodna aan qaran jiri karin, kana doorteen cay iyo aflagaado ay ku wiiqayaan midnimada iyo wada jirka ummada, ma idin la tahay inay doorasho doonayaan? Mucaaridka Somaliland, waxa ka muuqata inay ku asqoobeen waxyaabihii xaqaa’iqa ahaa ee shacbiga dhagahooda la maqashiiyay, sidaa awgeedna ay sidii carsaanyada kolba gees u carareen, ka dibna ka il-duufeen inay si miyir qab ku jiro iskaga maydhaan fadeexadaha iyo burburinta midnimada ummada ee uu federaalku ka mid yahay ee banaanka la soo dhigay. |
| Last Updated on Saturday, 23 January 2010 18:01 |


Hargeysa(UP)Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Qaranka JSL. Mudane Axmed X. Daahir Cilmi, ayaa maanta Warsaxaafadeed ka soo saaray jawaabo ay madaxda axsaabta Mucaaridku ka bixiyeen shirkii jaraa’id ee Madaxweynaha